Sign in to follow this  
A_Khadar

Casualties from Buhodle Fight

Recommended Posts

A_Khadar   

Wararkii u danbeeyay dhaawicii ugu liitay oo galabta Hargaysa la geeyay iyo Shacabkii Magaaladaas oo aad kacsan caawa

 

cusbitaalka_hargeysa.jpg

 

 

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya galabta mar aanu booqanay Cusbitaalka Guud ee Hargaysa ee la dhigo Ciidamada Mamulka SNM ayaa waxaanu indhahaya ku soo aragnay…………

 

Dhaawac aad u tiro badan oo aan waxba laga qaban kari waayay Magaalooyinka Burco iyo Qorulugud, dhaawacan ayaa waxay u badan yihiin beelaha Hargaysa iyo Boorame oo labadu ku jabeen dagaalkii u danbeeeyay lana waayay Guutooyinkoodii sida xun loogu jabiyay dagaalkii u danbeeyay ee ka dhacay duleedka Sooljoogta iyo maygaagle u dhaxaysa.

 

Guud ahaan dhaawaca ay warbaahinta widhwidh online soo aragtay ayaa ahaa kuwo aad liita tiradoodu 36 qof oo midba kan kale ka daran yahay, haysa yeeshee waxaa aad looga yaaban yahay rag hubka ku dhacay oo takhaatiira hargaysa ay aad ugu naxeen dhaawaca hada yimid xiligan ay daawadu aad u yartahay, inkasta oo dalabkii dubia uu illa barito imaanayo ayuu yidhi Dhaqtarkii halkaas ku sugnaa.

 

Isku soo wada duubow waxaa hubaal ah in hadii dagaalkan lagu dhamaaday uu sii socodo in la waayi doono dhamaan dadka ku dagaalamaya inta u dhaxaysa maygaagle iyo Sooljoogto, waxaana ku jabi doono ciidamada SNM ee duulaanka ku soo qaaday deegaan aysan lahayn.

 

kala soco Radiowidhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Mar u saaka booqday Wariyaha Hargaysa u jooga WidhWidh Online ayaa si gaar ah ulla kulmay mid ka mid Saraakiisha ku sugnayd Talisk Guud ee magaalada Hargaysa ee laga maamulo maamulka Somaliland State.

Waxaan sarkaal waydiinay innuu waraysi nasiiyo si aan warbaahinte ugu gudbino waanu naga diiday, waxuuna naa sheegay in la dillayo hadii uu waraysi bixiyo, kadib waxaanu ka waraysanaya guud ahaan khasaarihii soo gaadhay shalayto Ciidamada maamulka Somaliland State ee la dagaalamaya Ciidamada Khaatumo State ee ku sugnaa Sooljoogto.

 

Marka hore waxaan idiin sheegay in arintani ay tahay warbixin sir ah oo aan la sheegi karin, waayo Taliska Guud iyo shacabka Somaliland ayaa iska horimanaya hadii aan sida saxda ah aan diin ku waramo, laakiin waxii dhintay iyo waxii dhaawacmay caawa gurigooda ayaa laga tabayaa waxna idiin qarin maayo.

 

Marka hore dagaalku waxuu billoowday 5:32 daqiiqo oo subaxnimo ah bariga Africa, Waxaana Dagaal soo qaaday Ciidamada Buuhoodle iyo dadka deegaanka, jiida hore waxaana naga joogay 4 Guute, labo waxay joogeen Qorulugud, labada kalana waxay joogeen inta u dhaxaysa Maygaagle iyo Sooljoogte. Ciidankayaga waa la gaaday oo gawaadhidaydu geedadka ayay isaga jirtay, si kadis ah ayuu dagaalku ugu biloowday oo ciidamada qaar ayaaba iska hurday oo aan wax dagaal u diyaarsanayn. Markaa qasaaruhu waa badan yahay illaa Labo Guudto ayaan meel ay mareen la garanayn, Dhimashada tiro ahaan aan hayno waa 32 qof, laakiin waxaa jira Ciidan kale oo habaynkii ka soo baxay duleedka Yagoori kaasi nooma tirkoodbayn oo waa beel qudha waa Harbajeclo waa reerka daga Qurulugud, markaa kuwaasi wax ka dhintay garan mayno.

 

Saraakhiisha waa 3 Nin oo aad u qiimo badnaa runtii markii aan maqlay waan ka naxay waayo ragani waxay ahaayeen kuwii loogu tala galay inay qabtaan Buuhoodle waxaa intaas dheer waraaqihii dagaal iyo sir badan oo meesha laga qaatay.

 

Dhaawucu waa badan yahay oo qaar waxaa loo daayay Qorulugud, caynaba iyo OOG, Laakiin waxaa jira kuwo la keenay Burco tiro ahaan kuuma sheegi karo, kolay waxaan maqlay in 50 ay kor u dhaaftay.

 

Gawaadhida gaashaamaan Waxaa nalaga qabsaday Sadex gaadhi iyo Iskarogo raashin saaran yahay, waxaana nalaga gubay sadex gaadhi labo waan soo jiidanay midna waan ka soo tagnay.

 

Walaahay arinkani waa arin culus oo aad aanu ugu yaabanayahay aniga iyo Co. Jidhif, dadkani waxay yihiin garan mayno, kuwo Lascanood iyo kuwan lagu sheegayo reer buuhoodle isku dadba mahan isku dagaalna ma ahan, dee garan mayno waxa ka soo bixi kara dagaalka danbe kolay Jidhif ayaa yidhi ama aniga ayaa maqan ama Buuhoodle ayaan gacanta ku soo dhigayaa, laakiin anigu waxaan kula talay in ciidamada la keeno Qorulugud kadibna aynu biloowno wada hadal toos ah, laakiin waa iga diiday shalay ayuu ka tagay Taliskan Guud…………..

 

Gaadhiga-Suuga-ah-0053.jpg mid ka mid ah gaadiidkii dagaalka looga qabsaday S/L..

 

Kala soco Radiowidhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

reer-100x100.png

Maleeshiyaadka SNM oo aruursaday dadkii reer miyiga ahaa ee ku sugnaa jiida hore Maygaagle

Waxaa saaka jiilka Burco la keenay dad reer miyi ah oo aad ulla yaabay maleeshiyaadka snm ee dagaalka kula jiray maamulka Khaatumo State.

Waxaase aad loola yaabay shacabka ku sugan magaalada Burco inay arkeen dadka la soo qabtay inay yihiin dad reer miyi ah oo xataa sheegay in xoolihii laga dareersaday maxaabiis ahaan oo qabsaday si aysan xoolahoodii ugu hadlin.

 

Marka aad eegto Dagaalkii shalay ay ku jabeen maamulka Somaliland State aysan eegin cidda jabisay balse bilaabay inay aruursadaan dadka reer miyiga ah, waxaase la yaab ah Dagaalku ma waxuu u dhexeeyay Maamulka Khaatumo State iyo Somaliland State, mise maanta waxay maraysaa in reer miyigii la aruursado oo la yidhaahdo

waa maxaabiis. meelkasta reer miyigu waa joogaa, laakiin waxaa hubaal ah in reer miyigu uu leeyahay xuquuq gaar ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Khasaarahii maamulka Somalidiidka ah ka soo gaadhay dagaalkii Maygaagle

 

Thursday, 09 February 2012

 

Buuhoodle(Jidbaale):- Dagaalkii shalay dhex dhexaadka magaaladda Sooljoogto iyo Maygaagle ku dhexmaray maamuladda Somaliland iyo Khaatumo State ayaa maamulka Soomaalidiidka ah waxaa sida la xaqiijinayo ka soo gaadhay dhib aad u balaadhan oo aan la soo koobi karin.

 

Maamulka Soomaalidiidka ah ayaa waxaa dagaalkaa shalay dhacay lagaga qabsaday gaadiid ilaa shan gaadhi gaadhaya oo dhamaantood ay ku gaashaamanyahiin qoryaha dagaalka ee sida daran dooriga u wadda dhaca.

 

Qasaarha ugu balaadhan ee maamulka Hargeysa soo gaadhay ayaa sida la xaqiijinayo la kulmay guutadda la magax baxday 9 oo ah guuto dhawaan maamulka Siilanyo u qarameeyey Qabiilka la yidhaahdo Solaymaddow oo ka tirsan raaska Habarjeclo ee ninkaasi ka soo jeedo.

 

Guutadda 9 oo uu madax ka ahaa nin lagu magacaabi jiray Curaarte Axmed Qodax ayaa isaga iyo sarkaalkii uga hooseeyeyba lagu dilay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Sooljoogto, halka gaadiidkii guutaddaasi lahayd dhamaantii gacanta ay u galeen dadka ka soo jeeda degaanka Buuhoodle.

Gaadiidkan ayaa sida lagu soo waramayo waxaa maalgeliyey oo maamulka Siilanyo gacan ka siiyey soo iibintiisa labadda shirkadood ee kala ah DhiigShiil iyo shirkadda kale ee lagu magacaabo Indho-Deero. Labadan Shirkadood ayaa waxaa mulkiilayaasha iska lehi ka soo jeedaan qabiilka Siilanyo ee Habarjeclo.

Marka Guutadaa laga reebo dadka kale oo dagaalada gobolka Cayn ka soconayo ku dhamaaday ama ku qudh waayey ayaa ugu badan dad looma ooyaan ah oo la iska soo hormarinayo oo ka soo jeeda inta ay ugu sokayso magaalada Gebilay ayna ugu badanyahiin dadka laga soo afduubayo gobolka Awdal.

Taana waxaa cadaynaysa aqoonsiyo badan oo laga helay dadka maydadkooda lagaga cararay goobaha dagaaladu ka dhacayaan kuwaas oo cadaynaya meelaha laga qoray askartan. Magaalooyinka dadkaasi ku dhasheen ama laga qoray ayaa ugu badan Gebilay, Boorame, Xariirad, Lowyacado iyo magaalooyin badan oo kale badankoodu ku wadda yaalaan galbeedka dhulka maamulkaasi gacanta ku hayo.

Waxaasi hadda bilaabantay in ciidamada maamulkaas ee laga soo afduubay goboladda Galbeedku ay ka goostaan shaqadii ay u hayeen maamulka Soomaalidiidka ah, habeen walban laga waayo jeedda hore ciidamo aad u faro badan oo si qarsoodi ah kagaga ambabaxa dhulkaasi.

Waxaa kale oo maamulka Khaatumo iyo dadweynaha degaanka Buuhoodle hore baaq ugu direen ciidamada ka soo jeedda dhanka gobolka Awdal in ay ka waantoobaan khaladka naftoodda lagu soo haligayo dagaalkan aan xaqa ahayn ee lagu raadinayo aqoonsiga dhalanteedka ah ee aan marnaba soorto gelidoonin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this