Sign in to follow this  
Dr_Osman

Shabab Bomb Maker Axmed Atam Arrested In Golis Mountains By Puntland Security Forces

Recommended Posts

Dr_Osman   

Sarkaalkii Miinooyinka u qaabilsanaa Al-shabaabka buuraleyda Golis oo gacanta lagu soo dhigay

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa sheegtay in lasoo qabtay ninkii dhinaca miinooyinka u qaabilsanaa xoogaga Al-shababa xiriirka la leh ee ku sugan buuraleyda (Cal-madow).

 

Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Saxaafadda uga warbixiyey qaabkii ay qabashada ninkaasi u dhacday.

 

Wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanku ay weerareen koox Al-shabaab ka tirsan oo ku shirayey deegaan ku yaal buuraleyda Golis halkaas oo ay ku waaberiisteen xilli arooryo ah.

 

Col. Khaliif wuxuu intaas ku daray in inta badan raggii goobtaas ku sugnaa ay baxsadeen haseyeeshee qaarka gacanta lagu soo dhigay uu ku jiro Axmed-khayr Siciid Maxamed oo ah nin la dhashay Maxamed Siciid (Atam).

 

Wasiirka amnigu wuxuu sidoo kale sheegay in ninkaasi uu qirtay inuu yahay mas’uulka kooxahaas u qaabilsan dhinaca miino dhigista iyo sameynta walxaha qarxa sida ugu dhakhsaha badanna maxkamad lagu soo taagi doono.

 

Khaliif Ciise wuxuu ugu danbeyntii sheegay in ay jiraan haraadiga kooxihii dowladu dagaalka kula jirtey ee deegaanadaas ku sugnaa oo meelaha qaar ku dhuumaaleysanaya islamarkaana ay ciidamada ammaanku ku raad joogaan.

 

Waa markii ugu horeysey tan iyo intii uu bilowday sanadka cusub ee 2012 oo ay ciidamada ammaanka ee Puntland howlgal ay sameeyeen kusoo qabtaan mas’uul sare oo ka tirsan xoogaga Al-shabaab xiriirka la leh ee ku sugan buuraleyda u dhow degmada Galgala.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

You Terrorists laying bombs everywhere and mines are so silly, Puntland has a fleet of F350S to scope out those mines, bombs and any other explosive devices enemies lay down in the battle zones with it F350's

images?q=tbn:ANd9GcR40KRfubP8encT2716U0h

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this