Xaaji Xunjuf Posted February 25, 2012 ^We shall see what the US does when Somalis disagree on the so called garowe accord:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 25, 2012 More like united under the TFG ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted February 25, 2012 Xaaji Xunjuf;794737 wrote: ^We shall see what the US does when Somalis disagree on the so called garowe accord:D banadir o dhan ba diday saxib...and Somaliland doesnt entertain that sort of cr*p. these neo-siadist live in a dream world. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted February 26, 2012 Xaaji Xunjuf;794737 wrote: ^We shall see what the US does when Somalis disagree on the so called garowe accord:D " The position of the United States is straightforward: attempts to obstruct progress and maintain the broken status quo will not be tolerated," Clinton told the one-day gathering in London of about 40 African, Arab and Western leaders and government ministers. "We will encourage the international community to impose further sanctions, including travel bans and asset freezes, on people inside and outside the TFG who seek to undermine Somalia's peace and security or to delay or even prevent the political transition." Damn Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted February 26, 2012 Damn that speech by farole at london made me proud to be puntlander!!! He is like real president Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted February 26, 2012 Indeed, and also treated like one, the doors open for him unlike others Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted February 26, 2012 Somalia;795197 wrote: Indeed, and also treated like one, the doors open for him unlike others Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted February 26, 2012 Dr_Osman;795128 wrote: Damn that speech by farole at london made me proud to be puntlander!!! He is like real president He is like real president Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted February 27, 2012 Mahiga”Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen.” Posted by Pi on February 27th, 2012 London(Pi) Xafladii ay Jaaliyada Puntland ee London usameeyeen Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London ayaa waxaa marti u ahaa Danjiraha Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya u qaabilsan Augostine Mahiga, wuxuuna Xaflada ka jeediyey khudbad dheer. Hadaladii Mahiga waxaa kamid ahaa Agustina Mahiga” Puntland Waxay Role Model u tahay Soomaaliya” Ambashatoor Mahiga “ Waxaan soo marnay jid aad u dheer , oo aanu dhammaanteen ka wada shaqaynay, Waxaan hambalyo u jeedinayaa dowlada Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo soómaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen. Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe1 iyo Garoowe2 waxay suutageliyeen shirka London, waxaana idiin sheegayaa hadalka uu ku hadlay Cameron ee ahaa (Dowlada Federaalka ma dhaafi karto waqtigeeda), anagu waxaan go’aankaas ku soo gaarnay Shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2, oo waxwalba horaan usoo dhamaynay , wax dhamaysan ayaa lala yimi London, Puntland hadaysan jirin lama gareen wax heshiis ah , waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo Dowlada Puntland oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland. Waxaan kaloo ku farax sanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2 bilood kahor igu marti qaaday inaan ka soo qayb galo shirkooda oo ay uga hadlayeen horrumarinta Puntland dhanka siyaasada , Waxbarashada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyada”. Inkasta oo Xaflada waxyaalo badan laga hadlay haddana waxaan ku dadaalnay oo kaliya inaan soo qaadano hadaladii gaarka ahaa oo kooban ee ay meeshaas ka sheegeen masuuliyiintii ka soo qayb galay Sawiradii xaflada oo ay kasoo Qaybgaleen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyo Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole, hada ayaan gacanta ku haynaa oo soo gudbinaynaa, Waxaa Xaflada iskusoo dubaridey PDF-Uk, waxaa Marti u ahaa PDF USA, PDF CANADA IYO PDF DENMARK. Puntlandi.com London Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted February 27, 2012 LONDON: Jaaliyada Puntland oo Xaflad London ugu qabatay Madaxda Dowlada Puntland (Faah-faahin) February 27, 2012 1:27 am GMT - Written by PP - Edited by PP Print London: (pp)- Xaflad Ballaaran oo Xalay lagu soo dhoweeyey Madaxda dowlada Puntland, Puntland Diaspora Forum International iyo Masuulka ugu sareeya Xafiiska (UNPOS) ayaa ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska . Madaxda Puntland oo xaflad soo dhoweyn ah loo sameeyey Xafladaas ayaa waxaa ka hadlay Agustina Mahiga oo ah masuulka ugu sareeya Xafiiska QM ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaam Maxamed Faroole, Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Gaas , Wasiirka Arrimaha Guddaha & dowladaha hoose Gen. C/laahi (Ilkajiir), Prof. C/risaaq Jurille , iyo masuuliyiin kale. Hadalkii Xildhibaan Prof. C/risaaq Juriile Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurile) Xildhibaanka ayaa khudbo qiimo leh ka jeedeeyey Xafladaas ayaa si guud ugu mahadceliyey Marti sharafta iyo Madaxda Puntland, wuxuuna Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille)hadaladiisa qiimaha badnaa ku bilaabay sidan ” Waxaan aad ugu faraxsanahay anaan ka mid ahay muwaadiniinta Reer Puntland, waxaan reer Puntland ku tilmaami karaa inay yihiin dad soomaali jecel laguna yaqaan taariikhda soomaalida inay yihiin dad nabad jecel, Waxaan kaloo xusayaa in Puntland ay noqdeen hoygii qaranimada Soomaaliya marka la fiiriyo shirarkii Caalamiga ahaa ee ka dhacay Puntland sida Garoowe1 & garoowe2 , waxaana mahad gaar u celinayaa Madaxda Puntland uu ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole, waxaana idinkula dardaarmayaan inaad dowlada hadda jirta aad taageertaan, maadaama ay ku talaabsatay Guulo la taaban karo oo wax ku ool ah oo dhanka nabada ah iyo dhanka mashaariica horrumarinta, waxaan kale oo idiinkula dardaarmayaa inaad adkeysaan Nabada deegaanada Puntland, faraha ku qabataan nabada Puntland” ayuu yiri Prof Jurile. Hadaladii ugu muhiimsanaa Khudbadii Madaxweyne Faroole Madaxweynaha Puntland dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ” Waxaan halkaan mahad gaar uga soo jeedinayaa Jaaliyada soomaaliyeed ee Puntland sida wanaagsan ee ay u soo qaban qaabiyeen Xafladaan, Waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ku talaabsatay horrumar la a taaban karo, Puntland waxay Martigelisay shirarkii Caalamiga ahaa ee Garoowe1 iyo Garoowe2, waxaana ka soo baxay natiijadii wanaagsanayd ee lagu yimi Magaalada London. Puntland waa nabad , waxaan shacabka Puntland kula dardaarmayaa inay adkeeyaan Nabada , maxaa yeelay Nabad la’aan wax la gaari karo ma jiraan, waxaa loo baahan yahay shacab iyo dowlad in gacamaha la is qabsado , horrumar-na taas ayaa lagu gaari karaa. Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa in Puntland 13 sano kahor ay qaadatay nidaamka Federaalka , Puntland cidna kama xigno, anagana Banaadir cidna nagama xigto , qofkii go’aan ku gaara meeshuu doono ayuu degi karaa soomaaliya , Laakiin maamulka wadanka lagu dhaqayo waa inuu ahaadaa Federaal oo dowlad dhexe la isugu yimadaa, anagoo ka faa’iidaysanayaa dhibaatooyinkii horay uga dhacay soomaaliya sida dagaalkii Sokeeye oo aan ognahay inuu yahay waxa Soomaaliya halkaas dhigay”. Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo Xafladaas ka hadlay Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Gaas oo xafladaas waqti danbe soo gaaray ayaa hadalo kooban sheegay , isagoo yiri ” Aad baan u salaamayaa madaxda dowlada Puntland sida Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale , Jaaliyada , Martisharafta. Waxaan halkaan ka xusayaa in Somaalida degan London ay muujiyeen dadaal dheeraad ah , waxaana uga mahadceliyaa sida ay Jaaliyada soomaaliyeed ee Uk ugu istaageen arrimaha Soomaaliya iyo sida ay u feejigan yihiin , Soomaali waxay Tiraahdaa Kheyr wax kaama dhimee shar u toog haay, markaa shacabka Soomaaliyeed sida xilkasnimada leh ay af-ka u furteen oo ay meelwalba ay qayladooda u gaarsiiyeen ah inay maxmiyad la gelinayo waa ku mahadsan yihiin sida wanaagsan ee ay u feejigan yahiin” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Raiisal wasaare Gaas. Dr. Maxamed Xasan Barre ( Shimbiralaaye) oo ah Guddoomiyaha Doorashooyinka Puntland ayaa hadal kooban ka sheegay xaflada ayaa Carabka ku dhuftay inay diyaariyeen habkii doorashooyinka Puntland , isagoo sheegay in mustaqbalka Puntland ay ka dhici doonto Doorahooyin ku dhisan habka Dimoqraadiga ah. Wasiirka Arrimaha Guddaha & dowlaha hoose Gen. C/laahi Ilkajiir Gen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) “ Waad salaaman tihiin Jaaliyada Puntland ee halkaan nagu casuntay, waxaa kaloo salamayaa Raiisal wasaaraha , Marwada Raiisal wasaaraha iyo marti sharafta kale ee halkaan ku sugan. Wadankii waad la socotaan horrumar ballaaran ayaa ka socda anigu wasaarada aan maamulo horrumar ballaaran oo heer gobol iyo degmo doorashooyin ayaa ka dhacay waxwalbana waxay u socdaan siddii la rabay. Puntland Nabadgelyadeeda waa hagaagsan tahay, waxaana kula dardaarmayaa Shacabka Puntland iyo Qurbajoogtu inay garab istaagaan Maamulka Puntland si la isaga kaashado Horrumarka dalka , taas oo ku imaan karta in la is kaashado horrumarka Puntland. Waxaan hadda nagu maqaalo ah waad maqasheen baan u malaynayaa Kooxaha Galgala ay ku biireen Al-shabaab, , waxayna masuuliyada ugu weyn ay saaran tahay dadka deegaanka ee ay joogaan kooxahaasi, anagu hadaan nahay dowlada Puntland marnaba gacmaha laaban mayno , laakiin shacabku waa inay kala shaqeeyaan dowlada shaqsiyaadka wax u dhimaya shacabka iyo ammaanka Puntland”. Augustina Mahiga” Puntland Waxay Role Model u tahay Soomaaliya” Dr. Augustine Mahiga Ambashatoor Mahiga “ Waxaan soo marnay jid aad u dheer , oo aanu dhammaanteen ka wada shaqaynay, Waxaan hambalyo u jeedinayaa dowlada Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo soómaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen. Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe1 iyo Garoowe2 waxay suutageliyeen shirka London, waxaana idiin sheegayaa hadalka uu ku hadlay Cameron ee ahaa (Dowlada Federaalka ma dhaafi karto waqtigeeda), anagu waxaan go’aankaas ku soo gaarnay Shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2, oo waxwalba horaan usoo dhamaynay , wax dhamaysan ayaa lala yimi London, Puntland hadaysan jirin lama gareen wax heshiis ah , waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo Dowlada Puntland oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland. Waxaan kaloo ku farax sanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2 bilood kahor igu marti qaaday inaan ka soo qayb galo shirkooda oo ay uga hadlayeen horrumarinta Puntland dhanka siyaasada , Waxbarashada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyada”. Inkasta oo Xaflada waxyaalo badan laga hadlay haddana waxaan ku dadaalnay oo kaliya inaan soo qaadano hadaladii gaarka ahaa oo kooban ee ay meeshaas ka sheegeen masuuliyiintii ka soo qayb galay Daabacaadda: Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites