walaalkis Posted February 13, 2012 Addis Ababa Sh. M. Network) Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay qabsadanayaan magaalada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab halkaasi oo Ururka uu sheegay in ay ku wajahan yihiin goordhow. Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa Audace Nduwumunsi oo wareysi siinayey wakaalada wararka ee AFP ayaaa waxa uu sheegay in ciidamda AMISOM ay qorshenayaan weerar ay ku qaadaan Magaalada Afgooye oo 30-KM galbeed ka xigta Magaalada Caasimada ah Muqdisho. Mr Nduwumunsi ayaa sidoo kale xusay in weerarkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaadi doonaan Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/ Hoose halkaasi oo la rumeysan yahay in ay hooy u tahay boqolaal dad barakacayaal ah oo ka carararay dirirtii ka dhaceysay Magaalada Muqdisho. “Dagaalka Afgooye waxa uu ku bilaaban doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waan bilaabi doonaa dagaalka Afgooye sida ugu dhaqsiyaha badan laakiin waxa ay ku xirnaan doontaa hadba sida ay xaaladu tahay” sidaasi waxaa sheegay Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa Audace oo la hadlayay wakaalada wararka AFP. Laakiin Audace ma uusan bixin waqti cayiman oo uu weerarkaasi dhacayo hase ahaatee waxa uu wareesigiisa ku daray in ay ka fogaan doonaan qasaaro soo gaara dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada ay doonayaan in ay hada dulaanka ku qaadaan. Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ayaa dhanka kale sheegay in Burundi iyo Uganda ay diyaar u yihiin in ay ciidamo dheeraad ah usoo daabulaan Gudaha dalka Soomaaliya hadii loo ogolaado kordhinta ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. Audace ayaa waxa uu timaamay in ciidamada Midowga Africa ay sidoo kale bartimaameedsanayaan Magaalada Dkada leh ee Kismaayo taas oo ay hada gacanta ku hayaan Xakada Al Shabaab. Afhayeenka Ciidamada Milatariga Kenya ayaa Sheegay in ciidamda Kenya ee soo galay Soomaliya bartamihii October ee Sanadkii hore ay daciifiyeen islamarkaana ay jaro badan meelihii uu dhaqaalaha ka soo gali jiray. dad maskiin ah waxna sameyn lee ku dhimin dagaladaan. aan aragno wixii kasoo baxo meeshan mogadisho maba kabixi karaan kuwaan isku sheegaayo nabada ilaaliyaasha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted February 13, 2012 ^^and whose fault is that yaa diidi wadahadal? Yaa diidi qaranimo? Yaa diidi nabad? Yaa diidi calanka astaanta uu leenahi?? we dealing with international terrorism here Quote Share this post Link to post Share on other sites