Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Agriculture Minister GIves 100 Irrigation Motors to Nugal Agriculture Chamber. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wasaarada Beeraha Puntland oo Boqol Matoor ku wareejisay Beeralay [sawiro+Maqal]

Xarunta wasaarada Beeraha & Waraabka ee Dowlada Puntland, ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasibad ballaaran oo gudiga Iskaashatada Beeralayda gobalka Nugaal loogu wareejinayay boqol matoor oo ah nooca beeraha ,waxaana qalabkaasi wasaarada beeraha soo gaarsiiyay madaxda hay'ada CEFA.

 

Ugu horayn Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha Puntland Mudane Maxamud Maxamad Shiikh ayaa ka hadlay munaasibadaasi lagu wareejinayay qalabka iskaashatada beeralayda Nugaal ,wuxuuna sheegay inuu ku farax san yahay qalabkaani maanta lagu wareejay beeralayda "Run ahaantii waa muhiim in kor loo qaadaa kobaca beeraha soomaaliya siiba kuwa Puntland waxaana ku farax sanahay inaan maanta qalabkaasi si toos ah ugu wareejino beeralayda Nugaaleed".

 

Cabdilaahi Xuseen Samater Maareeyaha mashruuca CPOD-ee CEFA ayaa qalabkaani si toos ah wasaarada beeraha ku wareejiyay ,wuxuuna ka war bixiyay howlaha CEFA iyo waxyaabaha ay ka qabteen beeraha Puntland " CEFA wax badan ayay ka qabatay dhanka beeraha Puntland waxaana xooga saarnay sidii loola soo bixi lahaa Timirta waxaana sidoo kale beeraha gobalka bari ka fulinay mashruucyo lagu soo saarayo quduurka noocyadeeda kala duwan Marka waxan aad ugu farax san nahay inaan qalabkaani matoorada ah aan ku wareejinayo W.beeraha".

 

Docda kale Cabdilaahi Xuseen waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalkooda hooyo ku iimaan qabaan oo lasoo baxaan cunta ku jirto dhulkooda,.wuxuuna intaasi ku daray Hay'ada CEFA inay mar walba garab taagan tahay Beeralayda Gobalada Puntland.

 

Sidoo kale waxaa munaasibadaani ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga iskaashatada Gobalka Nugaal Cabdixakiin Axmad Ciise ,wuxuuna Cabdixakiin sheegay qalabkaani maanta lagu wareejiyay inay si wanaagsan ugu qaybin doonan beeralayda gobalka Nugaal .

 

Wuxuuna intaasi ku daray C/xakiin "waxan aad ugu farax san nahay qalabkaani ay maanta nagu soo wareejiyeen wasarada beeraha ,waxaana hadii aanu nahay Gudiga iskaashatada si toos ah ugu wareejin doonaa dadka beeralayda ah ee ku dhaqan degmooyinka Gobalka " .

 

Ugu danbayntii Wasiirka Beeraha Puntland Mudane Maxamuud Xaaji Saalax ayaa qalabkaani kala wareegay Hay'ada CEFA, wuxuna isla markiiba ku wareejiyay Gudiga iskaashatada Gobalka Nugaal isagoona ku dhiiri galiyay inay kor u qaadaan qaabkii loola soo bixi lahaa cunooyinka ku dhex jira dhulkeena hooyo.

 

Mudane Maxamuud Xaaji ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu dhisayo gudiga iskaashatada Gobalka Mudug ,taasi oo looga danleeyah sidii Puntland looga howl galin lahaa Dalad ay ku midaysan yihiin iskaashatada Puntland.

 

CEFA oo wax badan ka qabatay deegaanada Puntland gaar ahaan dhanka beeraha ayaa waxay qalabkaani ku wareejisay Wasaarada kusoo beeg maysaa xili qaylo dhaan baahsan ay kasoo baxayso dadka beeralayda ahi.

 

beeraha1.jpg

beeraha.jpg

beeraha2.jpg

beeraha5.jpg

beeraha3.jpg

beeraha6.jpg

beeraha7.jpg

beeraha8.jpg

beeraha9.jpg

 

Audio of Ministry of Agriculture and Nugal Agriculture Chamber.

http://dunidaonline.com/index.php?id=6368

 

I suggest you listen regarding how many irrigation canal projects are in progress in Puntland, its not just bosaso you will be seeing a couple more opening up in the near future.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

A through description of these motors is below

 

Complete Range of Water Pumps Powered by Honda Engine

 

Highly effective mechanical seal made with special carbon ceramics provides extra durability.

Entire unit is protected by sturdy rollover pipe frame.

Strong and lightweight die-cast aluminum pump.

Applications

Sprinkling for field irrigation.

Irrigation of paddy fields.

Orchard cultivation.

Pumping water from wells.

Feeding or draining water to/from ponds or troughs.

Feeding or draining water on fish farms.

Washing cattle, barns or agricultural tools.

Feeding water into water reservoirs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this