Sign in to follow this  
Dr_Osman

New Medical Company Opens In Garowe. Pics + Audio

Recommended Posts

Dr_Osman   

Shirkadda Daawooyinka ee Simpa Group oo Garoowe xarun ka furatay [Codad+Sawiro]

 

Updated:- 10 mins ago| 0 Commnets

 

Shirkadda daawooyinka ee Simpa Group ayaa xarun cusub ka furatay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

 

Simpa Group o ah shirkad daawooyinka ka ganacsatada waxay xirii la leedahay qaar kamid ah shirkadaha dawada sameeya ee dunida ugu caansan.

 

Mas’uuliyiinta ugu sareeya maamulka shirkadaas oo manta Horseed Media xafiiska ay Garoowe ka furatay ugu waramay ayaa ka warbixiyey adeegyada ay Simba bulshada u hayso.

 

Madaxa xafiiska iibka iyo suuq geynta ee shirkadda Simpa Group Cabdilaahi (Ciddi-libaax) ayaa mar uu ka warbixinayey qaabka ay daawooyinka kusoo iibsadaan iyo meesha ay keenaan sheegay inay kasoo gataan qaar kamid ah wershadaha dawada sameeya ee dunida ugu magaca dheer.

 

Ciddi-libaax ayaa sidoo kale sheegay in daawooyinka ay shirkadda Simpa Group gadaysaa ay yihiin kuwo ay tayadoodu aad u sarayso islamarkaana ay kasoo qaataan xiriir gaar ahna ay la leeyihiin shirkado ay kamid yihiin Aurobindo iyo AMSN.

 

Madaxa xafiiska iibka iyo suuq geynta ee shirkadda Simpa Group ayaa ugu danbeyntii sheegay in shuruucda ay iibka daawooyinka u dejiyeen ay kamid tahay in aysan dadka ka gadin daawo ay wakhtiga dhicitaankeeda ka dhimantahay mudo lix bilood kayar.

 

Hasu Devani oo ah maareeyaha xafiiska cusub ee shirkadda Simpa Group ay magaalada Garoowe ka furatay ayaa sheegay in inta badan shirkadaha dalka Soomaaliya daawooyinka keenaa ay kasoo qaataan bakhaaro keydad ah iyaga oo aan ka war qabin meesha laga keenay haseyeeshee shirkadda Simpa ay si toos ah uga soo gadato wershedaha dawada.

 

Mr Devani ayaa dhinaca kale mar aan weydiiney in Simpa Group ay leedahay ruqsad ganacsiga daawada ku aadan si loogu kalsoonaado daawooyinka ay keenaan wuxuu sheegay inay haystaan Laysamo badan oo ay siiyeen shirkadaha ay daawada ka gataan oo iyagu ah kuwo aqoonsi caalami ah leh.

 

Shirkadda Simpa Group ayaa ah shirkad daawooyinka ka ganacsatada islamarkaana xiriir la leh qaar kamid ah wershedaha dawada sameeya kuwoda ugu caansan, waana markii ugu horeysey oo shirkad noocan oo kale ahi ay Puntland xafiis ka furato.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Horseed Media

 

Garoowe

 

Simba.jpg

Simba-1.jpg

Simba-2.jpg

Simba-3.jpg

Simba-4.jpg

Simba-5.jpg

Simba-7.jpg

Simba-8.jpg

Simba-9.jpg

Simba-10.jpg

 

Audio below

http://horseedmedia.net/2012/02/10/shirkadda-daawooyinka-ee-simpa-group-oo-garoowe-xarun-ka-furatay-codadsawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this