Somalina Posted February 20, 2012 Safiirka Soomaaliya ee Nairobi oo dhawaan ku dhawacmay Shil ka dhacay Kenya oo xalay Saq-dhexe loo qaaday Dalka Talyaaniga. Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dhawaan ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalkaasi Kenya ayaa xalay saqdii dhexe loo qaaday Dalka Talyaaniga. Markii Danjire Maxamed Cali Nuur Ameriko uu ka dhaawacmay qeybta hoose ee jirkiisa gaar ahaan lugata midig oo uu jab ka soo gaaray kadib shil uu ku galay Nairobi ayaa xalay howlo caafimaad loogu qaaday Dalka Talyaaniga. C/sataar Xasan Cali oo ka mid ah howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho waxa uu sharaxaad naga siiyey ujeedada Dalka Dalyaaniga loogu qaaday Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameriko, waxa uuna xusay in safiirka aan loo qaadin in mar kale lagu soo daweeyo Talyaaniga balse arrinta loo qaaday ay tahay in halkaas lagu soo hubiyo in uu kaban yahay iyo in kale. “Safiirka looma qaadin in halkaas lagu soo qalo mar kale, basle waxaa loogu qaaday Talyaaniga in lagu soo hubiyo qaliinkii Nairobi, maadaama halkaan ay afrika tahay, waxaa kale oo si doo kale la hubin doonaa haddii uu kambo ma dhuutin doonaa mise caadi ayuu noqon doonaa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan safaarada Somalida ay ku leedahay wadanka Kenya. Waxa uu intaa ku daray sarkaalkaasi in Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ay qaaday Dowladda Dalka Talyaaniga, waxaana dhanka kale uu sheegay in xaaladda Safiirka ay tahay mid hagaagsan, dibna uu ugu soo laaban doono howlaha uu bulshada Soomaaliyeed u hayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted February 21, 2012 Talaado, February 21, 2012(HOL) Nairobi - Kenya - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa lagu sameeyay qalliinkii labaad, kadib markii loo qaaday dalka Talyaaniga todobaad kahor. Danjiraha ayaa muddo haatan laga joogo laba todobaad ku galay shil baabuur magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, taasoo keentay dhaawac kasoo gaaray lugtiisa midig oo jabtay iyo dhaawacyo fudud oo kasoo gaaray jirka intiisa kale. Waxaana lagu sameeyay qalliin lugta jabtay, oo lagu kabay intii uu ku jiray isbitaalka Nairobi Hospital ee magaalada Nairobi. Balse kadib markii la ogaaday in dhaawaca lugta ka gaaray uu yahay mid aan fududayn ayaa loo qaaday danjiraha dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ku galay qalliinkiisii labaad. Waxaana qaar kamid masaajidada ku yaalla xaafada Islii ee magaalada Nairobi ay maalintii jimcada u sameeyeen ducooyin alla bari ah, kaasoo ilaahay looga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo Cali Ameeriko oo ahaa danjirihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo xiriir dhow la yeesha jaaliyada Soomaalida ee Kenya. C/sataar Xassan Cali oo kamid ah hawlwadeenada safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay in danjire Cali Ameeriko qaliinka maanta lagu sameeyay uu ahaa mid lagu guulaystay. "Dhaqaatiirta Talyaanigu waxay noo sheegeen in danjiruhu uu haatan fiicanyahay, qalliinkiisiina lagu guulaystay". Ayuu yiri Cabdisataar. Shilka baabuur ee uu danjiraha Soomaaliya ku galay dalka Kenya ayaa ahaa kii ugu darnaa ee masuul ka tirsan safaarada Soomaalida uu ka galo dalka Kenya oo kamid ah wadamada ugu shilalka badan bariga Afrika. Quote Share this post Link to post Share on other sites