Xaaji Xunjuf Posted February 12, 2012 Caalin oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah burcad badeeda Gaalkacyo Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah burcad badeeda Soomaalida, isagoo dhinaca kale sheegay inay xoog kusoo furanayaan nin ajinabi ah oo dhawaan laga afduubtay Magaaladaasi. Max’ed Axmed Caalin Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu si kulul ugu hadlay dhibaatooyinka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku hayaan deegaanada hoostaga Maamulka Galmudug, isagoo sheegay in deegaanadaasi ay kusoo kordhiyeen waxyaabo ka dhan ah shareecada Islaamka. Caalin ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida, isagoo ugu baaqay laamaha ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay gacan ka gaystaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida. Ugu dambeyn ayaa Madaxweyne Caalin waxa uusheegay in Maamulkiisa uu dadaal ugu jiro sidii loo soo furan lahaa saxafi dhawaan laga afduubtay Koofurta Magaalada Gaalkacyo kaasi oo lagu haysto deegaano hoostaga gobolka Mudug. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted February 12, 2012 Good move by the president Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted February 12, 2012 Galmudug and Puntland have been lacklustre on this task for sometime now, i hope this is not just a publicity stunt before the 'big' conference. Quote Share this post Link to post Share on other sites