Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo with delegation arrives in London UK

Recommended Posts

War Deg Deg ah:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Siilanyo iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Goor dhawayd ka soo Dagay Heathrow Airport London

 

February 19, 2012 - Written by Admin

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Waftigii uu Hogaaminayay ayaa Goor dhawayd Soo Gaadhay Caasimada Wadanka Ingiriiska ee London.

 

Waftiga Madaxweynaha ayaa ka soo Dagay Garoonka Diyaaradahu Soo Caga dhigtaan kana haadaan ee Heathrow Airport iyaga oo ka soo duulay Wadanka Kenya Waxaana Madaxweynaha Ku weheliya Safarkiisan Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskashiga Caalamiga Ah Dr Maxamed Cabdilaahi Marwada Madaxweynaha Marwo Amina Waris iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

 

Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Siilanyo ayaa ka qayb galaya Shirka Soomalida loogu qabanayo UK gaar ahaan London 23 Bishan February .

 

Geesta Kale waxa La filayaa in Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ay kaga Biiraan Xubno kale Wadanka UK iyada Xubno kalena la filaayo in ay Maalinta Berri ah ka ambabaxan Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa .

 

Wararka Waftiga Madaxweynaha Inshaa Allah Kala Soco Shabakadda Wararka ToggaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Siilaanyo oo gaadhay Britain kana hadlay rajada ay ka qabaan shirka London

 

February 19th, 2012

London (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada London ee dalka Britain, waxaana madaarka Heathrow Airport si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.

 

Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyay saraakiil ka socday xafiiska Raysal wasaaraha Britain iyo Wasaaradda khaarajiga dalkaasi, Wasiirul dawladaha arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, Wasiir Ku xigeenka arrimaha dibadda Md. Maxamed Yoonis Cawaalle, Wakiilka Somaliland ee UK iyo xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Somalland ee wadanka UK.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo markii uu ka soo degay madaarka London saxaafadda u waramayay ayaa si weyn ugu mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee soo dhawaysay.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay shirweynaha Ingiriisku ku qabanayo 23-ka bishan magaaladda London oo uu tilmaamay in isaga iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayaa ay ku casuuman yihiin kana filayaan in qadayadda Somaliland lagu dhegaysto shirkaas.

 

“Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dadka I soo dhaweeyay ee reer Somaliland, waxaan socdaalkayaga u imid dalkan inaan ka qeyb galno aniga iyo wefti balaadhan ee ila socdaa oo aan rajaynayno inaan kaga hadlo danaha Somaliland Inshaalaahu,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato mashaakilka mandaqadda ka jira, horumarka aanu samaynay iyo baahiyahayaga , waxaanu doonaynaa inaanu arrimahaasi ka hadalno.”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Cali.

 

Waxa kale oo la filayaa magaaladda Addis-ababa ay ka soo ambo baxaan maalinta bari weftigii kale ee uu Hoggaaminayay Wasiirkaa warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade,oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Xanaanadda xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada iyo masuuliyiinta sadexda xisbi qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this