Caano_Geel Posted February 23, 2012 ''Wax baa u dhiman walaalkaa, haddaan hooyadaa dhaline, gacal iyo xigtaba waa ninkaad dhaxal wadaagtaan'' Reer Xamarku waa walaaladayo Hargeysa (GNS)-Qaar ka mid ah Jaaliyada Jabuuti ee ku dhaqan Somaliland ayaa cabasho ka muujiyey qaabka ay Dawladda Somaliland ula dhaqanto, kuwaasi oo sheegay in laga tix galiyo Jaaliyadaha kale ee Reer Xamarka . Jaaliyadan ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen hab dhaqan aan fiicnayn oo Dawladda Somaliland ula dhaqantay intii ay xilka la wareegtay Xukuumada Axmed Siilaanyo. Xubno ka tirsan Jaaliyadan oo Codsaday in aan magacooda la sheegin ayaa Shabakada Gabiley News u sheegay in Xafiiska Wasiirka Madaxtooyada loo diiday iyaga oo si Meeqaam daran dibada looga saaray Xarunta Madaxtooyada wakhgi ay halkaasi ka doonayeen arrimo kaga xidhnaa. Xidhiidhka Dawladdaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa baryahan dambe soo xumaanaya ka dib markii ay soo baxeen warar kala duwan oo tibaaxaya Masuuliyiinta labada Dal is fahan waa soo kala dhex galay, waxaanay taasi keentay in ay dibada u soo baxdo khilaafka ka dhaxeeya labada Dawladdood. Sacad M. Cabdi Gabiley News Reporter Hargeysa/ Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites