Sign in to follow this  
Dr_Osman

The London Conference. Dr Osman Coverage

Recommended Posts

Dr_Osman   

Shirka London: Madaxda Soomaalida oo Si Kala Gooni ah u Galay Shirka iyo Khudbadii David Cameron oo Bilaabatay (Sawirro)

Comments (1) | Write Comment

 

London (RBC) Waxaa goordhow si toos ah u bilawday shirkii London ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya kaasoo haatan ka soconaya guriga Lancaster House ee magaalada London.

 

Ka hor intii uusan shirka bilaaban ayaa waxaa soo xerooday madaxda qeybaha Soomaalida ee shirka lagumarti qaaday kuwaasoo midba dhinaciisa ugalay hoolka shirka.

 

Waxaa yaab leh in xitaa wafdigii DKMG ah gaar ahaan Madaxweyne Shariif, Shariif Xasan, gudoomiyaha Banaadir Maxamuud Tarsan iyo Raysul wasaare C/weli Gaas aysan shirka wada iman oo qolo kasta gaarkeed u timid.

 

Sidoo kale Madaxweynayaasha maamulada Somaliland, Puntland, Galmudug iyo kooxda hubeysan ee Ahlusuna ayaa iyaguna kala gooni u soo galay, taasoo muujineysa in wax mowqif mideysan oo ay wataandhinacyada Soomaalida uusan jirin.

 

Waxaa lafilaaba waa khudbado aan dhinac u wada socon oo goobta laga jeediyo iyadoo beesha caalamkuna ay dooneyso inay maqasho hal aragti oo siyaasiyiinta Soomaalida wadaqabaan taasoo aan illaa hadda jirin.

 

Waxaa haatan bilawday khudbada raysul wasaaraha Britain David Cameron oo ah ninka shirka gudoominaya, wuxuu faahfaahiyey ujeedada shirka, wuxuuna sheegay in xal ay Soomaaliya u raadinayaan.

 

Faahfaahino kale kala soco Raxanreeb.com

 

david-cameron-300x200.jpg

6252975821_4bd4a0a0b3_z.jpg

6347368460_3c727f8f7d_z.jpg

6920077891_942cc1cd73_z.jpg

6920275109_7b90df9db2_z.jpg

6774012372_217f2f8388_z.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

SHIRKA_LONDON-640x329.jpg

 

Shirka Soomaaliya ee London oo furmey [sAWIRO]

Updated:- 1 min ago| 2 Commnets

 

Waxaa maanta ka furmey magaalada London ee cariga Ingriiska shirkii looga hadlaayey arimaha Soomaaliya, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 50 dal madaxdood, Qaramada Midoobey iyo hay’ado kale oo caalami ah.

 

Shirka Waxaa dhanka Soomaalida u metelaayey oo ka soo qaybgalay.

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas

Madsaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Adam

Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalim

Ergo ka socota Maamulka Ahlu-Sunnah

Mayorka magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan)

 

 

Ugu horeyntii waxaa shirka furey Raysalwasaaraha Britain David Cameron, waxaana uu khudbadiisa ku soo qaatey ujeedada shirka, kadib markii muddo 20 sano ah la ilaawey dalka Soomaaliya ayna dhinac kasta ku faaftey fawdada iyo sharci daradu.

 

David Cameron ayaa u mahad celiyey Ciidamada AMSIOM ee ka socda Midowga Africa iyo ciidamada Dawladda ee xaqiijiyey in ay nabad ku soo dabaalaan magaalada Muqdisho bilihii u danbeeyey, waxaana uu Raysalwasaaruhu qirey in al-Shabaab weli yihiin caqab taagan, Alshabaab waxay dhumiyeen taageeradii dadka caadiga ah ee Soomaalida kadib markii ay ka hor istaageen horumarkii una horseedeen dhimasho badan ayuu yiri Cameron.

 

David Cameron ayaa sheegey in labadii shir ee ka dhacay magaalada Garowe ay ahaayeen tallaabooyin muhim ah uu Soomaalidu horey u qaadey. raysalwasaaraha Britian ayaa khudbadiisa ku sheegay in xalka Soomaaliya ay ku jirto gacanta Soomaalida oo keliya, anagu waxaan taaganahay dhabarkiina si aan u taageerno waxa aad ku heshiisaan, waxaana loo baahan yahay in wax laga qabto arimo ay ka mid yihiin: Amaanka, Gargaarka biniaadanimo, Soomaaliya oo hesha dawlad rasmi ah oo ku dhisan caddaalad, aan lahayn wax musuqmaasuq ah Soomaaliduna ku kalsoon yihiin, Raysdalwasaaraha ayaa sdidoo kale amaan u jeediyey Qaraarkii Qaramada Midoobey ay ku meel mariyeen in la kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, qaraarkaas oo uu sheegey in uu ahaa mid UK soo diyaarisey.

 

Ugu danbeytnii Raysalwasaaraha Britain David Cameron ayaa ku dhawaaqey in UK ay ku deeqayso 51 Milyan oo lacagta Ingrtiiska ah taas oo wax looga qabanaayo gargaarka bini’aadanimo isla markaana nafta lagu badbaadinaayo, waxaana uu hadalkiisa ku soo xirey in Haddii aan nahay Beesha Caalamka waan idinku soo laabanay Soomaaliyeey si aan u xalino dhibaatooyinkiina.

 

Raysalwasaaraha ayaa hadalka ku soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Banki-Moon, Mr. Moon ayaa sheegay in dhamaadkii sanadkii hore uu booqdey magaalada Muqdisho waxa uu tilmaamey in uu ku soo arkey burbur baaxad leh laakiin ay jirtey rajo dadku doonayaan in ay dib u dhistaan wixii ka burburey, Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Amniga Soomaaliya in wax laga qabto ay tahay muhimadda u weyn loona baahan yahay in la taageero ciidamada Dawladda ee kuwa AMISOM ka dhinac diriraaya, sidoo kale waxa uu aad ugu dheeraadey in haweenka door muuqda laga siiyo soo celinta nabadda dalka iyo siyaasadda.

 

Banki Moon ayaa sheegey in macaluushii Soomaaliya ay tahay mid dhamaatey laakiin in ka badan 2 milyan oo qof oo Soomaali ah ay ku noolyihiin saboolnimo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed

 

“Cunoqabataynta hubka waa in laga qaado Soomaaliya”

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa intaas kadib hadalka lagu soo dhaqeeyey, waxaana uu Madaxweynuhu khudbadiisa ku jeediyey luuqada Carabiga isaga oo uga hadley dhinacyo badan, ugu horeyntii waxa uu mahad ballaaran u jeediyey Boqortooyada UK isaga oo ku aamaaney shirka qiimaha leh ee ay soo abaabushey iyo sida ay u danyneyso arrimaha Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif ayaa sheegey in dadka Soomaalidu ay doonayaan in nabaddu soolaabato, si looga baxo cunfiga, loola dagalaamo argagixisada ay u soo laabtaan adeegyadii bulshadu iyo in la helo maamul hagaagsan oo dadka u adeega.

 

Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey beesha caalamku in ay sameeyeen ballanqaadyo hore kuwaas oo aysan marna ka soo bixin, loona baahan yahay in ballanqaadka laga soo baxo.

 

Madaxweynaha ayaa dalbadey arrimo badan in wax laga qabto sida, Aminiga, Waxbarashada Beeraha, Maamul-wanaaga, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ay tahay muhim in Soomaaliya laga qaado cuno-qabataynta hubka ee saaran si ay Soomaaliya loogu dabrin argagixisada al-Shabaab-Alqaacida. Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegey in uu rajo weyn ka qabo shirka London in ay ka soo baxaan go’aamo wax ku ool ah kuwaas oo aan waxba u dhimeyn asaasiyaadka Soomaalidu aaminsan tahay.

 

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni

 

“Wixii Africa looga danbeeyo waa hagaagaan”

 

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa hadley kadib Shiikh Shariif, waxaana uu hadalkiisa ku bilowdey in maanta ay tahay muhim ayna isu yimaadeen dhamaan kuwii Soomaaliya wax ka qaban lahaa, “Wixii Africa looga danbeeyo waa hagaagaan” ayuu yiri Musaveni, taasna waxaa tijaabo loogu arkey dumintii Iida Amiin ee Uganda, Tii Mabuto ee Kongo, sidoo kale waxa uu tusaale u soo qaatey xornimadii dalalka Musanbiik, Zimbabwi iyo Namimbiya.

 

Museveni ayaa sheegey in uu rajo weyn ka qabo in arrimaha Soomaaliya ku soo noqdaan nabad iyo xasilooni, beesha Caalamkna looga baahan yahay in ay laba jibaaraan taageeradooda.

 

Hillary Clinton

 

“Cidii ka hortimaada isbeddelka Dawladda cunoqabatay ayaa la saarayaa”

 

Xogahayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Hillary Clinton oo iyaduna shirka ka hadashey ayaa jeedisey khudbadii u adkeyd shirka, waxa ay marka hore amaan u jeesiey shirkii Garowe 2 oo ay ku tilmaantey in uu ahaa tallaabo aad muhim u ah oo qeexaysa mustaqbalka dawladda Soomaaliya. Hiilary ayaa sheegtey in mudada yar ee 6 bilood gaareysa ee u harsan Dawladda la muujiyo waxqabad weyn, la soo xulo xildhibaanadii Baarlamaanka ee lagu heshiiyey isla markaana la doorto Madaxweyne cusub, “Marna ma yeelayno in muddo kale loo kordhiyo dawladda hadda jirta” ayey tiri, waxaana ay digniin u dirtey dhamaan xubnaha Dawladda ee isku daya in ay caqaqbad ku noqdaan isbeddelka iyaga oo la saarayo cunuqabatany dhanka safarka iyo dhaqaalaha ah lana ciqaabi doono.

 

Xaaladda Soomaaliya markii hore waxa ay ahayd mid markasta laga hadlo, iska hor imaad, fawdo, gaajo iyo falal argagixisnimo, laakiin maanta waxaa muhim ah in aan diirada saarno dib u dhiska Soomaaliya ayey tiri Hillary Clinton. Ugu danbeyntii waxay ku dhawaaqdey adduun dhan 64 Milyan oo Dollar taas oo wax looga qabanayo arrimaha Biniaadanimo.

 

Shirka oo soconaya maanta oo keliya ayaa waxaa kale oo ka hadley Raysalwasaaraha dalka Qatar Itoobiya Males Zenawi, Raysalwasaaraha Faransiiska Allen Jupee, Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Prince Saud Al Faisal Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Guiliomaria Terzi, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gheele.

 

Shirka ayaa galay qaybtiisi labaad waxaana shirguddoominta la wareegay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Britian William Hague, waxaana khudbadii u horeysey ee qaybta labaad qaatey oo furey Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas.

 

Shirka oo maanta gelinka danbe soo dhamaanaya ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxal gal ah oo ay dhici karto in Soomaaliya mar kale cagaheeda ku istaagto.

 

Horseed Media Team

UK London

 

SHIRKA_LONDON-9-640x321.jpg

SHIRKA_LONDON-10-640x304.jpg

SHIRKA_LONDON-5-640x308.jpg

SHIRKA_LONDON-2-640x316.jpg

SHIRKA_LONDON-8-640x323.jpg

SHIRKA_LONDON-7.jpg

SHIRKA_LONDON-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Where is Shariif in group picture.

 

And what is your analysis Dr Osman? I want to your take on this.

And what did you think of Siilanyo's presence? Do you think he is a

Welcoming guest in fututre of Somalia dealings?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;793530 wrote:
Where is Shariif in group picture.

Please answer the question in the other thread.

 

Show me where Puntland has promoted piracy as you claim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this