Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Uk Diaspora Is Preparing For Huge Welcoming To The Puntland Delegation

Recommended Posts

Dr_Osman   

Jaaliyada Puntland ee UK oo isu diyaarinaysa soo dhawaynta Waftiga Puntland ee shirka London

 

Posted by Pi on February 20th, 2012

 

London(Pi) Jaaliyada ayaa wada abaabul wayn oo lagusoo dhawaynayo Wafuuda Soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirka London, PDF-UK ayaa ayaa qorshaynaya inay Garoonka diyaaradaha London ku soo dhaweeyaan Waftiga Puntland ee ka qayb galaya Shirka London, Jaaliyadu waxay kaloo qayb wayn ka qaadanaysaa soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha oo iyana kusoo food leh London.

 

 

Waxay kaloo Jaaliyada Puntland ee Uk qorshaynayaan inay si gaara u la kulmaan Waftiga Puntland, waxay kalooo qayb ka qaadanayaan kulamo ay Jaaliyada Soomaaliyeed la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha marka uu dhamaado shirka London.

 

Kala soco Puntlandi.com imaatinka Wafuuda Soomaalida ee London

Share this post


Link to post
Share on other sites

There was demonstration in Garowe today against Galmudug President Caalin on his on his remarks on society women specially when leaving Garowe Airport the other day. Not that approve what he said, but Since you (Dr) report everything about Puntland how come you have missed this mase it was censored by Faroole ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweyne Faroole oo si Weyn Loogu soo Dhaweeyey London (Daawo Sawirro)

Comments (0) | Write Comment

 

20 February 2012

 

Wafdi ka socda Dowladda Puntland uuna hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa caawa [20 Feb 2012] ka soo degay Magaalada London halkaasoo loogu balansanyahay inuu ka furmo Shirweyne Caalami ah oo ku saabsan arrimaha Somalia.

 

Wafdiga Puntland waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Farax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cali Askar, Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Md. Cabdulqadir Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland Md. Maxamad Xasan Barre, iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

 

Wafdiga Puntland ayaa waxaa garoonka Heathrow International Airport kusoo dhaweeeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingriiska (Foreign and Commonwealth Office – FCO) iyadoo Wafdiga loo galbiyey Qeybta VIP-da ee garoonka Heathrow.

 

Intaasi ka dib ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole waxay la kula kulmeen gudaha garoonka dayuuradaha xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London halkasoo Madaxda Dowladda Puntland si weyn loogu soo dhaweeeyey.

 

Shirka Caalamiga ah ee arrimaha Somalia ayaa furmi doona 23 Feb 2012 iyadoo ay ka soo qeybgali doonaan in ka badan 50 Dowladood. Shirkii Dastuurka Somalia (Garowe II) ayaa lagu soo gabogabeeyey xarunta Dowladda Puntland ee Garowe maalintii Jimcaha 17 Feb 2012, iyadoo ay Madaxda Somalia shirkaasi ku saxiixeen Garowe Principles II oo ah heshiis qeexaya habsocodka barnaamijka Dastuurka Federaalka ee Somalia.

 

Waxaa Raxanreeb.com Soo Gaarsiiyey Qoraalkaan iyo Sawiradaba

 

Communications Office

The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

E-mail: info@puntland-gov.net

Web: www.puntland-gov.net

 

IMG_8053-1024x682.jpg

IMG_8083-1024x682.jpg

IMG_8077-1024x682.jpg

IMG_8075-1024x682.jpg

IMG_8069-1024x682.jpg

IMG_8068-1024x682.jpg

IMG_8067-1024x682.jpg

IMG_8064-1024x682.jpg

IMG_8062-1024x682.jpg

IMG_8061-1024x682.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this