Sign in to follow this  
kingofkings

Danjireyaal ka socda midowgya Yurub oo Garoowe soo gaarey (Sawiro)

Recommended Posts

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa goor dhow kasoo degey wefdi heer sare ah oo ka socda qaar kamid ah dalalka ku bahoobey ururka midowga Yurub.

 

Wefdigan oo Safiiro u badan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey qaar kamid ah golaha wasiirada ee dowlada Puntland oo ay kamid yihiin wasiirka Maaliyadda, wasiirka maamul wanaagga, iyo xubno ka tirsan golaha Baarlamaanka.

 

Wefdiga EU ka socda ee Garoowe yimid ayaa waxaa kamid ah Safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Sweden, Italy, iyo Britain, waxaana sidoo kale goor dhow la filayaa in uu Garoowe soo gaaro madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya mudane Shariif sh. Axmed.

Ujeedada socdaalka wefdiga midowga Yurub ka socda ee Garoowe soo gaarey ayaa ah sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xiritaanka wejiga 2-aad ee shirka Garoowe oo qorshuhu yahay in maanta lasoo gaba gabeeyo.

 

Waxayna noqonaysaa markii ugu horeysey oo ay tira danjireyaal ah oo intaas le’eg kana socda dalalka ku bahoobay ururka midowgya Yurub ay magaala madaxda Puntland ee Garoowe soo gaaraan.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this