Sign in to follow this  
A_Khadar

Ciidamo Kasoo Jeeda Boorama Oo Lagu Xasuuqay Qorulugud Markay Diideen inay galaan Dagaalka Buhodle

Recommended Posts

A_Khadar   

Ciidamo Kasoo Jeeda Magaalada Boorama Oo Shalay ay xasuqeen Maleeshiyaadka Beesha Qorulugud Markay Diideen Dagaalka

 

Waxaa shalay lagu dilay duleeda ” Bali cayaale ” Shan ka tirsan ciidanka maamulka SL oo kasoo jeeda Magaalada Boorama Kuwaasi oo watay gaadhiga dagaalka kana baxsaday dhirbaaxadii ciidamada Maamulka Khaatumo State diidayna inay ka qaybqaataan dagaalka xaqdarada ah eelagu wado deegaanada Khaatumo State, waxaana halkaasi ku laayey Ciidamo Beeleedyo kasoo jeeda Beesha Bariga Burco, Warkan ayaa ah mid xaqiiqa oo aan been laga sheegaynin, ciidaamada nimankan laayey ayaa kasoo kicitimay tuulada Qorulugud intii socday dagaalku kadibna markii ay ciidamadani diideen inay kula soo laabtaan dagaalka ayaa halkaasi waxaa lagu laayey dhamaan ciidankaasi waxaana dib loogu soogalay gaadhigii ay wateen dagaalka.

 

Sidoo kale waxaa khal khal iyo jaah wareer soo wajahay Jabhada SNM waxaana xasuuqa ciidamadaasi keentay inay xalay kadareeraan ciidamo tirabadan oo kasoo jeeda deeganada Galbeedka waxaana ay xiisadi imika ka dhextaagan tahay Maleeshiyaad beesha bariga burco iyo ciidamadii kale ee katirsanaa Maamulka SNM kuwaasi oo lagu khasbayo inay kadagaalamaan dhul ay san lahayn.

 

Markasta oo dagaal dhaco waxaa yimaado khal khal iyo Jaah wareer soo Wajaha Ciidama Jabhada SNM.

 

Magaalada Boorama ayaa siaada waxaa looga Xumaaday xasuuqa midabsooca ah ee ay Maleeshiyaad Beesha Qorulud kula ka ceen ciidamadaa markii horaba uu soo biimeeyay Horjoogaha Jabhada SNM kaasi oo go ‘aankiisu yahay in ciidamada kale ay beeshiisa ku caanbaxday dhulboobka uqabtaan dhul ay ku habsadaan – oo ka tirsan deegaanada Khaatumo State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this