Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Health Minister Jets To Nairobi To Participate in Somalia Health Conference

Recommended Posts

Dr_Osman   

Boosaaso:Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Nairobi u dhoofay kana qaybgalaya Shirweyne looga hadlayo Caafimaadka Soomaaliya.

14. february 2012

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Wafti balaaran oo uu horkacayo Wasiirka wasaarada caafimaadka ee dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa saaka Puntland ka dhoofay iyagoona kusii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaasoo ay uga qaybgalayaan shirweyne looga hadlayo caafimaadka Soomaaliya, hormarintiisa iyo baahiyaha caafimaadka iyadoona shirkaas ay ka qaybgalayaan madax ka socota hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan howlaha caafimaadka iyo Madaxda maamulada Soomaalida u qaabilsan dhanka Caafimaadka kuwaasoo kawada xaajoonaya arimo muhiim ah.

 

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland ayaa la filayaa inuu khudbad kajeediyo shirkan oo Arbacada beri ah ka furmaya magaalada Nairobi isagoona soo jeedin doona Khudbad ku saabsan heerka Caafimaadka ee Puntland, Baahiyaha ay shacabka Puntland u qabaan dhanka Caafimaadka, Taageerada loo baahanyahay iyo waxyaabo kale oo ku saabsan Hormarinta Caafimaadka Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.

 

Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa inta uusana ka dhoofin Puntland APL u sheegey in dawladiisu ay jeedin doonto arimo badan oo ku saabsan Hormarinta caafimaadka, Wuxuuna sheegey inay codsan doonaan in Puntland looga howlgalo si ka nidaam wanaagsan kana fiican sidii horey looga howlgali jiray isagoona intaas kudaray in inta uu Nairobi joogo u kulamo kaladuwan la qaadan doono madax sarsare oo katirsan hay’adaha caalamiga ah oo uu kala hadlayo Qorshaha balaaran ee Wasaaradiisu ay sanadkaan ku hormarinayo Caafimaadka Puntland taasoo ka balaaran kuwii sanadihii hore, Wasaarada Caafimaadka ayaa imika safka hore uga jirta Wasaaradaha ugu waxqabadka iyo tayada badan Wasaaradaha Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Cqxayir@hotmail.com

Allpuntland Team

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Shir Looga Hadlayay Caafimaadka Soomaaliya Guud Ahaan Oo Nairobi Kusoo Gabogaboobey Maxaase Looga Hadlay? Yaase Kasoo Qaybgalay Soomaalida? (Warbixin+Sawiro)

 

Posted by Pi on February 18th, 2012

 

Nairobi: Magaaladda Nairobi ee xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaa 4 maalmood ee u danbeysay (13-17) ka socday shir caalami ah oo looga hadlayay caafimaadka guud ahaan Jamhuuriyada Soomaaliya. Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Gudiga Caafimaadka Soomaaliya {Somalia Health Sector Committee (HSC) } kaasi oo ah golle ay sannad ka hor ay Soomaalida iyo Deeq-bibiyeyaasha, iyo UN-ku wada aasaaseen.

 

Gollahan Caafimaadka Soomaaliya ayaa ah gollihii ugu horeeyey ee ay Soomaalidu ku midoobaan si wadajir ah in looga wada shaqeeyo daryeelka caafimaadka dadka Soomaaliyeed waana markii u horeysay ee ay 20 sano mowqif mid ah caalamka la hortagaan, si markaasi ay hal cod ay aduunka wax ku waydiistaan.

 

Shirka Waxaa kasoo qaybgalay:

 

 

1. Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa shirka uga qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha Guud Dr. C/risaaq Xirsi Xassan iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dr.C/risaaq Xassan Ciise.

 

2. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxaa shirka u fadhiyey Wasiirka Caafimaadka Dowaldda KMG ah ee Soomaaliya Dr. C/casiis Yuusuf, Wasiir ku xigeenkiisa Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Xubno kale.

 

3. Maamul gobaleedka Somaliland waxaa shirka uga qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Agaasimaha guud iyo Xubno kale.

 

4. Deeq-bixiya yaasha ay ka mid yihiin DFID (UK),SIDA(SWEDEN), USAID(USA) ,GAVI HSS, GLOBAL FUND iyo kuwo kale

 

5. Hayadaha loo yaqaan NGOs ee caafimaadka somalia ka howl galo UNICEF, UNFPA, WHO iyo Kuwo kale oo Caalami ah.

 

Shirkan waxaa sidoo kale joogey Khabiirka Soomaaliya ugu caansan dhanka caafimaadka Dr. Khaliif Bille oo horey uga soo shaqeeyey meeelo badan oo caalamka ah isagoo ahaa wakiilkii hore ee hayadda Caafimaadka Aduunka ee WHO ee wadanka Pakistan, hormuudkii kulliyaddii Caafimaadka ee Soomaaliya iyo aasaasihii isla jaamacaddaas.

 

Shirka Maxaa looga hadlay:

 

Shirka Madaxda Soomaalidu waxay soo bandhigeen waxqabadyadoodii sanadkii hore, baahiyaha Caafimaad ee deegaanadooda ka jira iyo guud ahaan Soomaaliya, caqabadihii sanadkii hore iyo qorshayaasha sanadkan. Doodo, afkaaro iyo gorgortano adag kadib waxaa la isla gaarey qodobadan:

1. In la saxiixay heshiiska GAVI oo somalia ay ku helayso 11 malyan dolar, taasoo looga shaqayn doono horumarrinta caafimaadka gu aahaan.

 

2. Waxaa sidoo kale la saxiixay Qorshaha horumarrinta caafimaadka ee Dowlada Ingiriisku ugu talagashay somalia, kaasoo ay ku baxayso adduun gaaraya 46 malyan oo dolar 3 sanno ee soo socota.

 

3. In Somaliya laga bilaabo qorshaha loo yaqaan Community health workers oo kumaankun qof lagu hawlgelinayo. Qorshahaan oo hadda ka hor wax looga qabtay caafimaadka wadamada Pakistan, Afganistan, Ethoipia, iyo dalal kale oo Africa ku yaala.

4. In Mashaariicdan hirgalintoodu ay bilowdaan 6 bilood gudahood.

 

Dhaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya waxaa loo qaybsanayaa 3 meelood waxaana dowladda Puntland ay helaysaa saddex meelood hal meel mashruuc kasta waana sida qaybaha kale ay iyaguna helayaan.

 

Wasaaradda Caafimaadka Dowaldda Puntland waxay shirkan ka muujisay waxqabad balaaran kaasi oo ay qaybaha Soomaalida iyo deeqbixiyeyaashuna aad ugu amaaneen oo ay ugu bogaadiyeen iyadoo markaasna ay nasiib kale u heleen madaxda Wasaaradda Caafimaadka Puntland inay shirka gudoonshaan 2 maalmood.

 

Waftiga Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland ee shirkaas ka qaybgalay ayaa wali ku sugan magaaladda Nairobi iyadoo ay kulamo la yeelan doonaan Safaaraddo iyo Hay’addo Caalami ah oo danaynaya inay wax ka qabtaan Caafimaadka Puntland.

 

Intii uu Shirkan socday waxaa kulamo yeeshay madaxda wasaaraddaha Caafimaadka TFG iyo Puntland iyadoo ay isla soo qaadeen halka ay martey mucaawanadii Daawadda ahayd ee ay dowladda Turkigu ugu talagashay Soomaaliya gaar ahaan qaybtii Puntland ee lagu kala gatey Suuqyada Muqdisho, Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalku wax jawaab ah oo lagu qanco maysan siinin Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland.

 

Ugudanbayntii Shirkii Caafimaadka Soomaaliya looga hadlayay ee Nairobi ayaa kusoo gabogaboobey jawi wanaagsan iyo guulo, waxaana shirka soo xirey Ergayga gaarka ah ee UN ka u qaabilsan arimaha gargaarka Mack Bowden.

 

C/qadir Warsame Yuusuf

Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Abdiqadir72@gmail.com

 

DSC_7173-e1329573252279.jpg

DSC_7187-413x300.jpg

DSC_7234a-e1329572952381.jpg

DSC_7190-e1329573183715.jpg

DSC_7191-427x300.jpg

DSC_7231-434x300.jpg

DSC_7235a-423x300.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this