Mintid Farayar Posted February 21, 2012 Talaado, 21 February 2012 Maraykanka oo Taageeray Heshiiskii Garowe Yaasiin Isse Wardheere - VOA Somali | Nairobi, Kenya Ergayga gaarka ah ee dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay magaalada Nairobi, wuxuu ku sheegay in horumar lag gaadhay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Swan wuxuu kaloo sheegay in rajo fiican laga sameeya dhinaca siyaasadda ee Soomaaliya kaddib markii ay kooxaha Soomaaliya ay dhawaan heshiis ku gaareen magaalada Garoowe. Swan, wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku ay soo dhaweynayso go'aamadii heshiiskii Garoowe oo u sheegay inuu wax weyn ka qabanayo sida looga baxayo xilliga kala guurka. Danjire Swan, wuxuu shirkaasi jaraaid ku sheegay in dowladda Maraykanku ay soo dhaweynayso shirka London ka dhici doona. Dhageyso warbixnta uuu weriyaha VOA ee Nairobi Yasiin Ciise Wardheere uu ka soo diray shirka jaraa'id ee Swan. http://www.voanews.com/somali/news/Maraykanka-oo-Taageeray-Heshiiskii-Garoowe-139819833.html Quote Share this post Link to post Share on other sites