Sign in to follow this  
Saalax

Al-Shabaab oo Shirka London ku soo Dhoweeyey Weerar Ay ku Qaadeen Fariisimo AMISOM iyo DKMG ku Leeyi

Recommended Posts

Saalax   

Al-Shabaab oo Shirka London ku soo Dhoweeyey Weerar Ay ku Qaadeen Fariisimo AMISOM iyo DKMG ku Leeyihiin Muqdisho

 

Muqdisho (RBC) Ciidamada Al-Shabaab ayaa caawa weerar qaatay ku dhowaad saacad ku soo qaaday fariisimo ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo Muqdisho oo ay AMISOM dhowaan degeen.

Weerarka oo saf ballaaran ahaa ayaa sidoo kale Shabaabku ku soo qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin xaafada Xoosh ee duleedka Degmada Dharkeenley.

Waxaa la maqlayey hugunka hubka culus oo ay ku jiraan hoobiyaha iyo baasukaha iyadoo ciidamada AMISOM ay risayeen qoryo culus oo dhawaqooda meelo badan oo magaalada laga maqlayey.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan xilliga oo habeen ah dartiis. Mana jirto cid ka tirsan dhinacyada dagaalamay oo ka hadashay.

Hase yeeshee dagaalkan caawa soo qaadeen Al-Shabaab ayaa yimid ku dhowaad saacad ka dib markii uu magaalada London ku soo dhamaaday shirweyne caalami ah oo arinta Soomaaliya looga hadlay kaasoo ay martigelisay dawlada Ingiriiska. Shirka London ayaa ku baaqay in caalamka iska kaashado la dagaalanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo dhowaan midoobay.

Maanta ayaa afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay shirka London wuxuu ku goodiyey in “shan farood iyo calaacal ay saari doonaan wixii ka soo baxa shirka London”.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this