Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Highway Authority Begins Massive Garowe To Galkacyo Road Rehabiliation Project. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Hay’adda NESHA oo bilowday dayactirka wadada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo (Sawiro)

February 16, 2012 10:27 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Print

 

Garoowe:-Hay’adda dayactirka Jidadka Puntland NESHA ayaa bilowday dayactirka wadada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii wadadaasi ay muddo dheer burbursanayd, waxaana furay dayactirka jidkan Wasiirka Hawlaha Guud Daahir Khaliif.

 

Xassan Cismaan Cali Guddoomiyaha NESHA

 

Dayactir lagu samaynayo wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacyo

 

Guddoomiyaha hay’adda NESHA Cismaan Xassan ayaa waxa uu sheegay in hay’addu go’aansatay in ay dayactir ballaaran ku samayso wadadan, kadib markii dakhligiii soo gali jiray Hay’adda la kordhiyay oo M-wadaxwaynaha uu go’aansaday in dakhliga la kordhiyo si loo horumarsho Jidadka Puntland.

 

Jidkan, ayaa la filayaa in la dhamaystiro illaa inta dhammaantiis la dayactirayo oo uu noqon karo mid si wanaagsan loo maro oo aan lahayn wax dhibaato ah.

 

Halka ka daalaco Jidad kala oo NESHA ay dayac-tirtay

http://www.puntlandpost.com/garoowe-nesha-oo-dayac-tirtay-jidka-u-dhaxeeya-garoowe-jalam-xarfo-gaalkacyo-sawiro/

 

Dyactirka jidadka Puntland ayaa hay’adda NESHA ka saaciyda kadib markii ay qalab wanaagsan ka heshay dhawaan hay’adda DFKS.

 

nesha3-450x342.jpg

nesha2-450x342.jpg

nesha1-450x342.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Hay’adda PHA oo dayactir ka wadda jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacayo [sawiro]

 

Updated:- 18 hours ago| 6 Commnets

 

Hay’adda dayactirka wadooyinka Puntland ee PHA ayaa hawlo dayactir ah ka wadda jidka u dhexeeya magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe.

 

Cabdinuur Gaada-yare oo ka tirsan mas’uuliyiinta hay’adda PHA oo Horseed Media ugu waramay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey halka ay howlahaasi marayaan.

 

Wuxuuna sheegay in jidka la dayac tirayo oo dhererkiisu 24km yahay uu isku xiro magaalada Garoowe iyo degmada Kalabayr.

 

Cabdinuur ayaa mar ay Horseed Media weydiisey waxa dib u habaynta xiligan wadadaas lagu samaynayo kusoo beegay sheegay in jidkani uu yahay mid si aad u ah burbursan mudo 40sano ka badan aan wax dayactir ah lagu samayn.

 

Wuxuuna intaas raaciyey in howsha dayactirka jidkan ay ku dhiiradeen kadib markii ay qalab ka heleen DKG ah ee Soomaaliya, qalabkaas oo Gaada-yare uu tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah balse aan *****li Karin baahida jirta.

 

Hay’adda dayactirka wadooyinka Puntland ee PHA waxay horay dayactir ugu soo samaysay qaar kamid ah jidadka Puntland oo burbur xoogani uu ka muuqdey.

 

Waxaana howlaha dayactirka ee ay xiligan ka waddo jidka u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo si diiran usoo dhoweeyey wadayaasha gaadiidka iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe

 

DSC091191.jpg

DSC09116.jpg

DSC09136.jpg

DSC09137.jpg

DSC09141.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this