A_Khadar Posted February 10, 2012 Tv-ga Universal oo habeen hore laga baahiyey waraysi ay ka qaadeen taliyihii hore ee ciidamada Siilaanyo kana qaatay lacag dhan $20,000 (labaatan kun oo dollar ka maraykanka ah ) ayaa arintaasi waxay sababtay inuu xilkii ku waayo Mr Jilif oo lacagtii loogu tala galay mushaharka ciidanka iyo shiidaalka ku bixiyey laaluush uu siiyey Universal TV. Taliye Jilif ayaa mulkiilaha Universal ninka lagu magacaabo Axmedey Abubakar kula heshiiyey inaan la baahin warka dagaalkii Buuhoodle islamarkaana aan lasoo bandhigin gaadiidkii dagaalka ee laga qabsday ciidankiisa isagoo xafiiska hargeysa ee uu mamulo ninka lagu magacabo Maxamed Caabi ugu wareejiyey lacagtii ay ku heshiiyeen ee laaluushka ahayd oo dhan $20,000. Hadaba markii ciidankii gadoodey baabuurtiina shiidaal beeshay ayaa la isweydiiyey halka Jilif geeyey lacagtii ciidanka waxaana cadaatay inuu siiyey Universal TV waxaana arintaasi ka caraysiisay dhamaan xukuumada Siilaanyo oo ay qaadan waa ku noqotay in ciidankii la jebiyey oo boqolaal askari dhinteen, in gadiidkii waxna la gubey waxna la qabsaday, iyo in lacagtii ciidanka laaluush loosiiyey nin calooshiis u shaqayste ah oo aan sumcad ilaashan balse lacag uun radiya waana mida sababtay in uu gebi ahaanba waayo xilkii uu dhowaan u dhiibey ****-aanyo. Geesta kale Universal TV ayaa iyadu la aamustay lacagtii ay ka qaaten Jilif waxayna taasi ku bedeleen inaysan baahin wararka Buuhoodle gaar ahaana warkii dagaalka iyo gaadiidkii laga furtay Somaliland. Hadaba Maxaa la gudboon dadka deeganada Khaatumo? Dhamaan dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa inay dagaal lamid ah kan ay Somaliland kula jiraan la galaan Universal TV iyo maamulaheda ayna qaadaan talaabo kasta oo ay ku waxyeelaynkaraan Tv-gaasi cadaystay laaluushka uu ka qaato Somaliland. --------------- Quote Share this post Link to post Share on other sites