Sign in to follow this  
Dr_Osman

30 IT students in Bossaso Graduate with Cisco Certifications. Bosaso

Recommended Posts

Dr_Osman   

Arday Course Computer-ka ah ka qaatay Jaamacadda Boosaaso oo shahaadooyin la gudoonsiiyey [sawiro]

Updated:- 32 mins ago| 0 Commnets

 

Xaflad Shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday dhamaystay koorso culuumta Computerka lagu baranayey ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso.

 

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, ayna kasoo qayb galeen marti sharaf badan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka tirsan, ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Boosaaso oo ay ardaydaasi in mudo ah wax kusoo baranayeen.

 

Ardayda qalin jebiyey oo ay tiradoodu 30 tahay, ayaa koorsada ay qaateen oo socotey mudo 3-bilood ah laguna magacaabo CISCO, waxay ku barteen culuum tira badan oo Computerka iyo isticmaalkiisa ku aadan, gaar ahaan maadada la yiraahdo IT Essential.

 

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay hormuudka Jaamacadda Boosaaso Maxamed Cali Faarax, wuxuuna ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacada Boosaaso oo markii hore College ahayd soo martay iyo horumarka ay ka samaysay dhinaca waxbarashada.

 

Mr Maxamuud wuxuu sidoo kale ka warbixiyey heerarka waxbarashada ay Jaamacaddu bixiso, iyo inta Faculty ee ay ka kooban tahay, isagoo sidoo kale sheegay himilooyinka ay Jaamacaddu ku taamayso in ay higsato mustaqbalka dhow, kuwaasoo uu tilmamaay inay kamid yihiin haqab tirka baahiyaha waxbarasho ee gobolka ka jira, gaar ahaan kuliyadaha aan dalka laga helin.

 

Maamulaha Bankiga Dahabshiil qaybtiisa magaalada Boosaaso Prof. Yaasiin Xaaji Cabdilaahi, islamarkaana ah macalin Jaamacadda Boosaaso wax ka dhiga, ayaa isna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay, iyo sida ay horumarka lagama maarmaan ugu tahay, wuxuuna sheegay in Dahabshiil ay ka go’an tahay taageeridda waxbarashada iyo bahdeedaba.

 

Jaamac Yaasiin Jaamac oo ka tirsan gudoonka waxbarashada ee degmada Boosaaso ayaa isna u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Boosaaso, wuxuuna dhinaca kale hanbalyo u jeediyey ardayda qalin jebiyey, isagoo ilaah uga baryey in waxa ay barteen uu ku anfaco, kulana dardaarmay in cilmiga ay heleen ay dadkooda iyo dalkooda uga faa’iideeyaan.

 

Macalin Faadil oo isna ah macalin Sudani ah ayaa munaasabadaas ka hadlay wuxuuna ku dheeraaday qiimaha waxbarashada, iyo sida ay waxbarashadu udub dhexaad ugu tahay horumarka bulsho walba, isagoo dhinaca kale tilmaamay in waxbarashada Technology-yada ku salaysani ay tahay mid maanta ay dunidu ku kala tagtay.

 

Mid kamid ah howlwadeenada shirkadda Isgaarsiinta ee Golis laguna magacaabo Jaamac ayaa isna gaba gabadii hadal kooban goobtaas ka jeediyey, si gaar ah wuxuu uga hadlay Internetka oo ay qaar kamid ah ardaydu codsadeen in la tayeeyo, isagoo xusay in shirkaddu ay mustaqbalka dhow hirgelin doonto khad Internet oo ay aad tayadiisu u fiican tahay oo xawaare sare leh.

 

Jaamacadda Boosaaso waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu waaweyn Puntland waxayna ardaydan Shahaadooyinka la gudoonsiiyey noqonayaan dufacadii ugu horeysey ee dhamaysta koorsada CISCO ee lagu barto IT Assential.

 

Cabdiraxmaan Maxamed

Horseed Media

Boosaaso

 

Jaamacadda-Boosaaso-009.jpg

 

Wow Cisco is a Huge ICT technology

Jaamacadda-Boosaaso-011.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-027.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-035.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-048.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-050.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-053.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-083.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-090.jpg

Jaamacadda-Boosaaso-111.jpg

 

More pics can be viewed here

http://horseedmedia.net/2012/02/17/arday-course-computer-ka-ah-ka-qaatay-jaamacadda-boosaaso-oo-shahaadooyin-la-gudoonsiiyey-sawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I love the open plan in the back of the university waxa keliya ka maqan in fountain yar meesha dhex dhigo iyo trees and grass. It would be superb then

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this