Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Health Ministry Plans For 2012 Includes 4 Remote Hospitals Major Health Reform

Recommended Posts

Dr_Osman   

Agaasimaha-wasaaradda-caafimaadka-ee-gob

 

Maamulka wasaaradda caafimaadka ee Bari oo ka warbixiyey waxqabadkooda sanadkii tegey

Updated:- 2 mins ago| 0 Commnets

 

Maamulka xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey

waxqabadkooda sanadkii tegey iyo qorshooda ku aadan sanadka cusub ee 2012.

 

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe oo maanta xafiiskiisa magaalada Boosaaso noogu waramay ayaa sheegay in ay horumar badan dhinaca caafimaadka ka sameeyeen.

 

Wuxuuna mar aan weydiiney waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay sanadkii hore qabteen uu sheegay inay qayb weyn ka qaateen gurmadka abaarihii ku dhuftay deegaano kamid ah gobolka Bari islamarkaana ay kooxo caafimaad u direen si daryeel caafimaad oo daaweyn iyo nafaqeyn isugu jirta loogu fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Mr Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolku uu sameeyey kooxo si gaar ah u tababaran kuwaas oo daryeel caafimaad ka fuliya dhulka miyiga ah ee fog gaar ahaan miyiga degmooyinka Isku-shuban, Ufeyn, Qandala, iyo Caluule.

 

Agaasimaha wasaaaradda caafimaadka ee gobolk Bari ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal ay Horseed Media weydiisey oo ahayd waxa ay wasaaradu ka qabatay daryeelka dhismaha iyo qalabaynta isugu jira oo ay u baahan yihiin qaar kamid ah Isbitaalada ku yaal degmooyinka gobolka uu sheegay in mustaqbalka dhow ay ku rajo weyn yihiin inay kiciyaan Isbitaaladii hore ee dogmooyinka:

 

Isku-shuban.

Qandala.

Caluula.

Iyo Baargaal.

 

Siciid Maxamed Waraabe ayaa dhinaca kale sheegay in xafiiska wasaaradda caafimaadka Puntland ee gobolka Bari uu yahay midka ugu horumarsan dhamaan xafiisyada lamidka ah ee ka jira gobolada kale ee Puntland. maadaama dib u habayn dhinaca maamulka iyo shaqada ah lagu sameeyey uuna ka kooban yahay dhowr waaxood oo kala ah:

 

Waaxda caafimaadka asaasiga ah.

Waaxda xog uruurinta caafimaadka.

Waaxda faya-dhowrka iyo nafaqada.

Waaxda la dagaalanka nafaqo darada.

Iyo waaxda kooxaha caafimaad ee guur guura.

 

“ Maamulka caafimaadka ee gobolku isaga oo la kaashanaya ururka dhakhaatiirta Puntland wuxuu dhowaan bilaabayaa olole lagu diiwaan gelinayo laguna xaqiijinayo khibaradda iyo aqoonta dadka ka howlgala xarumaha caafimaadka iyo kuwa kale ee wax ka dhiga goobaha caafimaadka lagu barto si looga hortago dadka sifaha aan sharciga ahayn howsha caafimaadka usoo dhex gala iyaga oo sheeganaya inay aqoon u leeyihiin”

 

Mr waraabe ayaa yiri mar uu ka jawaabayey su’aal ay Horseed Media weydiisey oo ahayd: xarumaha caafimaad ee kusoo badanaya gobolka iyo goobaha waxbarasho ee caafimaadka lagu barto maxaa qorshe ah oo xafiiskiina uga yaal madaama ay suurtagal tahay in dad badan oo aan cafimaadka xirfad iyo aqoon durugsan u lahayni ay ka howl galaan.

 

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo lagu tiriyo inay kamid tahay wasaaradaha ugu shaqada badan uguna firfircoon wasaaradaha Puntland ayaa waxay xafiisyo ku leedahay dhamaan gobolada, xafiiska gobolka Barina wuxuu si hoose u maamulaa xarumaha caafimaadka ee 7-degmo ee gobolka Bari uu ka kooban yahay.

 

Horseed Media

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this