Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Officials Given A Banquet At Idman Restaurant

Recommended Posts

Dr_Osman   

London: Qaar kamid ah madaxda Puntland oo xalay casho sharaf loo sameeyey [sawiro]

 

Updated:- 3 hours ago| 0 Commnets

 

Casho sharafeed si weyn loo soo agaasimay ayaa habeenimadii xalay ahayd [23-02-2012] ka dhacday magaalada London gaar ahaan Maqaayada caanka ah ee Idman Restaurant, waxaana kasoo qayb galay qaar ka tirsan jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan dalka Britain oo isugu jira haweenka, dhalinyarada, iyo qaybaha kale ee bulshada.

 

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen, si qurux badana isugu howleen xubno ka tirsan haweenka Puntland ee ku dhaqan dalkan UK, ayaa waxaa lagu soo casumay madax ka tirsan dowlada Puntland, xubno ka tirsan qurba joogta Puntland ee ku dhaqan wadamo caalamka ka tirsan, xubno ka socday bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

 

Xubnihii lagu casumay xafladan ayaa waxaa kamid ahaa Mudane Ciise Maxamuud Dhoolawaa, oo ah Agaasimaha macdanta iyo Batroolka Puntland oo maalmahan booqanayey Britain isagoo kamid ahaa wafdi xukuumada Puntland ka tirsan oo booqasho shaqo ku jooga magaalada London.

 

Sidoo kale xubnihii kale ee xafladan lagu soo casumay waxaa kamid ahaa aqoonyahano ka kala yimid wadamo kale oo caalamka ka tirsan oo iyaguna London u jooga ka qayb galka kulan sanadeed Qurba joogta Puntland sanadkan ugu qabsoomi doona magaalada London.

 

Kulankan casumaada iyo soo dhoweynta ah ayaa ku bilowday jawi heer sare ah, iyadoo uu ahaa kulan si farxad leh ugu kulmeen madax ka socota dowlada Puntland, qaybaha kale ee bulshada, haweenka iyo xubno marti ah oo ka tirsan qurba joogta Puntland ee ku dhaqan caalamka oo sanadkan si ballaaran u yimid magaalada London.

 

Ciise Dhoolawaa oo isaga halkaasi lagu gudoonsiiyey hadiyado qaaliya iyo shahaado sharafeed ayaa waxaa kaalintiisa waxqabad iyo doorka uu ugu jiro ka mira dhalinta sahminta saliida laga soo saarayo Puntland ayaa loogu gartay in abaal-marintaas la gudoonsiiyo.

 

Agaasimaha ayaa ka mahad celiyey sida sharafta leh ee ay jaaliyada reer Puntland u soo dhoweeyeen gaar ahaan ururka haweenka Puntland oo si heer sare ah u soo agaasimay kulankan, wuxuuna Ciise ku amaanay doorka haweenka Puntland kaga jiraan bulshada oo ah kaalin mug leh oo aan marnaba la ilaawi karin.

 

Casumaadii Especial-ka ahayd oo ay fidiyeen haweenka jaaliyada reer Puntland ee London, ayaa waxay kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, waana kulankii ugu horeeyey oo casho sharafeed ah oo loo sameeyo madax ka tirsan xubnaha muhiimka ah ee xukuumada Puntland oo haatan booqanaya Britain.

 

Madaxdii kasoo qayb gashay kulankan iyo marti sharaftii kaleba waxay si weyn ugu mahad celiyeen haweenka reer Puntland ee xafladan quruxda badan ee taariikhiga ah kasoo shaqeeyey, waxayna maqsuud ka noqdeen sidi wanaagsanayd ee loogu marti sooray caasimada UK ee magaalada London.

 

Horseed Media

 

SANY2411-2-640x480.jpg

SANY2398-2.jpg

SANY2399-2.jpg

SANY2410-2.jpg

SANY2411-2.jpg

SANY2412-2.jpg

SANY2388-2.jpg

SANY2390-2.jpg

SANY2395-2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

This was a strictly kings affair, no other puntlanders were present. Omar Sri Lanka and Isse Bari damn those guys knew me when I was kid lol!!! but im suprised omar is in london I thought he was in Melbourne!!! Amazing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

Dr_Osman;794144 wrote:
This was a strictly kings affair, no other puntlanders were present. Omar Sri Lanka and Isse Bari damn those guys knew me when I was kid lol!!! but im suprised omar is in london I thought he was in Melbourne!!! Amazing.

How do you know the dholawaa family?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this