Dr_Osman Posted February 21, 2012 ''Garowe2 waa talaabo loo qaadey dhankii saxda ahaa'' 20 Feb 20, 2012 - 6:54:46 AM France ayaa soo dhaweysey heshiiskii Garowe2 oo ay hogaamiyaasha Somalidu ku gaareen shirkii ay soo qaban-qaabisey Qaramada Midoobey ,waxana uu qayb ka ah soo dhisitaanka xukuumad iyo barlaman cusub marka uu dhamaado xiliga KMG-ku Aug2012. Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda Fransiiska Vincent Fluorine oo shir saxaafadeed uu ku qabtey maanta 20 ,Feb 2012 Paris ayaa sheegay in heshiiska cusubi yahay mid talaabo horey u qaadaya wadadii saxda ahayd,isagoona ugu yeerey masuuliyiinta Soomaaliyeed inay si dhab ah u fuliyaan qodobadii ay ku heshiiyeen. Fluorine waxa uu sheegay in France si joogta ah ula shaqeyneyso dalalka bah-wadaagta ku yihiin Beesha Caalamka sidii nabad iyo xasilooni dib loogu soo celin lahaa Somalia oo muddo 20 sanno kor u dhaafeysa nidaam daro kajirtey. Heshiiska Garowe lagu gaarey ayaa ku soo beegmey xili martiqad uu madaxda iyo dhinacyada siyaasada Somalia u fidiyey raysal wasaaraha Britain David Cameron sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka daba dheeraad ee Somalia ka taagan. Garowe2 ayaa waxa ku gaarey xarunta jaamacada PSU Garowe saxiixayaashii geedi socodka nabada Somalia,iyadoona goob joog ahaayeen wakiilo kasocda Beesha Caaalamka iyo daneyaasha Somalia ,waxana uu socdey muddo saddex maalmood ah. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted February 21, 2012 Farole Speech At Garowe II Prime Minister of Somalia Speech at Garowe II Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted February 22, 2012 Congratulations to Puntland from U.K, FRANCE, JABUTI, MOGADISHU WOMEN SOCIETY, BARI WOMEN SOCIETY, U.N, Somali Intellectuals. Does it get any better Quote Share this post Link to post Share on other sites