Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Market Fire Rehabilitation Update

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dab-suuqa-Boosaaso-06511.jpg

 

Boosaaso: Xagee marayaan dadaaladii dhaqaalaha loogu uruurinayey dadkii dabku cayreeyey?

Updated:- 14 hours ago| 0 Commnets

 

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa bilihii u danbeeyey ka socdey dadaalo ay waxgaradka bulshadu ku doonayaan in dhaqaale loogu uruuriyo dadkii ku hanti beelay dabkii bishii 12-aad ee sanadkii tegey Suuqii magaalada Boosaaso gubey.

 

Howsha dhaqaale uruurinta oo ay iska kaashanayaan waxgaradka, culimaa’uddiinka, iyo maamulka rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ayaa u muuqata mid aan gaarsiisneyn heerkii loogu tala galay kadib markii uu dib u dhac xoogani ku yimid.

 

Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga iyo wershedaha ee puntland Maxamed Caydiid Jaamac islamarkaana qayb ka ah guddi gaar ah oo loo saaray uruurinta dhaqaalahaas ayaa ka warbixiyey waxa u qabsoomay iyo meesha ay wax u marayaan.

 

Wuxuuna sheegay in dhaqaalaha ilaa iyo hadda soo ururay uu yahay mid kooban oo aan ku fileyn in la gaarsiiyo dadkii loogu tala galay, isagoo intaas raaciyey inay jiraan dhibaatooyin nololeed oo haysta dadka la rabo in gargaarka loo fidiyo kuwaasoo u badan haween caruur agoomo ah iyo kuwo lagu furay ka biili suuqa ka biili jirey.

 

Gudoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland waxa kale oo uu sheegay in shirkadaha ganacsiga intooda badani aysan kasoo jawaabin qaylo dhaan arintaas ku aadan oo horay loogu jeediyey marka laga reebo sadexda shirkadood ee Horseed, Golis, iyo Al-bixaar.

 

Caydiid ayaa dhinaca kale tilmaamay in dadkii howshan loo xilsaaray intooda badani ay ka mashquuleen taasina ay keentay in yahoobaha oo markii hore xowli ku socdey oo gaabis noqo balse dhowaan la qorsheynayo in guddi hor leh loo saaro si mar kale dib loogu dhaqaajiyo.

 

Ganacsato lagu qiyaasay 2,000 oo qof ayaa ku hanti beelay dabkii suuqa Boosaaso baabi’iyey horaantii bishii Dec ee sanadkii tegey ee 2011, waxaana jira dhibaatooyin dhanka nolosha kasoo foodsaadaray qoysas badan oo laga biili jirey badeecadihii gubtey.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this