Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somalia Constitutional Conference Phase 2 Begins In Garowe Feburary 15 2012

Recommended Posts

General Duke;791015 wrote:
You mean and order, that forced you to change your very laws of secession..lol

If you say so dukey: we both know Somaliland will never go back on Independence even if we have to wage another war into the very heart of your little village. hahaha :D

 

so keep dreaming, it seems you and your people have perfected the art of day dreaming. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Hermet;791016 wrote:
If you say so dukey: we both know Somaliland will never go back on Independence even if we have to wage another war into the very heart of your little village. hahaha
:D

 

so keep dreaming, it seems you and your people have perfected the art of day dreaming.
:D

It seems that you are again fooling yourself. I am not bothered right now. Since the Somalia meeting you are just a mere province..

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;791017 wrote:
It seems that you are again fooling yourself. I am not bothered right now. Since the Somalia meeting you are just a mere province..

if you say so little dukey...;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;791019 wrote:
^^^I say so adeer, and I am smiling cause the Unionist cause is victorious..

If your unionist ideology is sincere unite Galkacyo a city divided by a green line separated between three authorities and clans, but if i am correct and your claim of unionism is bullsh**t keep preaching but we both know you and your people dont care about unity, you hide behind the claim of unity for two reason one in a hopeless attempt to stop Somaliland from becoming what God intended that it be the superpower of this region. :D and secondly because your little desert villages are uninhabitable and you dream of Mugdisho. Even Faroole said today. I want to live in Mugdisho hahaah..but the reality is you cant stop Somaliland neither will you be ever allowed back into Mugdisho in peace as a people. :D

 

Life is sweeeeeeet..:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

"neither will you be ever allowed back into Mugdisho in peace as a people" .... What people you talking about??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

The Galmuruq Strut in Garowe

Madaxwayne-Caalim-oo-kaligiis-dhexmaraya

 

Madaxweyne Caalin oo Furka ku Tuuray “Shirkii Garowe 2″ Iyo Hadalo Kulul oo Qaarkood Sir ahaa oo uu Ka Sharqamiyey (Dhageyso)

Comments (21) | Write Comment

 

Garowe (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo furitaankii shirka “Garowe 2″ galabta khudbad ka jeediyey ayaa ka dhawaajiyey in go’aanadii wareegii hore ee shirka Garowe ka soo baxay lagu xadgudbay ka dib markii sida uu sheegay la sameeyey guddiyo uusan maamulkiisa wax war ah ka geyn.

 

Caalin wuxuu sheegay in DFKMG ah ay sameysatay guddiga khubarada ee dastuurka iyadoo taasi oo kaliya aysan ahayn waxyaabaha muujinaya sida loogu xadgudbay heshiiskii Garowe, isagoo sheegay in had iyo jeer madaxda Soomaalida aysan ka dhabeyn waxa ay saxiixaan.

 

“Sidii wax loogu heshiiyey uma socdaan taasna waxaa u daliil ah sameynta guddiyo aan wax wadatashi ah laga sameyn, taas kaliya amaahee arimo kalana waa jiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

 

“Markii shirkii ugu horeeyey Xamar lagu qabtay waxaan lahaa waxa aad sheegeysaan iyo waxa uurka ku jira ha is waafaqeen, waa markaan lahaa ALLOW YAA UURKA JEEXA !!!” ayuu sii raaciyey Caalin oo si weyn u xanaaqsanaa.

 

LABADA SHARIIF MID HALA TUURO

Madaxweyne Caalin ayaa markii uu khudbadiisa bilaabay isku khalday magaca SHARIIF XASAN oo madasha fadhiyey iyo madaxweyne Shariif, markii ay dadkii kale damceen inay saxaana wuxuu si bareer ah u yiri “Anigu mar horaan sheegay labada Shariif hadaan midkood la tuurin magacyadoodaa la isku khaldayaa”.

 

Isla bilawgii hadalkiisa wuxuu Caalin u mahadceliyey marti sharafta iyo ka qeybgalayaasha shirka Garowe 2, wuxuuna ka dib sheegay inuu u mahadcelinayo HAWEENKA GAROWE maadaama iyaga kaliya ay soo dhoweeyeen, siduu sheegay.

 

YAXAASKII DADKA LAQAY!

 

Madaxweyne Caalin wuxuu markale ku laba kacleeyey ergada shirka oo uu sheegay inaysanmeteli karin Soomaali oo dhan balse ay jiraan dad kale oo meesha ka maqan loona baahan yahay in la keeno, haddii daacad laga yahay raadinta xalka ummada Soomaaliyeed.

 

“Hadda tusaale ahaan marka aansoo qaato, halkan yaa BUUXA. [waa] DKMG ah ama baarlamaan ha noqoto ama maamul ha noqoto, marka yaxaaskii dadka laqay miyaad noqoneysaan, AAWAY dadkii kale? maamuladii kale aaway”ayuu ergadii shirka weydiiyey madaxweyne Caalin.

 

XUKUN DAAKHILIGA SOOMAALIYA

 

Madaxweyne Caalin wuxuu markale shaaca ka qaaday arin sir ahayd ka dib markii uu ka digay in Soomaaliya tobanka sano ee soo socota ay geli doonto XUKUN DAAKHILI ah maadaamaay iyadu isku sameysay caddaalad daro.

 

“Haddaan laga digtoonaan caddaalad darada iyo ururada la dhisayo tobanka sano ee soo socota Soomaaliya waxay geli doontaa xukun daakhili ah. Waan ku qasbanaan doonaa ogaada!” ayuu yiri madaxweyne Caalin.

 

Madaxweynaha Galmudug wuxuu eedeyn kala dul dhacay DKMG ah oo uu sheegay inay keligeed qaadato deeqaha uga yimaada beesha caalamka ee ay ku hesho magaca Soomaaliya, isagoo xusay in caalamka uu dhaqaale badan ku bixiyo amaanka, Galmudugna dhowaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah.

 

Shirkado ajnabi ah oo hub soo geliya dalka

 

Maxamed Axmed Caalin, isagoo weli hadalkiisa kululaa ee xanaaqa ahaa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay jiraan shirkado ajnabi ah oo hubka keena Soomaaliya kuwaasoo qabiilada qaarkood siiya halka qaar ka mid ah hubkaasina uu ka shakisan yahay in loo gudbiyo kooxo “argagixiso ah”.

 

FEDERAALKA

 

Caalin wuu sii waday oo wuxuu markan weerar afka ah ku qaaday NIDAAMKA FEDERAALKA isagoo yiri “Federaal ma ahan wax Soomaali taqaano, waxaana loo baahan yahay in laga fiirsado talaabooyinka aan qaadeyno iyo cawaaqibka ka dhalan kara”.

 

Wuxuu ka digay in dhibaato horleh la abuuri doono iyadoo la raadinayo in wax la xaliyo taasina ay noqon doonto nasiib daro weyn oo ummada ku dhacda.

 

Wuxuu intaa sii raaciyey in markii dadka qaar maqleen in Soomaaliya ay qaadaneyso nidaamka federaalka ay bilaabeen sameynta maamulo cusub taasoo dhalisay in hal magaalo saddex maamul yeesho, siduu yiri Caalin.

 

FIKRADO GAAR AH OO LA ISKU QASBAYO

 

Caalin wuxuu sheegay in shirka Garowe uu xambaarsan yahay “fikrado dad gaar ah aaminsan yihiin la doonayo in si jujuub ah la isugu shubo” siduu yiri.

 

Wuxuu intaa sii raaciyey in dalka badankiis uu gacanta ugu jiro Al-Shabaab oo wax soo haray ay yihiin wax yar isla markaana siyaasiyiin ujeedo badan ahi isku heystaan

 

Rbc Radio

 

Audio

http://www.raxanreeb.com/2012/02/madaxweyne-caalin-oo-furka-ku-tuuray-shirkii-garowe-2-iyo-hadalo-kulul-oo-qaarkood-sir-ahaa-oo-uu-ka-sharqamiyey/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle: Heshiiska Garowe Wuxuu Horseedayaa Dagaal Sokeeye oo Hor Leh (SAWIRO)

Comments (0) | Write Comment

 

Muqdisho (RBC) Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay in heshiiska Garowe uu ka yimid shir “xaaraan ah” sida uu yiri uuna horseedayo dagaal sokeeye oo markale Soomaaliya ka dhaca.

 

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dadkii ku shiray magaalada Garowe aysan keligood go’aan ka gaari karin talada dalka Soomaaliya iyo dastuur u sameynta, isagoo sheegay in haddii sidaasi lagu sii socdo ay sababi karto dhibaato hor leh.

 

“Dadka ku shiray Garowe, ma waxay ahaayeen wakiilo Soomaalidoo dhan metela, waayo Soomaali ama waa gobolo ama waa qqabiilo marka yay ahaayeen dadka Garowe ku shiray” ayuu isweydiiyey Salaad.

 

Wuxuu sheegay in lixda saxiixayaasha heshiiska Garowe ay marooqsadeen talo ka dhexeysa in ka badan 10 milyan oo Soomaali ah.

 

“Haddii waxa ka soo baxay Garowe la isku dayo in la meelmariyo waxay horseedi doontaa dagaal sokeeye oo markale Soomaaliya ka dhaca, taasna waan ka digeynaa” ayuu yiri xildhibaanka.

 

 

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle

 

Dhanka kale, wuxuu xildhibaan Salaad Cali Jeelle sheegay in dalku uu leeyahay baarlamaan KMG ah, haddii la sameynayo dastuurna ay tahay in baarlamaanku ansixiyo kalsoonina la weydiisto shacabka Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle

 

“Dastuur waxaa loo sameynayaa waa Soomaali oo dhan, marka haddii dastuur federaal ah la yeelanayo waa in Axdiga hadda jira saldhig u noqdaa, waana in shacabka Soomaaliyeed la weydiistaa kalsoonida” ayuu sii raaciyey xildhibaanka oo aad u dhaliilay golaha loogu magac daray “Golaha Daastuuriga” ee lagu go’aamiyey shirka Garowe.

 

War saxaafadeed uu shalay soo saaray Madoobe Nuunow Maxamed oo mudanayaasha baarlamaanka u doorteen afhayeenka cusub ee baarlamaanka, wuxuu sharci daro ku tilmaamay qodobada heshiiska Garowe iyo shirarkii ka horeeyey.

 

Mudanayaasha baarlamaanka ee raacsan Madoobe Nuunow ayaa diidan heshiiska Garowe, halka garabka taageersan Shariif Xasan ay qeyb ka yihiin heshiiska.

 

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle

jeelle1.jpg

jeelle2.jpg

jeelle3.jpg

 

This is the same guy who was haing fist fight in parliament just in december last year

scaled.php?server=32&filename=baarlamaan

 

You and Rudy we wont be listening to a BAR OF YOUR HATRED

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maraykanka. (Allpuntland)-Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee waxka dhiga qaarkamid ah jaamacadaha dalka Maraykanka ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey qaybtii labaad ee shirkii Tastuurka Qaranka Soomaaliya oo Labo cisho ka hor kusoo gabagaboobey magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland kaasoo uu sheegey inuu ahaa shir muhiim ah oo loo baahnaa islamarkaasna dhacay waqti muhiim ah, Isagoona codsaday in hirgelinta shirkaas loo wada istaago lagana wada shaqeeyo baraarujinta Ummada Soomaaliyeed si looga boxo xaalada adag ee uu dalku ku jiray mudada dheer.

 

Aqoonyahanka Soomaaliyeed Wuxuu sheegey in shirkaas oo ay reer Puntland martigeliyeen uu si toos ah uga turjumaya himilada Soomaali doonka ah ee ku duugan maskaxda shacabka reer Puntland taasoo uu sheegey in ay tahay Soomaaliya meesha kaliya ee ay dawlad rasmi ah ka jirto islamarkaasna ay dadka Puntland dega kuweyntahay Soomaalinimo Jacaylka iyagoon wax dan gaar ah ku wadan Dadka kale balse un ka danqanaya mushkilada Soomaaliya ka jirta.

 

“Shirkani wuxuu ahaa guul Waayo in dalka gudihiisa lagu shiro oo weliba lasoo saaro go’aamo baa waxay tahay arin aad u weyn oo aan marna la heli karin, Runtii Waxaan rabaa inaan hawada Salaan u mariyo Shacabka Soomaaliyeed weliba kuwa reer Puntland, Dadkaasu waa dad qaali ah oo la’aantood ma qabsoomeen shirarkaan iyo kuwo kale, Waa deegaanka kaliya ee xasiloon hadana si caafimaad qabta u raadinaya Soomaalinimo iyadoon madaxdeedu dan gaar ah raadinayn taasna maahan wax la heli karo”Ayuu yiri Prof.Samatar oo dhanka kalena sheegey in Bartamaha sanadkan isaga iyo aqoonyahano kale iyo Siyaasiyiin aad u badani ay u qorshaysantahay inay booqdaan deegaanada Puntland lana kulmaan bulshada iyo madaxda Puntlad.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland, Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ban Ki Moon oo soo dhaweeyey shirkii Garowe

20 Feb 20, 2012 - 12:35:22 AM

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa madaxda Somalida ugu baaqey in si dhakhso ah u guda galaan gudlinta qodobadii lagu heshiiyey shirkii dastuurka Somalia.

 

Madaxweynaha DKM Somalia ,raysal wasaaraha ,gudoomiyaha barlamanka ,madaxweynaha Puntland ,kan Galmudug , hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa sabtidii ay nu soo dhafney magaalada Garowe ku saxiixey heshiiska Garowe2 oo ay qaban qaabisey Qaramada Midoobey.

 

‘’Xogahayaha guud waxa uu amaan iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dhinacyadii saxiixey Qorshe Hawleedka (Road Map) oo muujiyey midowg iyo balanqaad’’ ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobey.

 

Waxa sii gaar ah u soo dhaweeyey xoghayaha guud tirada haweenka laga siiyey kuraasta barlamanka lasoo dhisayo oo ah 30% sida lagu sheegay bayaanka.

 

‘’Xogahayaha guud waxa uu filayaa in sida ugu dhakhso badan loo fuliyo balanqaadyadii la galay ,Qaramada Midoobeyna waxay diyaar u tahay inay taageerto oo bixiso dhaqaalihii lagu fulin lahaa’’ ayaa la raaciyey.

 

Beesha caalamka ayaa la sheegay inay haatan dhawreyso sidii loo fulin lahaa heshiisyadan islamarkaasina ay taageereyso ,waxana sidoo kale ka mid ah midka ka dhacaya London maalinka Khamiista soo socota.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

BOOSAASO: Madaxa Ururka haweenka Gobolka Bari oo soo dhoweeysay Shirkii Garoowe2

February 19, 2012 1:19 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Boosaaso: (pp)- Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan (Guduudo) oo ka hadashay shirkii lagu soo gunaanaaday Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa sheegtay inay si ballaaran ay u soo dhoweynayaan g’aanadii ka soo baxay Shirkii Garoowe2, waxayna dhanka kale xustay in dumarka soomaaliyeed uu shirkaasi u ahaa guul aad u weyn.

 

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan (Guduudo)

Maryan-guduudo-300x156.jpg

 

Guddoomiyaha ayaa intaas ku dartay in shirkii ku soo idlaaday Garoowe in go’aanadii ka soo baxay ay ku jirtay in 30% xubnaha baarlamaanka soomaaliya ay ku yeeshaan Dumarku, arrinkaas oo ay ku sheegtay guul ah u soo hoyatay dumarka soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan (Guduudo) ayaa waxay kale oo dhaliishay Wasaarada Haweenka iyo Qoyska oo ay sheegtay beryihii u danbeeyey inuu ku dhex jiray khilaaf , khilaafkaas oo ay ku sheegtay mid aan weynayn , iyadoo ku dhaliishay Wasaarada haweenka habacsanaan iyo waxqabasho la’aan.

 

Marwo Caasho Geelle oo Wasaaradaas maamusha ayey ku sheegtay Qof aad u wanaagsan oo howl kar ah , wax Ceeb ah-na lahayn , laakiin ay jirto Cabasho ah ku aadan wax qabasho la’aan ka jirta Arrimaha ku aadan Dumarka gobolka Bari.

 

” Waxaan Cabasho uu ku aadan waxqabad la’aanta gobolka u gudbinay Wasaarada Haweenka , welina kama aanu helin wax Jawaab ah” ayey tiri Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Bari.

 

Maryan ayaa hadalkeeda ku gunaanuday, haddii ay howl ay timaado waa la is dhaliilayaa , cabashadooduna ay la xiriirto oo kaliya shaqooyinka laga qabanyo gobolka bari iyo siddii loo hormarin lahaa.

 

Daabacadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe:”Reer Puntland Waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee Walaalntimo noo muujiyey, Waligayana ma ilaawi doono Taageeridii ay nasiiyeen markii aanu Dagaalka ku jirnay, Waxaana Waajib ah inaanu Abaalkaas gudno”Wasiir katirsan dawlada Jabuuti.

 

18. february 2012

 

GarooweAllpuntland)-Wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Jabuuti Dr.Xaamud Cabdi Suldaan oo Maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada garoowe ee caasimada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Xiriirka Qotoda dheer ee u dhexeeya shacabka reer Puntland iyo kan Jabuuti isagoona sheegey inuu Puntland u yimid arimo muhiim ah oo kasokow inuu u yimid inuu ka qaybgalo shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya uu sidoo kalena u yimid inuu Reer Puntland soo gaarsiiyo fariin amaan ah iyo mahadcelin uu u waday shacabka reer Puntland uuna uga soo qaaday shacabka Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Isagoo xalay ka hadlay gabagabada shirka wadatashiga Tastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya qaybtiisii Labaad ayaa uu Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti Ayaa Sheegey inuu ka mahadcelinayo Taageeradii ay reer Puntland dhowrsano ka hor siiyeen ciidamada difaaca ee Jabuuti markii ay dagaalka kula jireen dalka Eretria oo weerar ku qaaday dalka Jabuuti, Wuxuuna sheegey in reer Puntland ay ahayaeen dadkii ugu horeeyey ee taageera Jabuuti Waqtigaas taasoo uu sheegey in imika la gaaray Waqtigii ay Jabuuti ka abaal gudi lahayd Taageeradii loo galay.

 

“Reer Puntland Waxay weligood caan ku ahaayeen inay hormuudyihiin… Waxaan xasuustaa markii ay nagu soo gardarootay dawlada aanu deriska nahay (Eretria) in Dawlada Puntland iyo Shacabkooduba ay nasoo gaarsiiyeen taageeradii ugu horaysay Taasoo ahayd inay Xoolo nool gaarsiiyeen ciidamada difaaca kujira… Bal adiguba qiyaas inta uu farxi karo Askariga dagaalka kujira ee la siiyey Hilib uu cuno, Qiyaas farxada ay waridkiis iyo shacabka uu difaaca ugu jirana farxi karaan!, Oday hadii uu safar dheer galo oo uu reerkiisa kusoo laabto Labada wiil ee uu dhalay Haduu midna u bireeyo Ri’ dhaylo ah oo uu cano Midna uu degdeg ugu keeno Ciir uu Dhamo (Cabo) marka uu Ciirtaas cabana uu seexdo wuxuu yiraahdaa DUCADII CIIRLAA QAATAY, Hada reer Puntland ayaa qaatay Ducadayadii Waqtigaas mana ilaawi doono… Sidaas darteed halkaan (Puntland) Waxyaabaha aan ugu imid marka lagu daro Dadaalada dheeriga ah Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shacabka reer Puntland oo aan ogahay inay yihiin Kuwo caan ku ah inay tashtaan sidii horay uga dhacday Mararkii la’isku khilaafay madaxtinimada Puntland oo Aabayaasha reer Puntland ay go’aamo gaareen si fududna loo fuliyey, Waxaan amaanayaa waxyaabaha laga qiroon karo oo Puntland ka socda, Waxaan cadaynayaa in Jabuuti ay ku waajibtay inay ka abaalgudo taageeradii reer Puntland ay siiyeen hadana diyaar baanu u nahay”Ayuu yiri Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti oo markii uu hadlayey Boqolaal ruux oo shirka joogay Ay u sacabo tumayeen isagoona ku celceliyey inay ku faraxsanyiyiin Dadaalka ay reer Puntland ugu jiraan Hormarkooda iyo inay Soomaali isku keenaan taasoo uu ku tilmaamay mid aysan jirin cid lamid ah oo geeska Afrika Joogta.

 

Cabdiqani Xayir

Cqxayir@hotmail.com

Allpuntland Team

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this