Sign in to follow this  
IAmRevolution

Somaliland Ideology Destroyed In 14 Minutes

Recommended Posts

Prof worlord ka isbadalka badan oo awal si kale u hadli jiray wax wayn muu sheegin ee waxa uu markan sheegay:

 

Goosashada maanan ogolaan waligayana maanan sexeexin go'aan wax lagula wadaagayo SL. waxaan ka qayb galay shirkii Burco iyo kii Boorame oo ugaasyo nabad kaga tashanayeen.

Waa yaabe shirarkaasi ma waxay ahayeen shir beeleedyo ay suladaano, ugaasyo, garaadyo iyo caaqilo kaliyihi isagu yimaadeen mise waxaay ahaayeen shirar siyaasadeed oo madax lagu dooranayay oo oday dhaqameedyada kasakow ay joogeen madax jabhadeed iyo siyaasiyiin wax ka hunguraynaysa maamulka la dhisayo. Haddii profisoorku uuna taageersanayn wixii ka soo baxay Burco muxuu ka doonay kii Boorame haddii aanu xil ka quudaraynayn?

Profisoorku waxa uu ku guul daraystay inuu inoo cadeeyo inuu Khaatumo ka gooynayo Soomaliland (SL haddii ay go'day iyana waa laga go'i karaa) laakiin waxa uu leeyahay go'itaanka SL ayaanan ogolayn oo macnaheegu noqonayo Minority overrule wishes of majority and this is receipt of war hadana waxa uu leeyahay nabad baan raadinayaa.

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in goboladaas wax horumar ah aan laga samayn oo aan loo ogolaan NGO iyo kuwa horumarka iyo hay adaha caafimaadka ka shaqeeya inay caruurta talaalan ama biyo ka qodaan.

Waa yaabe yaa NGO yada iyo horumarka ka hor taagan ma qoriga lala wareegayo iyo dagaal oogayaasha sidiisoo kale ah mise xukuumada Hargeisa. Haddii ay Hargaysa, Boorame iyo Burco ka nolol fiicanyahiin waa inta ay dadka meelahaas dagan iyo qurbajoogoodu ay u soo jeedaan nabada iyo horumarinta deegaankooga halka aqoonyahanka reer Laascaanod ay ka soo diraan qori iyo rasaas ayaa kuwa reer gabilay ay dhakhtar ka dhistaan ama dawo iyo talaal caruurtooda u raadiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this