Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab on the London conference

Recommended Posts

SHEEKH CALI DHEERE: "Shirka London waa Shirqool ka dhan ah Muslimiinta Soomaaliya waana ka hortagaynaa"

 

Isniin, Feberaayo 13, 2012 (HOL) − Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta ka hadlayay dibadbax ka dhacay deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho ayaa shirka London ku tilmaamay shir-qool la doonayo in Soomaaliya lagu geliyo maxmiyad wuxuuna sheegay inay ka hortagayaan.

 

Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in midowga Al-Qaacida iyo Al-shabaab uu caro gelinayo gaalada iyo cadowga muslimiinta, sidoo kalena uu farxad u yahay dadka muslimiinta ah meel walba oo ay dunida ka joogaan, isagoo intaas ku daray in tani ay caddeyn u tahay inay soo dhawaatay dowladdii Islaamka.

 

"Mujaahidiinta Soomaaliya waxay raalli ka yihiin heshiiskii Al-Qaacida ay la galeen, waxayna caddeyn u tahay in khilaafadii Islaamka ay soo dhawaatay," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay kumannaan qof oo ku sugnaa fagaaraha Calamada.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in Al-shabaab ay la mid noqotay dagaalyahannada Al-Qaacida ee ku sugan dalalka Ciraaq, Yemen, Aljeeriya, Afgaanistaan iyo dalal kale oo caalamka ku yaalla.

 

"Waan ku qanacsan-nahay heshiiska aan la galnay Al-Qaacida, waxaana halkan ka caddeynaynaa inaan sii wadayno dagaallada aan kula jirno gaalada iyo cid walba oo la safan, waana ka guuleysan doonnaa Illaahay idankiis," ayuu Sheekh Cali Dheere u sheegay dadkii dibadbaxa ka qaybgalay.

 

Mar uu soo hadal qaaday shirka London ayuu ku sheegay inuu yahay Shir-qool la doonayo in Soomaalida diintooda looga fidneeyo iyaguna ay kasoo horjeedaan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u diyaar-garoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen qodobbada kasoo baxa shirkaas.

 

"Shirka Ingiriiska ka dhacaya waxaa ka qaybgalaya in ku dhow 50-dowladooda oo gaalo ah, waana mid looga tashanayo sidii muslimiinta Soomaaliyeed looga fidneyn lahaa diintooda... waan diidnay... waana ku dhimanaynaa diinteenna... shacabkuna waa inay diyaar-garoobaan," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

 

Mudaahaaraadka ka dhacay deegaanka Calamada waxaa ka qaybgalay kumannaan qof oo ay ku jiraan arday iyo ganacsato, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiil sarsare oo Al-shabaab ka tirsan.

 

Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ee dibadbaxayaas ka hadlay ayaa sheegay in sababta ay ula midoobeen Al-Qaacida ay tahay iyagoo arkay in gaaladu ay u midoobeen duulaanka Soomaaliya iyo Ciraaq, iyaguna ay go'aansadeen inay midoobaan si ay uga hortagaan.

 

Dhanka kale, waxay dibadbaxyo midkan oo kale ah ka dhaceen degmooyin ay ka mid yihiin: Afgooye, Marko, Baraawe, Shalaanbood iyo kuwo kale oo ku yaalla gobolka Shabeellada hoose.

 

Xubnihii dibadbaxyadaas ka hadlay ayaa waxay ku boorriyeen dadka degmooyinkaas ku nool inay u diyaar-garoobaan ka qaybgalka dagaallada ka socda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen kuwo lagu doonayo in lagu burburiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

We need to find someone in good standing to pursuade AS leadership to stand down and come to the table. TFG and other regional authorities should agree in principle to talk to AS and find a way out of this dangerous stalemate. Somalis have vested interest to listen to, understand, and take their concerns into account. Military solution alone won't work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi,

 

There are credible reports that after the announcement of Alshabaab's merger with Alqaida, some high ranking senior Somali clerks are desperately looking for a way to come back to Mogadishu provided they're given a face saving deal. I believe that is where the Qatari involvement will greatly help. Turkey , Qatar, and UAE are teaming up and playing the Somali game with the west quite nicely. Their aid agencies have a presence in Alshabaab territory.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;788703 wrote:
Baashi,

 

There are credible reports that after the announcement of Alshabaab's merger with Alqaida, some high ranking senior Somali clerks are desperately looking for a way to come back to Mogadishu provided they're given a face saving deal. I believe that is where the Qatari involvement will greatly help. Turkey , Qatar, and UAE are teaming up and playing the Somali game with the west quite nicely. Their aid agencies have a presence in Alshabaab territory.

if confirmed, then peace shall take course

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Xiin,

 

The trouble with these countries is they are incapable of doing the minimum -- they can not get AS big shots off the terror list. This is first order of business in these types of negotiation. The good thing is we have a precedent in this and that is ARS. Once ARS came around and said yes West promptly arranged a political solution and implemented their demands -- share in TFG and withdrawal of Ethios out of Somalia. Cuurent crop of AS leadership are no Sharif and Cadow. That's the other issue. Sharif had Cadow. Mansoor and Godane don't have Cadow -- a respectable pragmatic cleric.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this