Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO:Khaatumo State Way Buuxisay Shuruudihii Maamul Goboleedka Looga Baahnaa Madaxweyne Shariif

Recommended Posts

Aaliyyah   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

people of my hometown made me proud. what an amazing clip.

 

guul reer laascaanod. Guul khaatumo State of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Aaliyyah;799329 wrote:
" frameborder="0" allowfullscreen>

 

people of my hometown made me proud. what an amazing clip.

 

guul reer laascaanod. Guul khaatumo State of Somalia.

 

 

 

 

 

Shacabka Magaalada Laas Caanood Noolaada, Shacabka Khaatumo State Noolada

 

 

 

 

Khaatumo Spring Revolution 2012 in full swing

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

RealTaleex.com

 

 

Daawo Video Soo Dhawayntii Iyo Damaashaadkii Shacabka Reer Khaatumo ee Aqoonsiga Maamulka Khatumo State Of somalia.

 

Magaalada Buuhoodle, Khaatumo State of Somalia

 

 

Kumanaan Kamida Shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa hada isugu soo baxay garoonka wayn ee magaalada Buuhoodle waxaana halkaasi ka dhacay dabaal deg aan beryahan ka dhicin magaalada Buuhoodle

 

 

Kumaanka shacbka ayaa waxa gudaha garoonka kula hadlay Madaxwaynaha Maamulka khaatumo State , Maxamed Yuusuf Jaamca Indhasheel, Wasiirka arimaha gudaha maamulka Khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub, Cuqaal aad utirabadan sidoo kalana waxaa halkaasi ka hadlay qaybaha ka dulan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Buuhoodle.

 

Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa siwayn ugu hanbalyeeyay dhamaan shacabka Deeganada Khaatumo State guusha wax ku oolka ah ee usoo hoyatay waxa uuna sheegay inay tahay maalin taariikhiya.

 

Wasiirka arimaha gudaha maamulka khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub ayaa isana dhankii tilmaamay inuu dareenku maanta marayo meel aad usaraysa hanbalyo baahsana udiray dhamaan shacabka Khaatumo state.

 

Caaqil hindi maxamed aadan oo isna halkaasi ka hadalay ayaa dhankiisa isna hanbalyo taas lamida udiray shacabka deeganada khaatumo state una hanbalyeeyay dawlada Soomaaliya sida geesinada ah ee ay uga qaadatay doorkeedii maadaama shacabka khaatumo state ay utaaganyihiin midaynta umada soomaaliyeed.

 

Dabaal degan ayaa waxa uu qayb kayahay dabaaldegyo xoogan oo kasoconaya dhamaan deeganada khaatumo state lagu taageerayo go aankii dawlada KMG Soomaaliya ay ku aqoonsatay Maamulka Khaatumo State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Magaalada Buuhoodle, Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

 

Picture-012.jpg

 

Picture-020.jpg

 

Picture-023.jpg

 

 

Picture-040.jpg

 

 

Picture-035.jpg

 

 

Picture-052.jpg

 

 

 

Picture-045.jpg

 

 

Picture-055.jpg

 

 

Picture-086.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Daawo Video: DaabaalDaga Iyo Farxada, Banaanbaxyo Waa Weyn oo Lagu Taageerayo Aqoonsiga Dowlada Federaalka Somaalia Iyo Madaxweyne Sheikh Shariif Siiyay Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

Buuhoodle, Khaatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
" frameborder="0" allowfullscreen> Great spirits.. Too hazardous though.. I won't trust being near by those wailing their fire arms and firing in the middle of the crowd... Seems they have a better and natural training than SL militia..lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

You right,Khadar,they are not only good with their weapons but are ready for the next battle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

shariif-2.jpg

 

 

 

 

 

Sh. Shariif "Soo Dhowaynta Iyo Aqoonsiga Khaatumo State Waa Guul u Soo Hoyatay Ummadda Soomaaliyed"

 

 

Halhan Ka Dhageyso:

 

http://warqaad.com/sh-shariif-2/

 

 

 

 

 

Madax Weynaha Soomaaliya Sh Shariif: Khaatumo Waxaan u Aqoonsanay Si Loo Ilaaliyo Midnimada Soomaalia

 

 

08.MArch.2012: Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaalia Sh Shariif Sh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay si rasmi ah u aqoonsatay Maamulka Khaatumo State of Somalia.

 

 

Xili uu kahadlayay Maanta munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka Aduunka ayaa waxaa uu sheegay in uu lakulmay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo isla markaana ay u aqoonsadeen Maamul Goboleed hoos yimaada Dolwada Soomaalia.

 

Madaxeynaha Soomaalia ayaa meesha ka saaray in Aqoonsashada Maamulka Khaatumo ay la micna tahay bur burinta Puntland ama Somaliland.

 

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay kamid tahay Maamul Goboleedyada Soomaaliaa ayna la yeelan doonaan kulan deg deg ah si xal looga gaaro Mad Mawga haatan jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxweyne Shariif "Soo Dhoweynta Iyo Aqoonsiga Khaatumo State Of Somalia Waxaan u Arkeynay Howl Gacanta Soomaaliyeed Ku Jirta"

 

 

 

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay aqoonsiga Dowladdiisa ay maamulka Khaatumo u aqoonsatay maamul goboleed kamid ah kuwa ka jira dalka.

 

Shariif Sheikh Axmed oo khudbad ka jeedinayay xuska munaasabada maalinta Haweenka oo maanta lagu qabtay guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu cadeynaayo Dowladiisa aysan burburinin maamulada dhismay oo ula jeeday Puntland iyo Somaliland.

 

‘’Waxaan rabaa in aan cadeeyo maamulada dhismay anaga midnimadooda iyo horumarkooda baan taageerayna ha noqdaan Somaliland ama Puntland,waxaan u haysanaa in ay tahay guul umadda Soomaaliyeed usoo hoyotay.Soomaalida mar walba ama xilli kasta la joogo kala tebasho baa timaada,Dowladda maadama ay tahay Dowladdi dhexe waxaa laga yaaba dad tabanaaya in ay u yimaadaan maxaa la gudboon marka Dowladda?,ma waxaa la gudboon in albaabada xirato mise waxaa la gudboon in albaabka furtocid wax tabanaysa dhageysato?,albaabka in la furo oo dadka lasoo dhoweeyo’’,ayuu yiri.

 

Madaxweyne Shariif oo si toos ah usoo hadal qaaday aqoonsiga maamulka Khaatumo,wuxuuna sheegay in soo dhoweynta ay u sameyeen ay u arkayeen howl gacanta Soomaaliyeed ku jirta ujeedaduna ay tahay in la wada hadal siiyo,nabad lagu wada noolaado iyo habka maamulka laga wada heshiiyo.

 

Waxaa uu meesha ka saaray in ujeedada tahay in la kala qaybiyo ama la burburiyo maamulada dhisan balse ujeedada tahay fursad lagu mideyn karo degaan kasta iyo Umadda Soomaaliyeed.

 

‘’Soo dhoweynta Khaatumo anagu waxaan u arkeynay howl gacanta Soomaaliyeed ku jirta ujeedaduna tahay in dad la wada hadashiyo,nabad lagu wada noolaado habka maamulka laga wada heshiisyo in ay fursadaas dowladda abuuri karto taasna ayaan kala hadalnay walaalaheena Khaatumo waana gaarsiinay labada gobol kale in Dowladda waxay ka shaqaynaysa in ay burburin ahayn laakin ay tahay nabadayn iyo midnimo’’

 

‘’Laakin ujeedadu ma ahaan qaybin iyo burburin maamul dhisan,ujeedadu waxaa waaye in aan raadino fursada loo mideyn karo degaan kasta,fursada lagu mideyn karo Umadda Soomaaliyeed taas waxaan ula jeeda beriyahan waxaa Suuqa aad ugu jirtey Dowladdu waxay ka shaqaynaysa in ay burburiso Somaliland,Puntland arintaas waxba kama jiraan’’,ayuu sheegay.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in la samayn doono guddi ka shaqeeya wada hadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ee doonaya in uu ka madax banaanado Soomaaliya inteeda kale.

 

Wefdi kasocda maamulka Khaatumo ayaa mudooyinkaan joogay magaalada Muqdisho,waxaana ay ku guuleysteen in ay aqoonsi ka helaan Dowladda Federaalka.

 

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo hore uga soo horjeestay dhismaha maamulkaan ayaa weli ka hadlin arimahaan.

 

Dalweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

thank-you.jpg

 

thank-you-card1%5B210x319%5D.JPG

 

 

U Mahad Naq ,Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Iyo Hanbalyo Madaxda iyo Shacabka Khaatumo State.

 

 

Ugu horeyn waxaan salaanta islaamka ku salamaya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Salaanta kabacdi waxaan uga mahad celinaya si aan la soo koobi karin Hiilka Qaran ee uu gutey kuna dhiradey wajibadka sarna iyado weliba anu ognahey daremi karnana culeyska sarna.

Ansixinta Maamul Gobaleedka KHaatumo State Of Somalia oo aan u dhashey kana so jeedo. Madaxweynaha waxan leyahey guuleeyso o magaca ha jiro Taariikhda baal dahaba ayad ka gashey madaxweyne xaqsoor ah oo umada somaliyeed u dhex dhexada inaad tahey ayana muqatey. Umada reer Khaatumo State waxey soo martey wakhti aad u adag sugeysey uun bal mar uun iney dowladooda somaliyed aan cidi u dhaxeyn mantana taas gacantan ku heyna. Aad iyo aad baanu kuugu mahad naqeyna kuuna tageersanahey.

 

Madaxda,G10,Saladiinta,Cuqaasha iyo Shacabka Khaatumo State hanbalyo hanbalyo iyo salaan ban idiin leyahey dhamantin meel kasto aad aduunka joogtaanba.

Ansixinta maamul Gobaledkena Khaatumo State maha guushii ugu horeyse uso hoyatey, Mid ka mihim san ba sohoyato ah ( Midnimadeena ) Tana waa Guul aad iyo aad u weyn o aynu ku guleysaney.

Insha alaah guusha tan ku xigta wa Lascanood iyo dhulka inti kale inaga maqna, Guuul iyo Gobanimo waxqabad iyo midnimo aya ino balana dhamanten barbarkey ka baxda wa bakeyla galeen..

 

Wabilahi Towfiiq

Maryan Heybe Yusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

WaagacusubTV: Shacabka Magaalada Laas Caanood oo Banaanbax Balaadhan oo Ku Taageerayaan Maamulka Khaatumu State, Iyo Mahadnaq Shaikh Shariif Aqoonsiga iyo Soo Dhoweynta uu Fidiyey Khaatumo State

 

 

Banaanbaxyo loogu dabaaldegaa guusha Khaatumo state of Somalia gaartay ayaa hareeyay guud ahaan degaanada Maamulkaas iyadoo dhinaca kalena Garaad JamaacGaraad ismaaciil uu Galmudug State ku amaanay taageerada ay la garab istaagtay Khaatumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

MADAXWEYNE XURMADLE-SH.SHARIIF HALYEEY QARAN -QALINKII USTAADKA!

 

Mahad oo dhan Allah ayeey sugnaatay-Nabadgelyo iyo Naxariis suubane

Rasuulkeena(Muxamed CSW)korkiisa-Waqtiyada dhibaatada,silica iyo guud

ahaanba xiliyada rafaadka la galo ayaa la kala ogaado geesiga,halyeeyga

iyo qofka kartida leh oo wuu dhabar adeygi kara xaaladaha qalafsan kuna

soo dabaala doonta safarka dheer gashay meel nabad ah iyo guri barwaaqo

halka midka daciifka ahi midka liitaa dhexda ku hadho una dul-qaadan karin

shidada iyo culeeyska rafaadka safarka dheer iyo moojadaha bad-weynta

 

Halyeey-Geesi Xurmadle-Madaxweyne-SH.SHARIIF SH.AXMED muwaadin xalaal ah

isu taagay u adeegida dadkiisa hooyo iyo dadkiisa Somaaliyeed waqtiga

xun ku jira,gartay masuuliyada Diineed,qarameed iyo akhlaaqeed oo ka saaran

Ciida,Calanka iyo bulsho-weyntaba,naftiisa qaaliga ah u hudhay danta guud

iyo dib u soo nooleeynta qaranimadii jiritaankii iyo hanaan dawladnimo oo

dhab ah,nasiib wanaaga ka gudbay caqabado iyo meelo halis ah oo kuwii ka

horeeyeey fashilaad iyo waji gabaxna kala kulmeen-Allah mahad leh halyeey

Sh.Shariif karti,dadnimo,dul-qaad,hogaamin iyo daacadnimo ayaa Allah hibo

u siiyeey iyo mida ugu muhiimsan Muslin dhab ah waana sifooyin maanta laga

helin somaalida intooda badan,Xiligii Maxaakiimta ayaan dareemay xilkasnimada

Sh.Shariif iyo niyad samidiisa,hanbalyo guulaha iyo horumarka dhinacyada badan

leh ee xiliga hagaaminta Sh.Shariif waana kuwo taariikhda somaaliyeed gelaaya.

 

Waxaan la yaabay qoraalada naceeybka,af-lagaadada iyo cunsuruyada leh oo laga

buuxiyeey mareegaha beesha Dhexe S/Land oo intoodaba badan asluubta qoraal iyo

xurmada luqadeed ka maqan tahay kuna tilmaamaaya Madaxweyne sh.shariif waxyaabo

aan munaasib aheyn iyo erayo laga xishoodo,laakiin wax kasta oo ku sheegaan ama

ku tilmaamaan halyeey-Madaxweyne-Sh.Shariif madaxweyne qaran,geesi ma daale ah

iyo halyeey taariikhda baal dahab ah ka gelaaya masuuliyadiisa iyo hanaanka iyo

habka wax qabad ee hogaamiintiisuna sida qoraxda u muuqdaan hadii Allah idmo ku

guuleeysan doona nabadeeynta iyo mideeynta qaranka Somaaliyeed bulshada inta leh

damiirka iyo dareenka somaalinimo iyo qiirada wadaniyadeed weey ogyihiin maqaamka

iyo xurmada wuu mudan yahay Madaxweynahoodu inta xanuunsana Allah ha caafiyo-aamiin,

Xurmadle-Madaxweyne Sh.Shariif Halyeey iyo geesi gumeeysi iyo gun-nimo diideey kala

maqnaan iyo kala qoqob somaaliyeed diideey ku taagan maqaamka iyo karaamada xoriyada

midnimadda iyo dowladnimo cadaalad,sinaan,garsoor iyo hogaamin wanaagsan leh-Alloow

Xafid-Aamiin.

 

-ALLAH MAHAD LEH-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this