Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ximan iyo xeeb leaders reject the garowe accord

Recommended Posts

Ximan iyo Xeeb oo qaadacday Shirkii Garoowe

 

Cadaado:( Sh. M. Network) Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa qaadacay Shirkii dastuurka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe kaasi oo Maamulka uu sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin Soomaaliya.

 

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaati cade oo u waramayey Warbaahinta ayaa waxa uu qaadacay qodobadii kasoo baxay Shirkii dastuurka Soomaaliya ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

 

C/raxmaan Shaati cade ayaa ku tilmaamay in Shirkaasi uu yahay mid sababi kara in dalka Soomaaliya uu galo dagaal sokeeye, waxaana uu tilmaamay in dadkii ka qeyb galay Shirka ay ahaayeen dad aan matali karin Maslaxadda Umada Soomaaliyeed, isagoo Madaxweyne Shariif ku eedeeyay in uu ka doorbiday rabitaanka shacabka mid gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Shirka Qamiistaan ka dhici doona magaalada London, isagoo sheegay in Ximan iyo Xeeb aysan Shirkaasi u arkin in ay kasoo bixi doonaan waxyaabo mira dhal ah Maslaxadda shacabka oo mudo dheer ay haysteen dhibaatooyin balse waxa uu sheegay in Shirkaasi uu horseedi karo burbur ay gasha Soomaaliya.

 

Shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ee looga hadlayey dastuur u sameenta dalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo horjeestay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG kuwaasi oo Shirkaasi ku tilmaamay mid laga lahaa dana gaar ah oo aan ka turjumayn danta Umada Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;792153 wrote:
Ma reer barre hiiraale

Dhinaca Konfur aad.

 

Kan qudhaca hoostiisa ku korey muxuu kaa rabaa awoowe? MI5 miyaa shaqo laga siiyey? hoowhoowdiisa ayaa badatey beryahan ma is tiri. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Somalia;792189 wrote:
The people that were forgotten were forgotten for a reason.

The very reason why Somalia is in this mess 21 years and counting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;792189 wrote:
The people that were forgotten were forgotten for a reason.

This is the true Siadist vision of unity in Somalia...absolute Bull***t. No unity exists. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this