Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xaabsade Leads the First Group of the SL Delegation to London

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)- waxa maanta dalka ka ambo-baxay hormadii u horeysay weftiga Somaliland uga qeyb galaya shir-weynaha ay dawlada Britain 23-ka bishan u qabanayso xal u helida mashaakilaadka dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Somalia iyo dhacdooyinka saameeya mandaqada Geeska Afrika.

 

Weftigan maanta ka dhoofay dalka oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, waxa xubno ka ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Xaaji Cabdi Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida, Xildhibaaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka tirsan Golaha Guurtida, Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo xubno kale waxaanay u socdaaleen dalka Itoobiya oo ay maalmo ku sii hakan doonaan.

 

Wasiirka warfaafinta oo saxaafadda ugu waramayay magaalada Wajaale ayaa sheegay inay u kicitimi doonaan dalka Britain si ay u sii gudo galaan arrimo la xidhiidha shirweynaha dawlada dalkaasi soo agaasintay ee ka furmi doona magaalada London.

 

Md. Xaabsade waxa uu sheegay inay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya ay ku sii hakan doonaan si ay uga shaqeeyaan waxyaabaha qabyo-tirka u baahan ee weftiga qaran ee ka qeyb geli doona shirka London.

 

Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay olalaha ictiraaf raadinta ka qeyb geliso Goleyaasha Baarlamaanka iyo axsaabta qaranka.

 

Weftigan ayaa qeyb ka ah wefti balaadhan oo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Hoggaaminayo oo ka qeyb geli doono shirkaasi oo lagu soo marti-qaaday Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this