Liibaan Posted February 12, 2012 Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan oo Booqday Magaalada Tuko-raq, Khaatumo State of Somalia Jidbaale Sunday, 12 February 2012 Tuka-raq(Jidbaale):- Madaxweynaha dawlad goboleedka Khaatumo , Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa galabta gaadhay magaalada Tukoraq ee gobolka Sool. .Madaxweyne Karaash waxaa soo dhaweeyey boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas Tukoraq iyo weliba ciidamada qalabka sida ee maamulka Khaatumo State. Madaxweynaha ayaa weheliyey wefti balaadhan oo ka soo ambabaxay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ee maamulka Khaatumo. Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa hadal kooban u jeediyey shacabka u sheegay inuu u yimid hawlo shaqo. Madaxweynaha Khaatumo ayaa todobaadyadii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Buuhoodle, intii uu ku sugnaa magaalada ayaa madaxweynahu wuxuu wadahadalo gooni gooni ah iyo kuwa guudba kula yeeshay shacabka iyo Bulsho weynta deegaanka Gobolka Cayn. Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia Axmed Cilmi Oo Booqday Ciidamada Jiida Hore Ee Tukaraq Tukaraq,(Lasanod Online)- Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) iyo wafti culus oo uu horkacayo.. ayaa saaka booqday ciidamad ku sugan deegaanadda khaatumo ee Gobaladda SSC. Waxana ka mid ah Masuuliyiinta waftida Madaxweynaha, Mujaahid Col, Cali Xasan Axmed (Sabaray), Taliyaha Aaga Bari ee Khaatumo Faysal Maxamed Xasan Falaalug. Waftidan Madaxweynaha oo ku sugaya jiida hore magaalada ganbadhe, waxaa halkaa kusoo dhaweeyey Masuuliyiin fara badan oo katirsan khatumo state, waxana ka mid ahaa Wasiirka Iskaadhiga iyo Jaaliyahada iyo Prof. Maxamuud Cali Jaamac. Madaxweyne Axmed Karaash ayaa la filayaa in uu indho-indheeyo Ciidamadda Jiida Tukaraq. kuwaas oo la filayo in ay ka qaybqaataan xoreynta Magaaladda Laascaanood. Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa hadal kooban oo u jeediyey ciidamada aagaas u sheegay inuu u yimid hawlo shaqo, isla markana uu ka qayb qaadan doono hawlaha ka soconaya dhanka Nugaasha ee maamulka Khaatumo State. Goor Dhaw ayaan idin soo gudbinaynaa Videoga booqashada Madaxweynaha. Xafiiska Wararka Laascaanood Laascaanood Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted February 12, 2012 i love somali's....only in Somali society can nothing become something..."khatumo" nothing intended an entity without a land, without a government, without institutions, without anything...has become something only in the eyes of its people masakin...its in the interest of Buhoodle to have peace as do everything other village and city in Somaliland. To seek military conflict will only effect the people of buhoodle as has been witnessed and no one else...i hope you see reason for your own sake and the continued survival and existence of your people. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites