Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland: Ministry of education sends 6 students to Malaysia

Recommended Posts

Saalax   

Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Maanta Anbabixisay Lix Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Wadanka Maleshiya.

(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 22, 2012

Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Maanta Anbabixisay Lix Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Wadanka Maleeshiya.

 

Hargeysa(HWN)Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee jamhuuriyada somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in lix arday oo reer somaliland ah ay u anbabixinayaan wadanka malaysiya ka dib markii ay ka heleen wax barasho bilaash ah, shir jaraa,id oo ay maanta si wada jira u qabteen agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada iyo agaasimaha xidhiidhka jaaliyadaha somaliland ayaa waxa ay ku sheegeen in ardaydani ay ku tagi doonaan baasaaboorka somaliland isla markaana waxay ay ardayda kula dardaarmeen inay isku duubnaadaan oo ay ka faa,iidaystaan jaaniska waxbarasho.

 

Ugu horayn agaasimaha xidhiidhka jaaliyadaha somaliland md:C/casiis Axmed Muuse oo shirkaa jaraa,id ayaa ka hadlay ayaa sheegay in wasaarada arimaha debada soamaliland iyo safiirka wadanka somaliland u fadhiya wadanka malaysiya ay ka hawl galeen sidii ardaydan ay u heli lahayd waxbarashadan bilaashka ah waxaanu yidhi marka hore waxaaan aad ugu mahad naqayaa wasaarada arimaha debada somaliland oo qayb laxaad leh ka qaadatay sidii ay aradaydani ugu tagi lahayd wadanka maleeshiyo baasaaboorka somaliland,wasaarada arimaha debada somalilandna waxay ku dedaashay sidi uu wadankeenu u heli lahaa xidhiidh caalamiya oo uu la yeesho wadamada caalamka, taas oo cadaynaysa in wasaarada arimaha debadu dedaal ugu jirto sidii wadankeenu u heli lahaa aqoonsi caalamiya maadaama oo baasaboorkeeni laga aqoonsaday wadamo badan oo qaarada Eshiya ka mid ah, sidoo kale waxa hawshan gacan ka geystay safiirka somaliland ee wadanka malaysiya

 

di-I8KJ.jpg

 

Agaasimaha Waaxda tacliinta sare ee wasaarada waxbarasha somaliland md:Khadar Axmed Diiriye oo isaguna shirkaa jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay in ardaydan lagu soo xulay imtixaan laga qaaday lixdankii arday ee ugu sareeyey imtixaankii wasaaradu qaaday sanadihii 2010-kii iyo 2009-kii waxaana hadaladiisii ka mid ahaa waxaan marka hore aad ugu mahad naqayaa jaamacada Al Bukhaari University ee wadanka maleeshiya taas oo ardaydan reer somaliland siisay waxbarashada bilaashaka ah, runtii arinta ardaydani in badan ayey soo socotay dedaal dheerna way soo martay, waligeenba waxaynu ku faani jirnay inaynaan waxbarashad dembi ka gelin oo aynaan waxbarashada bilaashka ah musuq galin waayo waa inaan ardayda reer somaliland ee aqoonta leh inaan garab iyo eex toona lagu riixin ee arday walba halka ay aqoontiisu gaadho uu gaadho, wasaarada waxbarashadu arday badan ayey u dirtaa wadamada caalamka waxaanay ardaydaasi noqdaan kuwa ugu sareeya dhinaca aqoonta jaamacadaha ay dhigtaan.

 

Wasaarada waxbarashada siyaasada u taalaa waxa weeye inay imtixaan ka qaado ardayda oo ay qaadato ardayba ardayguu ka sareeyo sidaa daraadeed waxaanu imtixaan ka qaadnay sodon arday oo ah ardaydii dugsiyada sare ka baxday sanadkii 2009 iyo sodon kale oo sanadkii ku xigay ee 2010 ah ka baxday dugsiyada sare, lixdankaa arday oo aanu imtixaanka kaga qaadnay jaamaca hargeysa waxaanu qaadanay lixdii arday ee ugu sareeyey.

 

 

 

Sidoo kale qaar ka mida ardayda oo iyaguna shirkaa jaraa,id ka hadlay ayaa wasaarada waxbarashada iyo safiirka somaliland ee wadanka maleeshiya uga mahadnaqay dedaalka ay ka galeen sidii dawlada maleshiya waxbarashadan bilaashka ah u siin lahayd ardayda reer somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Can't you read Somali?

 

Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Maanta Anbabixisay Lix Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Wadanka Maleeshiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this