Saalax Posted February 23, 2012 Al-Shabaab oo Shirka London ku soo Dhoweeyey Weerar Ay ku Qaadeen Fariisimo AMISOM iyo DKMG ku Leeyihiin Muqdisho Muqdisho (RBC) Ciidamada Al-Shabaab ayaa caawa weerar qaatay ku dhowaad saacad ku soo qaaday fariisimo ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo Muqdisho oo ay AMISOM dhowaan degeen. Weerarka oo saf ballaaran ahaa ayaa sidoo kale Shabaabku ku soo qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin xaafada Xoosh ee duleedka Degmada Dharkeenley. Waxaa la maqlayey hugunka hubka culus oo ay ku jiraan hoobiyaha iyo baasukaha iyadoo ciidamada AMISOM ay risayeen qoryo culus oo dhawaqooda meelo badan oo magaalada laga maqlayey. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan xilliga oo habeen ah dartiis. Mana jirto cid ka tirsan dhinacyada dagaalamay oo ka hadashay. Hase yeeshee dagaalkan caawa soo qaadeen Al-Shabaab ayaa yimid ku dhowaad saacad ka dib markii uu magaalada London ku soo dhamaaday shirweyne caalami ah oo arinta Soomaaliya looga hadlay kaasoo ay martigelisay dawlada Ingiriiska. Shirka London ayaa ku baaqay in caalamka iska kaashado la dagaalanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo dhowaan midoobay. Maanta ayaa afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay shirka London wuxuu ku goodiyey in “shan farood iyo calaacal ay saari doonaan wixii ka soo baxa shirka London”. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites