Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Education Reforms Expands To Primary Schools One Quality Based Curriculum For All

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Agaasimaha Guud ee W. Waxbarashada PL “9 Manhaj ayaa loo sameeyay waxbarashada dadban (Non Formal Education) waxaan u samaynaynaa hal Manhaj”

 

February 19, 2012 7:33 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa Puntlandpost uga warbixiyay Manhaj ay u samaynayaan Waxbarashada dadban ee Puntland (Non Formal Education), isaga oo sheegay in ay leedahay ahmiyad gaar ah oo ay dad badan oo reer Puntland ah ka faa’iidayn karaan haddii loo sameeyo Manhaj midaysan.

 

“9 Manhaj ayaa loo sameeyay Waxbarashada dad badan, hay’ad kastaaba Manhaj u gaar ah ayay samaysay, taasna waxay keentay in ay meesha ka maqnaanto lahaanshihii (ownership)”.

 

01-02-12, waxaan halkan (Xarunta Wasaaradda) kullan ballaaran ugu qabanay dhammaan hay’adaha Waxbarashada naga kaalmeeya waxaan u sheegnay in aan doonayno in aan hal Manhaj oo midaysan u samayno Waxbarashada dadban ee Puntland (Non Formal Education), waxaan dhawaan shaqaalaysiinaynaa Guddi Khubaro ah oo soo diyaarsha Manhajka, kuwaaso oo dhinacyo badan ka eega oo soo diyaarsha (Frame Work) ayuu yiri.

 

Faa’iido-xumida Manaajijta badan ee la sameeyay.

 

Manaahijta badan ee loo sameeyay Waxbarashada dadban ayuu sheegay in ay yihiin kuwo aan faai’iido lahayn, maadaama ay hay’ado ajnabi ah sameeyeen dhaqaale badana lagu baxshay, waxa uu sheegay in ay yihiin kuwo tayadoodu hoosayso, islamarkaasna aysan ahayn kuwo buslhada baahidooda iyo hormarkooda Waxbarasho looga baaraan dagin.

 

Faa’iidada hal Manhaj.

 

Maxamed Cabdiwahaab, waxa uu sheegay Manhajka ay doonayaan in ay sameeyaan uu nqoon doono mid tayo leh, La kantaroolayo, dadkuna ay u arkayaan Manhaj ay leeyihiin (ownership).

 

Dadka faa’iidaysanaya Waxbarasahda dadban.

 

Sida uu sheegay ayaa Agaasimuhu, waxaa ka faa’iidaysan doona Manhajkan, dadka gaboobay, dadka dhexda kaga jiray Waxbarashada markii ay burburtay Dawladii dhexe ee dalka ee aan fursad kale helin, dadka reer guuraaga ah iyo kuwa tuulooyinka ku nool, dhamaan dadkana waxaa lagu qiyaasaa 60% in ay ka yihiin dadka reer Puntland.

 

Mr. Maxamed Cabdiwahaab, waxa uu sheegay in Puntland ay ka diiwayn gashan yihiin 251 Iskuul oo ah kuwa Waxbarashada dadban, kuwaas oo haddii loo sameeyo hal Manhaj wax ka badali kara heerka Waxbarasho ee Puntland.

 

Kadib Waxbarashada dadban Ardayda xagee ku biirayaan.

 

Sida uu sheegay Agaasimahu, dadka ka faa’iidaysan doona Manhajkan cusub waxaa u furan sadex arimood oo kala ah in ay ku biiraan Dugsiga sare, in ay ganacsi bilaabaan iyo in ay farsamada bartaan.

 

Sikastaba, sida ay qorshaysatay Wasaaradda Waxbarashada Manhajkan waxaa la hirgalin doonaan baramaha sanadkan 2012, si uu sanad-dugsiyeedka cusub uu ula jaanqaado.

 

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa horay u midaysay Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland, waxaana iminka la qaada Imtixaan midaysan, waxaana la baxshaa hal Shahado oo isku mid ah.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Boys, Puntland High school Curriculums have been harmonized into one quality education. What solidifies it even more is the fact that our high school certificates is recognised by sudan, ethiopia, and kenya and students who graduate with Puntland high school certificates can use those as automatic entry into sudani, ethiopian and kenyan universities. That proves to you that its quality education. What's even more great is the education reform for primary schools will now kick-start june 2012 to have 1 harmonized education curriculum for all primary school students that is quality based and relevant to our local needs and will produce people who can help build the state and move it forward!!!

 

I cant believe somalis havent done a ku dayo on this

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this