Sign in to follow this  
Somalina

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif oo Jaaliyada UK xaflad soo dhaweyn u sameysey

Recommended Posts

Somalina   

DSC00617-515x289.jpg

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya md Sheekh Shariif Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaweeyd dalka dib ugu soo laabtay ,kadib markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cadde ee magaaladda muqdisho.

 

Soo dhaweynta madaxweynaha iyowafdigisa ayaa waxaa ka qeeyb qaatay Mas’uuliyiin katirsan labadda Gole ee Dowladda oo ay ka mid ahaayeen wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo Boqollaal dadweyne ah oo ka kala socday 16ka degmo oo uu ka koobanyahay Gobolka Banaadir oo ay horkacayeen Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo.

 

Wafdiga Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka deyaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay oo uu kaga qaatay salaan sharaf Saraakiil hogaamineysay cutubyo ka tirsan Cidamadda Xoogga Dalka soomaliyeed iyadoo baandada musikada baanbeyda Xoogga dalkana ay u garaacayeen Astaanta qaranka.soomaliyeed.

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka soomaliya ayaa waxaa uu mid mid u gacan qaaday dhammaan dadweynihii kusoo sida diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Isagoo shir Jaraa’id ugu qabtay saxaafadda gudaha garoonka ayuu sheegay in guushii ugu weeyneeyd laga soo gaaray shirkii uu marti geliyay R/Wasaaraha xukuumadda Ingriiska Gaar ahaan magaaladda London isagoo ugu hambalyeeyay ciidamada guulaha ay ka gaareen Dhinaca Nabadgalayadda Qaar ka mid ah gobollada dalka.Soomliya.

 

Madaxweynaha ayaa dhanka kale xusay in muhiim ay tahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliya islamarkaasna ay wadahadlo la yeelan doonaan maamulka lamagac baxay Soomaaliland ee iyagu moddo 21 sanno ah ku taamayay inay ka madax banaanyihiin soomaliya inteedda kale, balse waxaa uu xusay in qodobka 6aad ee War mutiyeedka Shirkii London ay ku xusantahay in ay wadahadlaan Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland si xal kama dambeysa ah looga gaaro dhibaatooyinka ka jira dalka.soomaliya guud ahaan.

Soo dhaweynata madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa dhinaca amanaka si aanan horay loogu arag loo adkeeyay magaalada iyo hareeraha wadooyinka madaaladda muqdisho iyadoo dadweyne aad u farabadan oo isugu jira haween labisan dharka hidaha iyo dhaqanka, Dhallinyaro, iyo odayaal ay buux dhaafiyeen wadada isku xirta garoonka diyaradaha illaa iyo madaxtooyada.Villa Soomaliya ee qaranka soomalaiyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Max’ud Boocame Oo Waraysi la Yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed

 

BoocameOnline.com

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

wadanka1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Madax Weynaha Soomaaliya Sheikh Shariif oo Aqoonsaday Khaatumo State, Isla Markaana Qiray In Khaatumo State of Somalia Shuruudihii Maamul Goboleed Buuxisay

 

Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed Oo khudbad ka jeediyey magaalada Bristol ee cariga Ingiriiska..

 

ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulka Khaatumo kasoo baxay shuruudihii looga baahnaa ee ahaa in laba maamul iyo kabadan markay isu tagaan noqon karan maamul goboleed.

 

Madaxweyanaha ayaa halkaa lagu weydiiyey su'aal aaddan maamulka KHAATUMO iyo weliba sida lagu wado in uu u dhoco wada hadalka lala geli doono maamulka Hargeysa si la isugu keeno ummadda Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Shariif wuxuu goobtaas ka caddeeyey inuu KHAATUMO STATE OF SOMALIA buuxiyey shuruudihii looga baahnaa maamul goboleedka sida ku cad cadiga qaranka ee kumeel gaadhka ah, dawladda federaalkana way ka tirsanyihiin.

 

Jawaabtan ayaa markii uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey ay mar qudha dadkii xafladda kasoo qayb galay oo Soomaali oo dhan ka koobnaa sacab iyo sawaxan isla kaceen, iyagoo muujinaya doorka uu maamulka KHAATUMO ku leeyahay midnimada umadda Soomaaliyeed.

 

 

________________________________________________________________________

 

Taleex.com :

MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED: KHAATUMO STATE WAY BUUXISEY SHURUUDIHII MAAMUL GOBOLEED LOOGA BAAHNAA

 

London:-(RT)Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Bristol, UK ayaa waxay casuumaad u fidiyeen Madaxweynaha DFK ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed maalintii jimacaha ee taariikhdu ahayd 24/02/2012. Wafdigan ballaadhan ee uu madaxweynuhu hoggaaminayey waxaa ka mid ahaa wasiiro ka tirsa dawladda federaalka ah iyo weliba guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Magaalada Bristol ayaa iyadu nasiib u yeelatay inay noqoto magaaladii ugu horaysey ee ay soo booqdeen wafdigani maalin kaddib shirkii London ee Soomaalida la isugu keenay.

 

Jaaliyadda KHAATUMO STATE OF SOMALIA ee Bristol ayaa qayb weyn ka qaadatay soo dhoweynta madaxweynaha waxayna fursad u heleen inay su’aalo weydiiyaan madaxweynaha, su’aalahaas oo ku saabsanaa aragtida DFK ee soomaaliya ee ku aaddan maamulka KHAATUMO iyo weliba sida lagu wado in uu u dhoco wada hadalka lala geli doono maamulka Hargeysa si la isugu keeno ummadda Soomaaliyeed. Madax weynahu wuxuu goobtaa ka caddeeyey inuu KHAATUMO STATE OF SOMALIA buuxiyey shuruudihii looga baahnaa maamul goboleed sida ku cad axdiga qaranka ee kumeelgaadhka ah. Arrintan ayaa markii uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey ay mar qudha dadkii xafladdaa kasoo qayb galay oo Soomaali oo dhan ka koobnaa sacab iyo sawaxan isla kaceen iyagoo muujinaya doorka uu maamulka KHAATUMO ku leeyahay midnimada umadda Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo madaxweynuhu ballan qaaday inuu ku dadaali doono sidii uu gacan uga geysan lahaa colaadaha ka dhashay dhibaatooyinka uu maamulka Somaliland ka wado goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaa in taa dheeraa waraaq qoraal ah oo ay Jaaliyadda KHAATUMO u gudbiyeen Madaxweynaha tasoo ay ku faah faahinayeen sida ugu habboon ee loo caawin karo dad weynaha midnimada jecel ee KHAATUMO iyo weliba sida uu u dhici doono wada hadallada lala geli doono maamulka Hargeysa. Jaaliyaddu waxay qoraalkeedaa ku caddaysay in Maamulka KHAATUMO marna shaqo ku lahayn wada hadaladaas maadama ay taageersan yihiin DFK ee Soomaaliya. Waxaa kaloo Jaaliyaddu madaxweynaha ku wargeliyeen in wada hadal kasta oo dhex mara maamulka Hargeysa iyo DFK ee Soomaaliya lagu saleeyo axdi-qarameedka ku meelgaadhka ah ee Soomaalia oo qeexaya in awoodda wadanka lagu qaybsado nidaamka 4.5.

 

U gu danbayntii waxaa Jaaliyadd Soomaalida ee Bristol oo ay laf-dhabar u tahay Jaaliyadda KHAATUMO STATE OF SOOMAALIYA ay madaxweynaha uga mahad celiyeed booqashadiisa wuxuuna madaxweynuhu dhiniciisa ballan qaaday inuu ilaalin doono midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somalina;795382 wrote:
Nice. Do you have more pics and videos Liibaan?

 

Khatumo State wey duushey!

 

 

Walaal Somalina, I will try to find more pictures & videos.

 

 

Waa runtaa Khaatumo iyo Somalia waa duuleyn.

 

 

Viva Khaatumo State & Viva United Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this