Liibaan Posted March 9, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Madaxweyne Shariif "Soo Dhoweynta Iyo Aqoonsiga Khaatumo State Of Somalia Waxaan u Arkeynay Howl Gacanta Soomaaliyeed Ku Jirta" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted March 10, 2012 Madaxda Dowlada KMG Ah oo Isku Khilaafay Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia MadaxWeynaha Somalia Sh. Shariif Ayaa Taageersan Soo Dhoweynta Iyo Aqoonsiga Khaatumo State. R/Wasaare Abdiwali Iyo Wasiir Xuseen Ciise oo Kasoo Kale Jeeda Puntland Iyo Somaliland Ayaa Kasoo Horjeeda Aqoonsiga Khaatumo Qoraal ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xafiiska R/Wasaaruku kasoo horjeedo aqoonsigii dhowaan uu sheegay madaxweyne Shiikh Shariif in dowladu ay aqoonsatay jiritaanka maamulka Khaatumo State. Sarkaal u hadlay xafiiska R/wasaaraha oo ay wareysatay idaacada Coda Maraykanka ayaa xaqiijiyey jiritaanka qoraalka aqoonsiga lagala noqday Khaatumo State. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Dr. Cali Nuur Xuseen oo la hadlay Idaacadda VOA-da u xaqiijiyay jiritaanka warqaddaasi,waxaana hadalkiisa uu kusoo koobay in arrimahaasi wax laga waydiiyo Wasiirka beeraha. Dhowaan ayaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu aqoonsaday Mamulka Khaatumo iyadoo aan la ogayn sida ay ku dambeyn doonto maadaama ee Madax Weynahu Iyo R/Wasaarahu isku khilaafeen Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 10, 2012 Shiekh sharif wuu ku mahadsanyahay mashallah si wacan ayuu u hadlay. Waana wax laga xumaado in ninka dhan ee r/wasaaraha somaliyeed lugu sheegyo in uu danta besha puntland uu kasoo jeedo ka doorsado danta somaali guud. Daacadnimadii ayaaba iska yaraatay. salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites