Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somalia Constitutional Conference Phase 2 Begins In Garowe Feburary 15 2012

Recommended Posts

Xafiiska Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saarey warsaxaafadeed la xiriira shirka ka socda magaalada Garoowe, nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka oo soo gaarey SBC ayaa u qornaa sidan.

Warsaxaafadeed

 

Shirka Garowe2 ee wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ayaa maalintii labaad si habsami leh uga soconaya xarunta Jaamacadda Puntland iyadoo saaka ay ergooyinku isu qeybiyeen saddex qeybood kuwaasoo diirada saarayay arrimaha kala ah Federaalku waxa uu yahay iyo midka ugu haboon ee ay Soomaaliya xilligan qaadan karto, Dowlad Wanaaga iyo weliba hirgelinta Axdigii Garowe (Garowe Principles), iyada oo qof kasta oo shirka ka soo qeybgalay uu ku biirayay kooxda uu doorbidayo mowduuceeda.

 

Kooxahan ayaa ka koobnaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ay matalayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo khubaro, maamulada gobolada, Guddiga Khubarada Dastuurka, Guddiga Qabyo qoraalka ee Dastuurka, Bulshada Rayidka, Khubaro madax banaan iyo weliba saraakiil ka socotay Xafiiska Siyaada ee Q/midoobay (UNPOS).

 

Kooxahani waxa ay si weyn u lafa fureen marxalada dalka iyo waxa xigi doona marka ay dhamaato mudada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa Dowlad aan kumeel gaar aheyn kuna dhisan Federaal, waxaana dooda ugu badan maanta ay dhex martay qeybta ka doodeysay Federaal ceynkee ah ayay Soomaaliya qaadan kartaa, inkastoo markii dambe ay isla meel dhigeen go’aano dhaxalgal ah kuna soo bixi doona Warmurtiyeedka ugu dambeeya ee shirka (Final Communiqué.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Guddoomiyaha Baarlamanaka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, madaxweynaha Galmudug State Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Ambassador Mahiga ayaa iyagu galabta soo kormeeray qeybaha ay isu qeybiyeen ergooyinka shirka iyo habsami u socodka doodooda, waxayna hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ergooyinka oo ay dhex martay dood wax ku ool ah oo bilow u noqon karta dowlad sal adag oo Soomaaliya ka dhalata taasoo ay ku mideysan dhamaan qeybaha Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa kula dardaarmay in fadhigan maanta ay go’aamo ka soo saaraan shacabka Soomaaliyeedna ay maqlaan shirkii Garowe2 inay ka soo baxeen go’aamo taariikhi ah isla markaana Masiiri ah.

“Waxaan idiin sheegayaa in London caawa aan laga seexan doonin, adinkana la idiinkaga baahan yahay inaad saacado dheeraad ah shaqeysaan, sababtoo ah waxaa nalaka sugayaa go’aan iyo heshiis aan gaarno, si loogu daro Agendaha shirka London ka furmi doona 23-ka bishan” ayuu ku yiri R/wasaaruhu ergada shirka isaga oo xasuusiyay in beesha caalamku ay iska dhaadhiciyeen in Soomaaliya aysan heshiin Karin balse taasi ay muuqato in laga gudbay maadaama shirkii ugu horeeyey ee Garowe Principles ay ka soo baxeen guulo la taaban karo haatana uu ka filayo in shirkan Garowe2 ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan oo wax ku ool ah.

 

Dhinaca kale, waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe wefdigii Ahlusunnah Waljamaacah oo uu hogaaminayay Mudane Prof. Xirsi Hilowle, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, Khaliif C/qaadir Macalin Nuur iyo Maxamed Yuusuf Ow-libaax oo ka mid ahaa saxiixayaashii Garowe Principles waxayna kulamo kala duwan la qaateen madaxdii ku sugneyd goobta shirka oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;790567 wrote:
king the state has matured

can't wait for August 1, 2012. I feel like this one is going to be the one that defines Puntland in the decades to come.:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;790543 wrote:
Zionist-news-channels-190x300.jpg

 

Weriyeyaal Caalami ah oo Garoowe soo gaarey

Updated:- 1 hour ago| 0 Commnets

 

Koox weriyeyaal ah oo ka socda qaar kamid ah warbaahinta Caalamiga ah ayaa galabta soo gaarey magaala-madaxda Puntland ee Garoowe.

 

Weriyeyaashan oo ka kala yimid dalalka midowga Yurub, Maraykanka, iyo qaar kamid ah wadamada Africa ayaa ka socda TV-yo, Idaacado, iyo Wargeyso Caalami ah.

 

Waxayna ujeedada ay Garoowe usoo gaareeni tahay sidii ay u tebin lahaayeen wejiga 2-aag ee shirka Garoowe oo caawa in uu soo gaba gaboobo lagu wado.

 

Weriyeyaashan oo ay tiradoodu 10 ku dhowdahay ayaa ka kala socda Fox News, BBC, CNN, iyo dhowr wargeys oo kuwa dunida loogu daalacashada badan yahay ka mid ah .

 

Dhinaca kale waxaa weli jira ismarin waa ka dhashay nidaamka Federaalka ee ay dowlada marka KMG nimada laga baxo imaan doontaa ku shaqaynayso kaasoo ay ergada Galmudug shirka uga qayb gelayaa dood adag ka keeneen.

 

Waxaana hada socda shir ay albaabdu u xiran yihiin oo ay ku jiraan gudiyada hoose ee shirku kuwaas oo ka arinsanaya sidii khilaafkaas loogu gudbi lahaa si shirku uu usoo gaba gaboobo.

 

Si kastaba ha ahaatee shirka Garoowe-2 oo ay ergooyin aad u tira badan oo madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka ka tirsani ka qayb gelayaan ayaa ah mid natiijada kasoo baxda si weyn loo wada dhowrayo.

 

Horseed Media

Garoowe

Garowe(Pi) Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa shalay ilaa maanta aad mashquul u ahaa, waxaa goor dhaweyd soo caga dhigatay koox joornaalistayaal ah oo ka socda Yurub, Maraykanka iyo Afrika kuwasoo aad u danaynaya shirka Garowe 2 iyo guud ahaan wararka Soomaaliya.

 

Waxaa ka mid ah TV/yada caanka ah ee Garowe maanta yimid CNN, BBC World news iyo Fox-news, waxaa kaloo la socda Wargaysyo caana, Wariyayaashu waxay markiiba soo gaareen hoolka shirka oo ay isla markiiba ku boobeen Qalab xirxirasho iyo diyaarinta qalabkay ku baahin lahayaeen shirka, Qaarkood waxay u dhaqaaqeen dhinaca magaalada si ay sawiro qurxoon ugasoo qaataan Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland-Somalia.

 

Saaka waxaa iyana Garowe Diyaarad khaasa keentay Koox safiiro ah oo ka socda Midowga Yurub oo ay kamid ahaayeen Sweden,Norway, Uk iyo Beljam-ka dublamaasiyiin ka socda.

 

Waxaa kaloo saaka Muqdisho ka yimid Diyaarad sidey Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo Wasiiro.

 

Diyaarada Qaramada Midoobay leedahay iyana waa soo caga dhigatay.

 

Garoonak waxaa hada ku baarkigaraysan ugu yaraan dhowr iyo toban diyaaradood, qaarkoodna marka ay wafuudu baxayso ayay imaanayaan.

 

Dhinaca shirka hadaan waxyar idiinka taabtabto, wali waa socdaa wuxuuna u muuqdaa mid la isla habaynsanayo, haduu dhamaadana maanta wuxuu dhamaanayaa saacado dambe ama bari baa la isla gaarayaa.

 

Puntlandi.com

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

King, I wont lied to you but I am still trying to figure out why does Puntland have so much power for a regional state? its unusual and I can't point my finger to it. I know under Somali democracy when people voted we actually had the most power out of all somalis. That can only come back to population reasons since majority rules in a democracy. This conferences is to return us back to that 1960 glory days and rule somalia through democracy which worked for us then no reason why it wont work for us today.

 

I mean today we are losing a fair bit under the 4.5, look at how much parliament seats we have like 12 seats under 4.5 formula. We have one or two ministries, plus the p.m or president spot. Thats it. Where-as back in the democratic era we had p.m or president spot, half the parliament, the bank, wealthiest businessman, the commander of police and still had a couple of ministries under our belt. Today we have substantially lost alot under that 4.5 miserable arrangement and these conferences will fix that and the garowe principle will pave the way for us to get back what is truly and rightfully our spot.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

General Duke;790585 wrote:
Thanks for the update.Great news from Garowe.

Garowe II is way more glamourous and bigger then Garowe I. Guest who the guests are?

1. TFG President, P.M, Parliament Speaker

2. Djibouti Ministers

3. E.U Ambassadors from U.K, Italy, Sweden

4. Galmudug President

5. Ahlul Sunnah

6. United Nation Special Representative

7. Plus Local and International Media Agencies

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Warsaxafadeed Shirka Wadatashiga ee Garowe 2

Updated:- 6 hours ago| 0 Commnets

 

Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa galay maalintiisii saddexaad iyada oo maantana ay soo gaareen madasha shirka wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyaga oo loo sameeyay munaasabada qado ah oo ay isku arkeen madaxda kale ee shirka

 

Shirka ayaa waxaa maanta diirada lagu saarayay sidii la isku waafajin lahaa talooyinka ay soo jeediyeen qeybihii saddexda ahaa ee shalay ergooyinka loo qeybiyay, waxaana illaa iyo haatan soconaya wadatashiyada iyo sidii loo qaadan lahaa hal fikrad ama heykal dowladeed taasoo ay noqon doonto sharciga iyo qaanuunka hagi doona dowladda soo socota kadib dhamaadka xilliga kumeel gaarka ah ee dowladda haatan jirta.

 

Gabagabada shirka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijo wanaagsan halkaasoo ay wakiilada iyo madaxda dhinacyada Soomaaliduna soo saari doonaan Final Communiqué, waxayna wada saxiixi doonaan Axdiga Garowe Principles 2.

 

Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya

 

IMG_1405.jpg

IMG_1406.jpg

IMG_1402.jpg

IMG_1404.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;790584 wrote:
King, I wont lied to you but I am still trying to figure out why does Puntland have so much power for a regional state? its unusual and I can't point my finger to it. I know under Somali democracy when people voted we actually had the most power out of all somalis. That can only come back to population reasons since majority rules in a democracy. This conferences is to return us back to that 1960 glory days and rule somalia through democracy which worked for us then no reason why it wont work for us today.

 

I mean today we are losing a fair bit under the 4.5, look at how much parliament seats we have like 12 seats under 4.5 formula. We have one or two ministries, plus the p.m or president spot. Thats it. Where-as back in the democratic era we had p.m or president spot, half the parliament, the bank, wealthiest businessman, the commander of police and still had a couple of ministries under our belt. Today we have substantially lost alot under that 4.5 miserable arrangement and these conferences will fix that and the garowe principle will pave the way for us to get back what is truly and rightfully our spot.

history coming back in full circle. Hopefully, this time around, we will invest, build, and advance our region. Wardheer, Mudug, Nugaal, Karkar, and Bari here we come.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

A red carpet is traditionally used to mark the route taken by heads of state on
ceremonial and formal occasions
, and has in recent decades been extended to use by VIPs and celebrities at formal events.

Silanyo gets red carpet everytime he leaves in and out of hargeisa, thats not formal occasion. The red carpet is used by responsible states to mark ceremonial and formal occasions. Like the Garowe Conference, or When a head of state visits. You hargeisa boys have alot to learn about politics, egal didnt learn much from his teacher sharmarke did he!!! No wonder your policies have failed for so long, you dont undersatnd the fine art of politics but you wish you did but you never were taught the secrets by sharmarke and still linger on

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this