A_Khadar Posted February 10, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Madaxweynaha Dawladda Somalia Shariif Shiikh Axmed, ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay qaabka loo asaasay.. ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida sida ay ku timid gudaha wadanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Madaxweyne Shariif in ururka Al-Shabaab lagu asaasay lacag laga keenay xawaalad ku taala magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, isagoo sheegay in asaaskeeda ay ku lug lahaayeen rag ka tirsan ganacsatada reer Hargeysa iyo ururka Al-Qaacida oo ajaanib ah. Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay qaabka ururka Al-Shabaab uu ku yeeshay awooda, waxa uu sheegay in xilligii Maxkamadaha ay u yimaadeen ergo iyaga ka socota, kuwaasi oo ka codsaday madaxda Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah inay yeeshaan xiriir wad shaqeyn, hase yeeshee markii dambe way ka baxeen. "Xilligii lala dagaalay hoggaamiye kooxeedyada ayaan aragnay inay nala galeen dagaalka hoggaamiye kooxeedyada iyagoo urursanaya hub ragga Al-Qaacida ka tirsan" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in xubnaha Al-Qaacidada ah iyo kuwa Shabaab ay isku xirmeen kaddib gudaha magaalaa ay ku soo yaaciyeen dhallinyaro surwaalo gaagaaban wata kuwaasi oo bastooladi ku hubeysan kaddib dadka waxgalka ah dilaya. Sidoo kale Madaxweyne Shariif oo khudbad ka jeedinayay xarunta maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ay dileen waxgaradka iyo dadka indhaha u ah bulshada, wuxuuna caddeeyay in kooxahani aanay marnaba rabin kuna socon diinta Islaamka iyo fidinta Shareecada Islaamka. "Shabaab iyo Al-Qaacida diin kuma socdaan" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay markaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku soo kordhiyeen dhibaatooyin iyo falal ku cusub, "Janno laguma galo dadka rayidka ah oo la dilo" ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Quote Share this post Link to post Share on other sites