Sign in to follow this  
Che -Guevara

MADAXWEYNE SHARIIF: Al-shabaab innaga ayaan soo dhaweynaynaya markii hore, balse

Recommended Posts

MADAXWEYNE SHARIIF: "Al-shabaab innaga ayaan soo dhaweynaynaya markii hore, balse hadda waa fidno-wadayaal"

 

Jimco, Feberaayo 10, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo horay u ahaa hoggaamiyihii Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay inay iyagu markii hore soo dhaweeyeen Al-shabaab iyagoo moodayay inay nabadda ka shaqeynayaan, balse ay hadda qirayaan inay yihiin fidno-wadayaal.

 

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda uu Sheekh Shariif madaxda ka yahay si ay xukunka uga tuuraan ayaa waxay ka dhex abuurmeen Maxkamadihii Islaamka oo ku guuleysatay inay awoodda ka qaadaan hoggaamiye kooxeedyadii muddada dheer ku amar ku taagleynayay Muqdisho.

 

"Markii hore waxaan moodaynay Al-shabaab inay yihiin kuwo wanaag wada, waana soo dhaweynay innagoo maxkamadaha ah, xilligaas oo aan dagaal kula jirnay hoggaamiye kooxeedyadii oo qaarkood hadda aan saaxiibbo nahay," ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ee hadda wuxuu sheegay in markaasba ay dareemeen xubno Al-shabaabta Soomaalida ah iyo kuwa ajnabiga ah oo hub iyo saanado kale oo ciidan urursanaya laakiinse aysan shareysan.

 

Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyay Al-shabaab inay tahay koox aan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya, balse kuma sheegin khudbadiisa inay ku qaldanaayeen xillgaas inay soo dhaweeyaan.

 

Hadalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu madaxweyne Sheekh Shariif ku sheego inay soo dhaweeyeen Al-shabaab ajnabi iyo Soomaali isugu jira xilligii ay maxkamadaha ahaayeen.

 

Xarakada Al-shabaab oo gobollo badan ay kaga furan yihiin dagaallo ayaa horay u diiday inay wax wadahadal ah la galaan dowladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo horay u ahaa hoggaamiye ay hoostagayeen, iyagoo ku tilmaamay inuu ka leexday jidkii ay kuwada socdeen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Che -Guevara;787757 wrote:
^Well he refers to AS being founded by people running from Hargeysa looking safe haven after they were kicked embezzling money.

Sh Sheriff should be looking forward, he should be concentrating on bringing in the moderates from the cold, killing or capturing the hardline leadership and the foreign elements. Time is of the essence!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this