Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO:Khaatumo State Way Buuxisay Shuruudihii Maamul Goboleedka Looga Baahnaa Madaxweyne Shariif

Recommended Posts

Liibaan   

Madaxweyne Shariif oo sheegay in Khaatumo State ay buuxisay Shuruudihii Maamul-Goboleedyada lagu aqoonsan lahaa haatanna ay lamid tahay Maamul-Goboleedyada kale

 

Madaxweyne Shariif oo la hadlayey Dad aad u farabadan oo ku sugan Hool Xaflad loogu sameeyay Madaxda DKMGka ah oo ku yaalla Magaalada Bristol ee Waddanka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay ka dhawaajiyey in Maamul-Goboleedka dhawaan looga dhawaaqay Taleex ee lagu magacaabay Khaatumo State uu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa Maamul-Goboleedyada ee ku xusnaa Axdiga KMGka ah, Waxana uu Madaxweyne Shariif sheegay in Khaatumo State Maamulka la yiraahdo uu la siman yahay Maamul-Goboleedyada kale ee ka jira Soomaaliya ee la’aqoonsan yahay.

 

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Maamul-Goboleedyada looga dhawaaqayo Nairobi, England iyo meelaha kale ee ka baxsan Soomaaliya aan la’aqoonsaneynin islamarkaana Maamul-Goboleedyada looga baahan yahay in looga dhawaaqo gudaha Soomaaliya iyadoo buu yiri Dadka Deegaanka noocyadiisa kala duwan ay ku midaysan yihiin.

 

Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Shariif ayaa Madax-wareer ku riday Maamullada Puntland iyo Samaliland oo iyagu aad uga carooday Khaatomo State dhismihiisa, Iyadoo qolo waliba ay sheeganeyso in Deegaannadaasi ay iyadu maamusho kana tirsan yihiin Dadka halkaas ku nool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

walaalkis;795096 wrote:
I'm glad people of khaatumo state are getting their support from rest of the country. If there's puntland, galmudug, somaliland .... why not

khaatumo state ? that's all I would like to know. If these folks want freedom and self government in their region why is anyone against it

 

Well Said Walaalkis, The people of Khaatumo State all they want is justice, fairness, freedom, independence, self-rule, self-government, regional-autonomy, prosperity, development, Somali Unity, United Somalia etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

91-1024x767.jpg

 

Ahahahaha. Is that Mukhtaar, our banoonimate, on the right side of the picture? Waa wareey. Nayroobi fresh air ku soo qaadanaa la isku ogaa ileen Xamarna waa isgeeye oo jago raadis noqday.

 

I hope his siyaasad is not as bad as his banooni playing. Muxuu dad dardaray markii banooni la ciyaaraayo. 058.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

124.jpg

 

Sheikh Mukhtaar is Patriot/wadani, so his politics will be good. Xogaa Carabi ah oo ee Sheikh shariif isku fahmaan waa yaqaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;795902 wrote:
Xamar uu aadaa isma dhaheynin. Mana ogeyn in uu Reer Sool ahaa. Waa u sugaa markuu soo noqdo.

Sheikh Mukhtaar is from Buhoodle, Cayn. He went to participate Khaatumo II Grand Conference in Taleeex. And now he is part of Khaatumo State Delegation in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Madaxweyne Kuxikeenka Somaliland Saylici “Shiikh Shariif waxa uu natusay cadownimada u hayo Somalidiidka ”kadib aqoonsigii Khaatumo State"

 

 

February 28, 2012

Hargeysa:-(RT) Madaxweyne ku xigeenka maamulka lamagac baxay S/land C/Raxman Saylici ayaa ka qayla dhaan aan jawaan kataganayn u diray Madaxweynaha Somaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo uu ku tilmaamay inuu tusay cadownimada uu u hay jiritaanka Somalilnad waa siduu hadalka u dhigayee .

 

Mr.Saylici ayaa waxa ay jawaabtiisani daba socotaa aqoonsigii Uu madaxweyne Shariif U aqoonsaday Maamul goboleed Buuxiyay shuruudihii looga baahnaa khaatumo State Of Somalia.

 

Mr.Saylici ayaa sidoo kale Uu ka sanqadhiyay in ay ku soo fool leeyihiin Somaliland Al-Shabaabkii koonfurta laga soo eryaday isagoo sheegay inay kuwa waaweyn yaqaaniin laakiin kuwa yar yari ay khatar yihiin waa siduu hadalka u dhigayee,hadalkan ayaa waxa uu yimi xili beryahan danbe saxaafadu ay aad u hadal haysay in Somaliland iyo Al-Shabaab xidhiidh soke ay lee yihiin ,lama oga sababta xiligan keentay in qaar kamid ah madax Somaliland ay ka qayliyaan in Al-Shabaab ay yimaadaan Gobolada Woqooyi Ee Somaliya.

 

 

http://youtu.be/KqQhS7LBImg" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

breaking-news.gif

 

shariif-front.jpg

 

 

Thank You Mr. President: TFG Somali Gov. Officially Recognized Khaatumo State of Somalia

 

 

War Deg Deg ah:Madaxweynaha Somaliya Sheikh Shariif Oo ku dhawaaqay Inuu Si Rasmi Ah u Aqoonsaday Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia.

 

Madaxweynaha Dawladda Kumeel Gaadhka Ah Ee Somaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Ayaa Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxtooyada Ku Sheegay Inuu U Aqoonsaday Khaatumo State of Somalia Maamul Goboleed Buuxa.

 

 

Muqdisho:-(RT)Madaxweynaha Dawladda kumeel gaadhka ah Ee Somaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh axmed ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ku sheegay inuu U aqoonsaday Khaatumo maamulgoboleed buuxa.

 

Madaxweynaha ayaa ku yiri wareegtadaan markii aanu Eegnay baaxada dhulka ay leedahay Khaatumo iyo bulshada ku nool tiradeeda iyo Gobolada Sool,Sanaag,cayniyo dadka kunool goboladaasi qaabka ay isugu yimaadeen ,uga shireen aayahooda,una go’aansadeen inay samaystaan maamul goboleed ka tirsan dowlada Federalka ah Ee ku meel gaadhka ah.

 

Madaxweynuhu waxa Uu sheegay inay aqoonsadeen lagabilaabo marka uu saxiixo wareegtadan madaxweynuhuna ay dhaqan gelayso wuxuuna saxiixay madaxwenuhu warqadaas 28/02/2012 saacadu mar kay ahayd 8:00pm xiliga afrikada bari.

 

Warqada aqoonsiga ayaa madaxweynuhu ku wareejiyay waftigii Reer Khaatumo Oo beryahanba Caasimada ujoogay arimo siyaasadeed oo ay kamid tahay aqoonsigaas iyo sidii ay uwada shaqayn lahaayeen maamul goboleedka Khaatumo iyo Dawladda kumeel gaadhka ah.

 

Isku soo wada duuboo Khaatumo ayaa waxay la mid tahay sida maamulada kale ee ay ka id tahay Puntland iyo kuwa lamidka ah.

 

wixii kasoo kordha arimaha Khaatumo iyo DKM kala soco warakayaga danbe hadii ilaahay idmo.

 

Realtaleex News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxwayne3-300x237.jpg

 

 

Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Madaxweynaha DFKM ayaa si buuxda loogu aqoonsadey Maamulka Khaatumo State.

 

 

 

 

 

 

 

Muqdisho(Allssc): Madaxweynaha Dawladda kumeel gaadhka ah Ee Somaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ku sheegay inuu U aqoonsaday Khaatumo maamul goboleed buuxa.

 

Madaxweynaha ayaa ku yiri wareegtadaan markii aanu Eegnay baaxada dhulka ay leedahay Khaatumo iyo bulshada ku nool tiradeeda iyo Gobolada Sool,Sanaag,cayniyo dadka kunool goboladaasi qaabka ay isugu yimaadeen ,uga shireen aayahooda,una go’aansadeen inay samaystaan maamul goboleed ka tirsan dowlada Federalka ah Ee ku meel gaadhka ah.

 

Madaxweynuhu waxa Uu sheegay inay aqoonsadeen laga bilaabo marka uu saxiixo wareegtadan madaxweynuhuna ay dhaqan gelayso wuxuuna saxiixay madaxwenuhu warqadaas 28/02/2012 saacadu mar kay ahayd 8:00pm xiliga afrikada bari.

 

Warqada aqoonsiga ayaa madaxweynuhu ku wareejiyay waftigii Reer Khaatumo oo hogaaminayey Madaxweyne Biindhe Iyo Garaadka guud ee Khaatumo State Oo beryahanba Caasimada u joogay arimo siyaasadeed oo ay kamid tahay aqoonsigaas iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen maamul goboleedka Khaatumo iyo Dawladda kumeel gaadhka ah.

 

Isku soo wada duuboo Khaatumo ayaa waxay la mid tahay sida maamulada kale ee ay ka id tahay Puntland iyo kuwa lamidka ah. waxaana siaaada looga dabaal degi doonaa arinkan dhamaan deeganada Khaatumo State.

 

Maxamed Wali

 

Allssc Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Garaad%20Jaamac.jpg

 

 

 

 

 

Garaadka Guud & Gudoomiyaha Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo State Garaad Jaamac G. Cali "Khaatumo State Uma Baahnayn In Loo Aqoonsado Waxa Ay Yihiin" (Maqal)-

http://lasanod.com/details.php?num=7060

 

 

 

Muqdisho,(lasanod Online)- Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah wafdiga khaatumo State of Somalia ee ku sugan magaalada Muqdisho..

 

ahna gudoomiyaha golaha sare ee dhaqanka Khaatumo, ayaa warbaahinta uga waramay go'aankii maanta Dawladda federaalka Somalia aqoonsiga buuxa ku siisay maamulka Khaatumo State.

 

Garaad Jaamac ayaa Sheegay in aqoonsiga Khaatumo ku xidhnaa dadkiisa uuna hore u dhacay,maantana ay heshiis wada shaqan ah la galeen dawladda Federaalka Somaaliya.. Hoos ka dhegayo..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Khaatumo Oo Maamul Goboleed Loo Aqoonsaday Iyo Dabaal deg Ka Socda Gobolada Khaatumo-(Video+Sawiro)-

Lasanod Online. Monday, March 05, 2012

 

 

 

 

Muqdisho,(lasanod Onlione)- Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa si rasmi saaka qalinka ugu duugay..

 

aqoonsiga maamulka Khaatumo State of soomaaliya inuu yahay mamaul goboleed kusoo biiray maamulada hore dawladda Federalka Somalia, kadib markuu buuxiyey dhamaan shuruudihii looga bahnaa.

 

Warkaas farxada leh markuu soo baxay kadib waxaa Magaalooyinka Buhoodle, laascaanood, Boocame iyo Taleex ka bilaamay banaanbaxyo waaweyn oo lagu soo dhowaynaayo guusha usoo hoyatay shacabka deegaanadaa khaatumo.

 

Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac( indho-sheel) oo ka mid ah golaha sare ee madaxtooyada ayaa magaalada Buhoodle kula hadlay dadka isugu soobaxay meel fagaare ah, waxaana uu u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guushaas weyn, isagoo hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka reer Khaatumo meel joogaanba aduunka.

 

Wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa iyana halkaasi ka hadlay waxana dhamaantood sheegeen in maantaa aay tahay maaalin weyn oo mudnaanteeda iyo taariikhdeeda u leh shacabka Khaatumo iyo ummadda Soomaaliyeed ee midnimada Jecel.

 

Guushan maanta usoo hoyatay shacabka Khaatumo ayaa ah mid ku timid taladii ka bilaabantay shirkii magaalada Taariikhiga ah ee Taleex, laguna yagleelay maamulka goboleedka Khaatumo.

 

 

 

Picture092.jpg

 

Picture092.jpg

 

 

Picture088.jpg

 

 

Picture086.jpg

 

 

Picture084.jpg

 

 

Picture080.jpg

 

 

Picture014.jpg

 

Picture079.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

War Culus: Dowlada Somalia oo Aqoonsatay Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia!

Dowlada Somalia oo sibuuxda u aqoonsatay Khaatumo State of Somalia in ay tahay Maamul goboleed katirsan dowlada Federalka Somalia , maamul goboleedkaas oo kamid noqonaya Maamul goboleedyada kajira dalka Somalia Sida, Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

 

Xubnihi kasocday Maamulka Khaatumo State ee kusugnaa Magaalada Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey in ay warqadii aqoonsiga Gacanta kuhaystaan , madaxweynaha somalia Mudane Shiikh SHariif Shiikh Axmed ayaa horay u aqoonsatay Maamulka Khaatumo State maantana waxa uu u saxiixay warqada Digreetada ah.

 

Dawladda KMG ahi ee Soomaliyeed waxay balan qaadaysaa in deeqaha Aadanaha, Waxbarashada, Khayraadka dalka iyo siyaasadaba laga qaybgeliyo xaqna ay u leeyihiin reer Khaatumo State.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamida Golaha sare ee Dhaqan deeganada Khaatumo State oo kawaramaya sida buuxda ee loo aqoonsaday Maamulka Khaatumo State.

 

http://www.boocameonline.com/2012/03/05/war-degdeg-ah-dowlada-somalia-oo-aqoonsatay-khaatumo-state-of-somalia/

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

The right words are said by Garaad Jamac G. Ali..

Garaad Jaamac ayaa Sheegay in aqoonsiga Khaatumo ku xidhnaa dadkiisa uuna hore u dhacay,maantana ay heshiis wada shaqan ah la galeen dawladda Federaalka Somaaliya.. Hoos ka dhegayo..

This seeking "Aqoonsi" reminds me successionists.. Reer Khatumo wasn't and isn't looking for "Aqoonsi" rather they want to their own admin directly working with somalia's Federal admin and other stakeholders without anyone else representing them... THIS IS A CORRECTION....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this