Sign in to follow this  
Somalia

Puntland captures Siciid Atam's bombmaker

Recommended Posts

Somalia   

Garoowe: (Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Amniga iyo hub ka dhigista Puntland Gol.Khaliif Ciise Mudan oo Maanta Warbaahinta shirjaraa’id ugu qabtay hoolka shirarka ee aqalka madaxtooyada Puntland ayaa ka hadlay Howlgalo culus oo ay ciidamada kaladuwan ee Puntland ka fuliyeen meelo badan oo kamid ah deegaanada Puntland kuwaasoo qaarkood ay ciidamada Amaanku ka sameeyeen buuraleyda Galgala iyo Xeebaha Puntland isagoona Wasiirku uu sheegey in dhamaan ay Howlgaladaasi si rasmi ah u miradhaleen.

 

Wasiirka Amniga ee Puntland Gol.Khaliif Ciise Mudan Ayaa sheegey in Ciidamada Amaanku ay todobaadkan Howlgal ka sameeyeen meelo kamid ah buuraha Calmadow islamarkaasna ay gacanta kusoo dhigeen rag uu kamidyahay Madaxii qaybta Miino-dhigista u qaabilsanaa dhaqdhaqaaqa Atam kaasoo ay wada dhasheen Hogaamiyaha Kooxdaas Maxamed Siciid Maxamed (Atam).

 

Gol.Khaliif Ciise Mudan Dhanka kale wuxuu sheegey in Howlgalo kale ay Ciidamada Amaanku ka sameeyeen meelo kamid ah Xeebaha Puntland kuwaasoo ay kusoo qabqabteen rag Burcad Badeed ah, Dad Tahriibayaal ah iyo dad gacansiiyaan qaybahaas kaladuwan isagoona sheegey in ciidamadu ay sidoo kalena soo qabteen Agabyada loo isticmaalo howlahaas oo uu sheegey in imika Garoowe lagu hayo, Wasiirku wuxuu sheegey in loo baahanyahay in laga wada qaybqaato la dagaalanka Buracada iyo Tahriibka isagoona caalamka ugu baaqay in dawlada Puntland arimahaas laga gacansiiyo.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland, Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Garowe(Pi) Wasiirka Abniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegey in Ciidamada amaanka Puntland ay weerareen goob ay ku shirayeen Saraakiil al-shabaab ah oo dhinaca Miinada u qaabilsan kooxda uu hogaansho Wadaadka Maxamed Siciid (Atam).

Saraakiisha la qabtay waxaa ku jira Atam walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed-khayr Siciid Maxamed, Wasiirku wuxuu sheegey in ninkaan la qabtay uu sheegtay inuu kooxda buuraha ku jira u qaabilsanaa ama masuul uga ahaa dhinaca Miino dhiga.

 

Wasiirku wuxuu kaloo sheegey in maxkamad dhakhso loosoo taagay Axmed kheyr, iyadoo lagu eedeynayo Argagixisnimo iyo dilal qorshaysan oo miinooyin loogu dhigay Ciidanka Amaanka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

GAROWE, Somalia Feb 13 2012 (Garowe Online) – The Minister of Security Gen. Khalif Isse Mudan held a press conference today in which he announced that Puntland security forces caught a key figure from a terrorist cell linked Al Shabaab operating in Golis Mountains, Radio Garowe reports.

 

Gen. Mudan said that the Puntland security forces had received a tip that a group of Al Shabaab linked men were meeting in a small town in the Golis Mountains. Gen. Mudan did not specify the date the operation was conducted but said that security forces conducted the operation in the early hours. The operation didn’t go as plan, because most of the men who came to the meeting had escaped but a key official was caught, Ahmed Saeed Mohamed.

 

Khalif.jpg

 

The suspect is a man alleged to have been the explosive expert in an Al Shabaab linked terrorist cell that operated from the Golis Mountains in northern Puntland that have carried out attacks in Bossaso. Ahmed Saeed Mohamed is the brother of Mohamed Saeed Atom an arms smuggler who allegedly has links to Al Shabaab and is responsible for many attacks on Puntland security forces.

 

The Minister congratulated the security forces on their successful misson and said that the authorities are still questioning Mr. Ahmed, as his investigation is pending.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this