Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Faysal Cali Waraabe on London Conference and Buuhoodle Issue

Recommended Posts

Hargeysa, - (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tafaasiil ka bixiyey guul iyo guuldaro midka ay ka filayaan shirka kooxaha Somalida 23-ka bishan uga furmaya Magaaladda London, kaas oo uu ka qaybgalayo wafti ka socda Somaliland oo uu hogaamin doono Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Faysal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf xalay khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo Hargeysa ku sugan, isla markaana sheegay inuu ka mid yahay waftiga Madaxwaynuhu u hogaamin doono London isaga iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.

 

Guddoomiyaha UCID Faysal waxa uu sheegay inay muhiimad weyn u leedahay qadiyada Somaliland marka la arko xukuumadii iyo axsaabtii mucaaridka oo isku duuban, tilmaamayna inay wacdaro ka dhigi doonaan shirkaas London ka furmaya 23-ka bishan.

 

Waxa kale oo uu Guddoomiye Faysal ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Buuhoodle, kaas oo Maamulka Garoowe ku eedeeyey inuu dab kula dhex jiro bulshadda Somaliland, isla markaana uga digay sii wadadi colaadaha ka taagan deegaanada bariga Somaliland. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya mihiimada shirkaas, waxa uu yidhi Shirkan baaxadiisa waad arkaysaan oo Somaliland ayaa waxa ay ku tagaysaa oo ay shirkaa London kaga qaybgalaysaa wafti qaran oo loo wada dhan yahay hadii loo eego axsaabta qaranka iyo bulshada qaybaheeda kala duwanba. Waxaanan aaminsanahay in qadiyadeenaa 20 jirsatay aynu shirkaa Boodhka kaga tumi doono oo aynu wadamada badan ee saamaynta ku leh aduunka ee ka soo qaybgalaya aynu u bandhigno waxa aynu qabsanay, markaa waxa aan filayaa Insha Allaahu tacaalaa inaynu shirkaa guul kala soo noqon doono.

 

Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi Shirkan London markii aynu ka wada tashanay ee aynu rog-rognay arintiisa, isla markaana aynu kulamo la yeelanay dalka marti galinaya ee Britain waxa inoo soo baxday in faaido inoogu jirto ka qaybgalka shirkaasi oo ay guuldaro inoo tahay hadii aynu ka maqnaano madashaas dunidu iskugu imanayso. Markii aynu shaacinay inay ka qaybgalayno shirkaas waxa soo baxay dad badan oo cadawga Somaliland ah oo ka naxay markay arkeen Somaliland oo goaan ku gaadhay ka qaybgalka shirkaas.

 

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal mar uu ka hadlayey dhaqanada Raisal Wasaaraha Sh. Shariif, waxa uu yidhi Ninka la yidhaahdo Mr. Gaas ee dawladda Sh. Shariif raisal wasaaraha ka ahi wax awood ah uu ku leeyahay Somalia ma jirto, waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Maamulka Puntland, dawladdan Soomaaliya ee uu raisal wasaaraha ka yahayna waa dawad gabigeeduba ka taliya Xamar oo kaliya, isaguna dadkii uu ka dhashay dawlad gaar ah ayey la baxeen oo maamul goboleed ayey samaysteen, markaa cadaawada uu Somaliland u qabo ayuun buu qarsan kari laayahaye waa nin aan saamayn badan lahayn.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya sida ay ku timid midnimadii Somaliland iyo Somalia ee 1960-kii waxa uu yidhi Waxa inaga markii hore Xamar ina geeyey waxa ay ahayd Jacayl aynu u qabno in la helo shan Soomaaliyeed, waxaanaynu Soomaaliya ku biirnay inaga oo ah qaran Madaxbanaan. Maanta dalkeenii Somaliland waa nabad oo Maamul ayeynu leenahay, isla markaana Dimuqraadiyada Africa kuwa ugu fiican ayeynu leenahay. Markaa waa in marka hore Somalia-dii koonfurta la baadi doonaa oo laga baxaa Maamul Goboleedadan jira ee sida Puntland xinka Somaliland loo sameeyey 1998-kii, marka Somalia dawlad ah la helo ay wada hadlaan Somaliland iyo Somalia.

 

Guddoomiye Faysal Cali mar uu ka jawaabayey suaal ahayd inay xukuumadda ka wada hadleen waxa lala shirtagayo, waxa uu yidhi Xukuumadda iyo qoladayada asxaabta mucaaridku waanu ka wada hadalnay waxa lala shirtagayo oo waanu ka wada soconaa waxa lala golle tagayo, iyada oo qoraal ahna waanu ku talo jirnaa inaanu isla qaadano Insha Allaah marka aynu London iskugu tango. Ma jecli inaanu shaacino waxaanu xukuumadda ku wada heshiina oo cadawgeenu wuu badan yahay, laakiin waanu isla garanay in dan wayni Somaliland ugu jirto ka qaybgalka shirkaas.

 

Mar uu baaq u dirayey Waxgaradka iyo Madaxdhaqmeedka beesha bariga Burco iyo Waxgaradka Buuhoodle, waxa uu yidhi Waxaanu jecelnahay in marka hore dagaalada ka taagan Buuhoodle lagu dhameeyo wada hadal, waxaanan ku baaqayaa in gogoshii nabada ee hore loo fidiyey in qolada Habar Jeclo soo celiyaan ilayn waa tii beesha *********** tidhi ha nala sugo int

a shirka Taleex dhacayo, shirkaasina maadaama oo uu dhacay waa in beesha Bariga Burco ay dib u fidiso gogashii nabada. Waxaanan leeyahay Somaliland yaan dabin la galinin oo aan dagaal la galinin ee waa in khilaafyada jira wada hadal lagu dhameeyo.

Qofka Maamul goboleed isku sheega ama qof aan isku sheegin labaduba waa beeshii uun ee taas ha la ogaado, cidkasta oo nabad inay nagula noolaato doonaysana waanu soo dhawaynaynaa oo aynu wada hadalno waa aynu heshiino. Waxa kale oo aynu ognahay in Maamul Khaatumo la yidhaahdo aanu ka jirin dalka oo dawlad Somaliland la yidhaahdo oo kaliya ayaa ka jira, markaa cidkasta oo wada hadal diyaar ah oo ka mid ah waxgaradka *********** waanu soo dhawaynaynaa.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey waxa keenay colaadaha ka taagan deegaanka Buuhoodle, waxa uu yidhi Waxa Fidmada Boohoodle ka danbeeya dad xunxun oo Tolaaiyeey leh oo arintii qabiil u rogay iyaga oo dano gaar ah ka leh, waxaanan filayaa inaanay taasi u suurta galaynin oo maanta Somali nin walba tiisii ayaa cuslaysay. Cida durbaanka Colaada ka garaacaysa deegaanada barigu waa Maamulka Garoowe oo sidii oo uu yahay Super Power-kii dunida iska yidhi waa in Somaliland ka baxdaa Laascaanood oo cid kale oo maanta rabshad doonaysaa ma jirto, Faroole-na waxaan leeyahay intii Somalia jirtay wax ka macaasha idinkaa jiraye oo Tuulooyinkiinii Magaalooyin ayey isku badaleen oo Boosaaso oo cida loo badalaa ay ka xumaan jirtay oo lacag dheeraad ahna la siin jiray ayaaba maanta Soomaaliya ku soo qaxdaaye caanihiina ha iska daadinina dagaal maanta Somali uma baahna oo C/laahi Yuusuf ayaa dagaal iyo colaad waxba ku qaadi waayeye Faroolow adna durbaanka colaada jooji.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Even SL people regard him as a retard. Why are you people so obsessed with Puntland and its leaders? :D

 

Listen to him being scared here. Go to 6:20

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lool, this is funny indeed. They keep talking about Abdirahman Faroole, Inna Ali Gaas, Abdullahi Yusuf and Morgan etc. when these men are chilling and minding their own business. They are not bothered at all and see the fathom that's SL as irrelevant to them.

 

Preview the article above about Waraabe, the names pop up everywhere, incredible!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Qandalawi;789909 wrote:
Lool, this is funny indeed. They keep talking about Abdirahman Faroole, Inna Ali Gaas, Abdullahi Yusuf and Morgan etc. when these men are chilling and minding their own business. They are not bothered at all and see the fathom that's SL as irrelevant to them.

 

Preview the article above about Waraabe, the names pop up everywhere, incredible!

Qandalawi, dont feel shame because these men are from your clan. We all Somali´s shoul feel the same shame.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this