walaalkis Posted February 11, 2012 Buuhoodle Sh. M. Network) Saraakiisha ciidamada Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay duulaan ku yihiin magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer si ay gacanta ugu dhigaan magaaladaasi. Kornayl C/rashiid Dhunkaal Xirsi oo ka mid ah Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamada Somaliland ee duulaanka ku ah degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo waraysi siiyay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in degmadaasi ay u jiraan 7 KM islamarkaana ay ka dagan yihiin dhowr fariisin oo laga galo degmada. C/rashiid Dhunkaal Xirsi ayaa waxa uu sheegay in iyaga ay u socdaan Nabad galyo balse waxa uu sheegay in colaada Somaliland ay horinayaan dad ugu yeeray fidnawadayaal taasi oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyo Siyaasiga caanka ah oo mar soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Pro. Cali Khaliif Galayr. Kornaylka ayaa waxa uu xusay in haatan ay socdaan waan waan ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada balse waxa uu hoosta ka xariiqay in hadii waan waantaasi ay ka socon weydo dhanka Buuhoodle in ujeedkooda uu yahay in gabi ahaan ay la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi. C/rashiid Dhunkaal Xirsi oo hadalkiisa sii anba qaadayey ayaa waxa uu si kulul u weeraray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole kaasi oo uu ku eedeeyay in uu hurinayo colaada ka taagan Buuhoodle, isagoo uga digay in uu faraha lasoo galo waxa uu ku sheegay qadiyadda Somaliland. Korneylka ayaa waxa uu intaasi ku daray in aysan jirin wax barakac ah oo ka taagan deegaanada hoostaga degmada Buuhoodl, isagoo sheegay in Somaliland aysan wax dhibaata ah u gaysan dadka xoola dhaqatada ah. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu ku eedeeyay Maamulka Somaliland in dagaaladii ka dhacay Buudoole uu ku xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan taasi oo uu sheegay in Maamulkiisa uusan indhaha ka qarsan doonin ugu baaqay in si deg deg ah ay uga baxaan ciidamada Maamulkaasi deegaanada ay kaga sugan yihiin halkaasi. Somaliland walee rag bey iska dhigayaan, more people will just die for none sense. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2012 Korneelku wu hadlay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted February 11, 2012 Xaaji Xunjuf;787914 wrote: Korneelku wu hadlay Fake or real Colonel from Siad Barre era? Quote Share this post Link to post Share on other sites