Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somalia Constitutional Conference Phase 2 Begins In Garowe Feburary 15 2012

Recommended Posts

Dr_Osman   

Shirwaynaha 2-aad ee Dastuurka oo 15-ka February lagu qabaneyo Garowe

 

Mon, 13 Feb 2012 07:10:01 -0500 am -05:00 -18000

 

Garowe, February, 12 - Dawladda Puntland ayaa 15-ka bishaan February u cillaamisay in Garowe lagu qabanayo shirwaynaha heerka qaran ee Dastuurka, kaasi oo loogu magac-daray Garowe 2.

 

Wasiiru-dawlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland Dr C/xassan Jimcaale oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa si qeexan arrintaasi uga waramay, waxaana uu sheegay in shirkaan lagu qabanayo Garowe uu dabo-socdo shirkii hore ee ku saabsanaa Dastuurka kaasi oo Garowe lagu qabtay 21-kii illaa 24kii bishii December dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2011.

 

Wasiirk ayaa ku tilmaamay ajandayaasha looga hadli-doono shirka Garowe inay ka mid-yihiin nooca nidaamka federaaliisimka ee la qaadanayo, sidii xukunka dawladda federaalka loo baahin-lahaa, sidii loo dhisi-lahaa hay’adaha dawladda federaalka ee Soomaaliya, iyo tirada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wasiiru-dawlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka dawladda Puntland Dr C/xassan Jimcaale ayaa sheegay in shirkaan loogu magac-daray Garowe 2 ay kasoo qayb-qaadan doonaan madaxda dawladda dhexe, baarlamaanka dawladda dhexe, Ahlusuna, iyo Gal-mudug, waxaana imaan-doona beesha caalamka oo ay ka socdaan UNPOS, UNKA, iyo madaxda dawlado danneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

some very interesting agenda items on the table at garowe-2. Which type of federalism will Somalia take? can we seriously tolerate xafads becoming government?. How are we going to rebuild the federal institutions in Mogadishu and the number of seats to be allocated in the upper house of the federal parliament. All of this will be answered at GAROWE 2. see ya there boys

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe has no say in what kind of future Somalia is heading towards they are just a small province of Somalia two and a half regions the London conference will clear lots of things regarding the future of Somalia post august 2012.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Diyaarinta shirka Dastuurka Garowe oo socota

 

14 Feb 14, 2012 - 12:58:15 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxa lagu wadaa inuu ka furmo maalinka beri ah wajiga labaad ee shirka wadatashiga dastuurka Somalia ee heer qaran (Somali National Constitution conference).

 

Horey ayaa shalay waxa soo gaarey garoonka Garowe wafdi kasocda maamulka Galmudug oo uu horkacayo madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ,waxana soo dhaweeyey madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

 

Maantana waxa la filayaa inay Garowe yimaadaan wufuud kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo barlamanka DF Somalia ,Ahlusunna ,xafiiska Qaramada Midoobey siyaasada u qaabilsan Somalia UNPOS iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casumey.

 

Guud ahaa caasimada Garowe ayaa laga dareemayaa qaban-qaabada shirka ,iyadoona ciidamada amaanka Puntland si weyn uga hawlgalayaan magaalada si ay amaanku iyo nabadgelyada u sugaaan.

 

Dhanka kale madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa saaka ku booqdey wafdiga Galmudug hotelka Ruqsan Square oo ay deganyihiin.waxana labada dhinc iska wareesteen xaalada dalka iyo iskaashiga amaanka ee ka dhaxeeya labadooda.

 

Madaxweyne kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan ,taliyaha ciiamada daraawishta gen.Siciid Maxamed Xirsi ayaa ku weheliyey Dr.Farole booqashadan iyo shirka ay la galeen madaxda iyo maamulka Galmudug.

 

Garowe Online ka filo wararkeena soo socda faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan wufuuda Garowe imanaya ,sawirada soo dhawaynta iyo khudbadda ay jeediyaan oo dhamaystiran haddi Eebe idmo.

 

Halkan ka daawo sawirada kulanka dhexmarey Puntland iyo Galmudug

 

Galmudug1.jpg

Puntland_i.jpg

Galmudug.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ammaanka Garoowe oo aad loo adkeeyey iyo wufuud badan oo soo gaarey

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaala-madaxda Puntland ee Garowe oo uu beri ka furmi doono wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga.

 

Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in amaanka magaalada Garoowe uu yahay mid la isku halayn karo islamarkaana ay laamaha amaanku heegan sare ku jiraan.

 

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Nugaal Faarax Warsame oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Booliska gobolka Nugaal oo ah kuwo aqoon iyo waaya aragnimo dheer u leh sugidda ammaanku ay dadaalkoodii sii laba jibaareen.

 

Dhinaca kale waxaa magaalada Garoowe kusoo qul qulaya wufuud ka socota dhinacyada shirkaas ka qayb geli doona oo shalay ilaa maanta kasoo degaya garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

 

Wefdi ka socda dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo uu qayb ka yahay ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaana lafilayaa in saacadaha soo fool leh ay magaalada Garoowe soo gaaraan.

 

Qaban qaabada shirka Garoowe-2 oo beri furmi doona ayaa laga dareemayaa guud ahaan magaalada Garoowe, wuxuuna wejigii 1-aad ee shirkaasi Garoowe ka dhacay dhamaadka bishii Dec ee sanadkii tegey ee 2011.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ajandaha shirka Dastuurka Garowe

 

14 Feb 14, 2012 - 1:18:26 AM

 

Wasiiru dowladda dastuurka ,dimoqraadiyeynta iyo arrimaha federaalka Dr.Cabdi Xasan Jimcaale ayaa Radio Garowe uga waramay ajandaha shirka dastuurka Somalia ee heer qaran oo beri ka furmi doona Garowe.

 

Shirkan oo qaybtiisi horey Garowe uga dhacey dhamaadkii 2011 ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah 15-18 Feb 2012.

 

Halkan ka dhageyso waraysiga Dr.Cabdi Jimcaale Radio Garowe la yeeshey

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ajandaha_shirka_Dastuurka_Garowe.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe: Shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya

Updated:- 7 mins ago| 0 Commnets

 

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa ka socda diyaar garowgii ugu danbeeyey ee qabsoomidda shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya.

 

Inta badan wufuudii shirkaas ka qeyb geli lahayd ayaa magaalada Garoowe soo gaarey, waxaase jira qaar kamid ah ergooyinka oo weli la sugayo

 

Dhinaca kale ammaanka magaalada Garoowe ayaa maanta si aad ah loo adkeeyey gaar ahaan agagaarka jaamacadda PSU oo hoolkeeda uu maanta shirku ka furmayo.

 

Weriyaha Horseed Media ee Garoowe oo isagu xiligan ku sugan meel u dhow goobta uu shirku ka dhacayo oo aan khadka Telefoonka kula xiriinay ayaa kusoo waramaya in qaban qaabo xoog lihi ay socoto inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga uu shirku bilaabmi doono.

 

Shirkan ayaa daba socda kii dhamaadkii sanadkii tegey isla xarunta Puntland ee Garoowe ka dhacay, waxaana ka qeyb gelaya ergooyinkii joogey kii hore oo kala metelaya DKG, Puntland, Gal-mudug, iyo Ahlu-Sunna.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu gorfeynayo inta uu shirkani socdana waxaa kamid ah dib u eegista Dastuurka qabyada ah iyo meel marinta habka maamul ee ay ku shaqeyn doonto dowlada cusub ee marka marxaladda KMG ah laga baxo imaan doonta.

 

Horseed Media waxay bahweynta ku taxan u balan qaadaysaa soo gudbinta sawirada iyo weliba khudbadaha ay mas’uuliyiinta kala duwani ka jeediyaan furitaanka shirka.

 

 

Horseed Media

 

Gaas-Garoowe-640x465.jpg

Gaas-Garoowe-1-640x400.jpg

Gaas-Garoowe-2.jpg

Gaas-Garoowe-4-640x356.jpg

Gaas-Garoowe-5-640x371.jpg

Gaas-Garoowe-6-640x358.jpg

Gaas-Garoowe-8-640x367.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wafdi Jabouti oo yimid Garowe & Shirka oo furmaya maanta

15 Feb 15, 2012 - 1:37:16 AM

 

Hoolka shirarka Jaamacada PSU Garowe ayaa la filayaa in saacadaha soo socoda uu ka furmo wajiga labaad ee wadatashiga dastuurka Somalia,iyadoona haatan ay ku suganyihiin goobtaasi wufuudi kala duwanayd ee shirka ka qaybgalaya.

 

Horey ayaa shalay waxa u yimid Garowe wasiirka koowaad ee DF Somalia Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo wafdiga Galmudug uu hogaaminayo madaxweyne Caalin.

 

Maanta 15,Feb ,2012 ayaa laga sugayaa Garowe inuu soo gaaro wafdi kasocda baarlamaanka DF Somali uu horkacayo gudoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo weliba ergayga Qaramada Midoobey Somalia Dr.Augstine Mahiga.

 

Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa garoonka diyaaradaha saaka ku soo dhaweeyey wafdi heer sare ah oo kasocda Dowladda Jabouti kaasi oo uu horkacayey wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Xaamud Cabdi Suldaan.

 

Waxa ku weheliyey socdaalka wasiirka agaasimaha guud ee madaxoyada Jabouti Ismaaciil Xuseen Taani iyo taliyaha amaanka Jabouti Xasan Siciid Kheyre iyo u qaybsanaha Puntland ee Jabouti Cali Cabdi Awaare.

 

Ka dib salaam sharaf ay ka qaateen cutubyo katisan daraawiishta Puntland iyo ciidamada bambeyda ayaa loo galbiyey dhanka aqalka martida ee loogu talo galay wafdigan Jabouti ka socde,waxana Dr.Farole uu u sheegay inay farxad u tahay imaatinkooda iyo weliba ka qaybgalka shirka dastuurka Somalia.

 

Faahfaahino dheeraad ah ka filo Garowe Online wararkeena xiga.

 

GAROWE ONLINE

 

1_20.jpg

2_17.jpg

3_18.jpg

4_16.jpg

5_17.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Carafaat I intentionally left out the airport entrance of galmudug so it doesnt provoke insults and showed farole sitting with them at rugsan square

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Shirkii Dasuurka Soomaalia oo si rasmi ah Garowe uga furmey (Sawiro + Cod)

Updated:- 1 hour ago| 1 Commnets

 

 

 

Shirkii Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga fumey xarunta Jaamacadda Puntland ee magaalada Garowe. Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Dawladda Federaalka Soomaaliya, Galmudug, Ahlu-Sunnah iyo Puntland oo marti loo ahaa, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socda ururada rayidka ah, Odoyaasha dhaqanka, haweenka iyo culimada Soomaaliyeed.

 

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana fududeynayey xubno ka socda beesha Caalamka

 

Shirkan ayaa lagu qeexaya dastuurka uu yeelan doonto dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa dhabbo cad loogu jeexaya nidaamka Federaal ee Soomaaliya noqon doonto. Shirkan ayaa ah mid daba socda shirkii hore ee lagu qabtey magaalafda Garowe kaas oo loogu magacdaray Garowe Principles, waxaana uu dhamaystir u yahay qaybtii qabyada ka ahayd Road Map-ka ee dastuurka iyo Federaalka.

 

Maxamed Siciid Yusuf

Wakiilka Horseed Media

Garowe, Puntland, Somaliya

 

 

Dhegayso Khudbadihii lMadaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Afhayeenka Baarlamaanka DFKG SHariif Xassan Shiikh Adam,

Raysalwasaaraha Soomaaliya Prof.Cabdiweli Cali Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Col.Caalin

http://horseedmedia.net/2012/02/16/shirkii-dasuurka-soomaalia-ii-si-rasmi-ah-garowe-uga-furmey-sawiro-cod/

 

DSCN3668.jpg

DSCN3702.jpg

DSCN3704.jpg

DSCN3705.jpg

DSCN3715.jpg

DSCN3689.jpg

DSCN3647.jpg

DSCN3677.jpg

DSCN3675.jpg

DSCN3680.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

WAR HADDA SOO DHACAY: Shirkii Garoowe Oo Lagu Kala Kacay

Comments (1) | Write Comment

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka

 

Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Garoowe (RBC) Sida ay u sheegeen Shabakadda RBC Radio illo ku sugan Xarunta Jaamacada PSU, oo uu ka socdo shirka Garoowe 2- ee looga hadlaayo arrimaha dastuurka waxa lagu kala kacay shirka ka dib markii ergada ka socotay maamulka Galmudug ay ka baxeen shirka.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay wehliyaan taliyihii horre ciidamada Booliska iyo afhayeenka baarlamaanka Galmudug iyo ergo kale oo ka socday dhinaca maamulka Galmudug ayaa iskaga baxay shirka. ka dib markii shirka lagu soo hadal qaaday in wax loo qeyb sado qaab qabiil.

 

Qaar ka mid ah ergada shirka ayaa soo jeediyay in wax lagu qeybsado si qabiil ah, laakin hadalkaas waxa ka soo horjeestay madaxweyne Caalin oo sheegay haddii sidaas ay tahay in shirka laga soo qeyb galiyo dhamaan qabiilada Soomaalida sida, ******, *******, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad.

 

Markii uu murankaas socda ayaa waxa goobta iskaga baxay ergada Maamulka Galmudug kuwaas oo aaday Hotelka ay dagan yihiin.waxana sidaas ku is-taagay shirka oo lagu kala dareeray.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Faroole oo istaagay ayaa sheegay in uu shirka sii socon doono, iyadoona loo yeeri doono ergada Jaamacada Carabta laakin warkiisa waxba kama badalin istaaga shirka uu ku yimid.

 

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ergada Galmudug uu Hoteelka ay dagan yihiin ugu tagay Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaa oo hadda ka dhaadhinaca madaxweyne Caalin iyo Ergadiisa in ay dib ugu soo laabtaan madasha shirka.

 

Si kastaba, Madaxweyne Caalin furitaankii shirka waxa uu shaley ka sheegay in maamulkiisa wax dhaqaale ah uusan ka gaarin deeqaha beesha caalamka ay ku daldalaan Dowladda Fadaraalka KMG ah iyo maamulada kale sida Puntland, hadalkaas waxa uu muujinayaa sida uu suluugsan yahay Madaxweyne Caaalin iyo maamulkiisa qorshaha hadda socda.

 

Wixii ku soo kordha warkan iyo shirka Garoowe oo istaagay, waxa aad kala socon doontan markasta haddii alle idmo Raxanreeb.com

 

RBC Radio

————————-

Xafiiska Wararka Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this