Sign in to follow this  
Dr_Osman

Muqdisho:-Xureynta Baydhaba iyo Xudur waa Dhamaadkii Al-shabab

Recommended Posts

Dr_Osman   

Muqdisho:-Xureynta Baydhaba iyo Xudur waa Dhamaadkii Al-shabab (Warsaxaafdeed xukuumada)

23. february 2012

 

APL

 

Warsaxaafadeed 27/2012

 

Xureynta Baydhaba iyo Xudur waa Dhamaadkii Al-shabab

 

(Muqdisho, Febraayo 23, 2012) Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya waxay ka xureeyeen Magaalada Baydhaba iyo Magaalada Xudur iyo deegaano hoos yimaad, shalay Maleeshiyaadka Al-shabab (Al-qaacida) ee argagixisada ah iyadoon wax iska caabina aysan jirin.

 

Waxaa farxad leh in Shacabka degan labada magaalo ay ku soo dhaweeyeen ciidamada xureynayay Alalaas, caleemo qoyan, iyo ubax , iyagoo muujinayay farxada ay u qabaan in sadax saneo ka dib ay ka xuroobeen, duleysigii, dhibaatadii iyo rafaadkii ay ku hayeen maleeshiyaadka Al-shabab.

 

Waxaa hanbalyo ku aadan guushaan taariikha ah, u diray Ciidmaada Qalabka Sida iyo Ciidamada Itoobiya ee taageerayay , Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, iyo Wasiirka Difaaca, iyagoo tilmaamay in gulufka xureynta uusan halkaa ku hakan doonin oo uu sii socon doono ilaa laga xureeyo dhamaan soomaaliya.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ahna ku simaha wasiirka ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed- SONNA- waxaa ku yiri “waxay u tahay farxad weyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka labada magaalo iyo degaanada kale ee la xureeyay, ugu danbeyn laga xureeyay duleysigii iyo tacadigii ay ku hayeen argagixisadu, magaalooyinkaas iyo degaanado hoostagama ay ku soo noqdeen gacanta Xukuumadda Soomaaliya”

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray “iminka waxaa waajib ah in la soo celiyo sharciggii si deg deg ah, mana haboona in laga aargoosto shaqsiyaadka la tuhmayo iney xiriir la lahaayeen Al-shabab xiligii hore waxaa muhima in sharciga la horkeeno, sharciguna sarreeyo, lana dhowro cadaaladda, taasoo ah tilmaamnta ay Xukuumadda Soomaaliya uga duwan tahay Maleeshiyaadka Al-shabab ee Argagixisada ah”

 

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “waxaa u haboon dhalinyarada weli ku jira Al-shabab iney fakaraan iminka intaan waqtiga gabaabsi ku noqon, oo ay ka faa’ideystaan cafiska iyo kaalmada Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed u fidinayaan si ay uga baxaan dhibaatada ay ku dhex jiraan, tiiyoo waqtigu gabaabsi yahay”.

 

Dhamaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Excellent progress made on the federalism front and the spirit of garowe principles. Shabab is losing territory and will vanish from Somali politics. Siilanyo is apart of Somalia and his seccession plans are over.

 

Current operational Federal states

1. Puntland(founding father)

2. Somaliland

3. Galmudug

4. Ximan iyo Xeeb

 

Federal government control expands currently controls

1. Mogadishu

2. Baydhabo

3. Bakool

4. Parts of Gedo

5. Galguudud

6. Hiiran

 

Shabab controls

Parts of gedo, shabelle and parts of jubba slowly dying goodnight boys. Federalism will shine

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne;794654 wrote:
This Dr stranger-to-reality really is some sight to behold..
:D
:D

 

And here he is talking about Somaliland being a part of some sort of a federalism. One wonders whether he had read the outcome of that same conference in which he was telling us that it's bringing Somalia from it's disreputable position. Well, I guess our old Cowke is always good for a laugh or two, indeed.

:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this