Sign in to follow this  
Dr_Osman

Simba Pharmaceuticals Investing Into Camel Hide and Medicine Factory and Offices In Puntland. AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Choudhary-Marni-300x225.jpg

 

Shirkadda SIMBA Oo Qayb Iibka Hargaha Qaabilsan Puntland Ka Hirgelisey [Dhegeyso]

Updated:- 18 mins ago| 0 Commnets

 

Madaxa SIMBA ee Puntland Choudhary Marni

 

Shirkadda ganacsiga ee SIMBA Group ayaa shaacisay inay qayb cusub oo qaabilsan iibka hargaha markii ugu horeysey ka furanayso Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.

 

Shir Saxaafadeed oo ay maanta mas’uuliyiinta kala ah Agaasimaha guud ee SIMBA Group Cabdilaahi Cali Ciddi-libaax, Choudhary Marni oo ah madaxa xafiiska SIMBA Group ee Puntland, iyo Mursal Daabjeerin oo ah madaxa suuq geynta iyo iibku ay ku qabteen Hotel Jubba ee magaalada Boosaaso ayey ku sheegeen in qayb Iibka hargaha qaabilsan ay shirkadda SIMBA ka furanayso deegaanada Puntland.

 

Maareeyaha guud ee SIMBA Group Cabdilaahi Cali Ciddi-libaax ayaa ugu horeyn hadlay wuxuuna ka warbixiyey shirkadda SIMBA , meelaha ay ka shaqeyso, iyo inta qaybood ee ay ka kooban tahay isagoo xusay in SIMBA ay ka shaqeyso wadamada geeska Africa ayna u qaybsanto 3-qaybood oo waaweyn kuwaas oo kala ah:

 

Qaybta iibka Daawooyinka.

Qaybta iibka hargaha.

Iyo qaybta dhismaha iyo guryeynta.

 

Mudane Cabdilaahi ayaa sidoo kale sheegay in Shirkadda SIMBA ay ka furanayso markii ugu horeysey Soomaaliya qayb qaabilsan iibka hargaha taas oo hargaha ka iibsanaysa ganacsatada maxalliga ah islamarkaana dibadda u iib geyn doonta.

 

Ciddi-libaax ayaa ugu danbeyntii sheegay in SIMBA Group ay qorsheynayso sidii ay mustaqbalka dhow uga furan lahayd Soomaaliya wershed hargaha samaysa taas oo soo saari doonta saamo ay tayadoodu aad u sarayso kuwaas oo u dhigma kuwa ay soo saaraan wershedaha caalamiga ah ee hargaha.

 

Choudhary Marni oo isna ah madaxa SIMBA Group ee Puntland ayaa sheegay in shirkadani ay qaadan doonto tira aad u badan oo hargo ah iyadoo ganacsatada maxalliga ah kaga iibsaneysa qiime aad u macaquul ah, wuxuuna intaas ku daray in SIMBA Group ay noqonayso shirkaddii ugu horeysey oo dalka Soomaaliya ka qaadata saamaha Geela oo aan horay dalka looga dhoofin jirin.

 

Madaxa SIMBA Group ee Puntland Choudhary Marni ayaa sidoo kale sheegay in qaybta iibka hargaha ee SIMBA ay fursado shaqo oo badan ka heli doonaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanada ay ka shaqayso, wuxuuna intaas raaciyey in uu ilaah ka rajaynayo in uu u fududeeyo sidii ay Puntland uga furan lahaayeen wershed hargaha samaysa oo noqota tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee laga furo.

 

SIMBA Group waa shirkad ganacsi oo ka kooban dhowr qaybood, waxayna qaybta hargaha ee ay dhowaan hirgeiln doontaa noqonaysaa mid ay ganacsatada yar yar ee hargaha iibiyaa faa’iidooyi badan ka helaan , dhowaan ayeyna ahayd markii ay sidan oo kale shirkadda SIMBA ay magaalada Garoowe uga furatay qayb daawooyinka dalka keeni doonta.

 

 

 

Horseed Media

 

Dhegeyso codka Choudhary Marni

http://horseedmedia.net/2012/02/24/shirkadda-simba-oo-qayb-iibka-hargaha-qaabilsan-puntland-ka-hirgelisey-dhegeyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Good on you simba good investment choice, this state will be an oil producer in the future get in while the market aint tight!!! I am welcoming this foreign investment for Puntland. The state needs to have its own medicine manufacturing plant, it needs its own camel hide skin factory and the offices will create good opportunities for the locals.

 

I suggest the world look at Simba and start investing also in Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this