A_Khadar Posted February 9, 2012 Wasiir ku Xigeenka Arimahadda Dibadda Maamulka Khaatumo Oo ka Jawaabay Hadalkii Madaxwayne Faroole. Anigga Oo ku Hadlaya Magaca Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Maamulka Khaatumo Ee Soomaaliya, Waxaa Doonayaa in aan ka Jawaabo,Hadalkii ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Uu ka Yidhi Saxaafadda Maanta. Marka Ugu Horeysa, Waxaan Doonayaa inaan Uga Mahad Celiyo Codka Uu Ku Muujiyay in Maamulka Duulaanka Ku Soo Qaaday Degaanadda SSC in ay ka Baxaan Magaalooyinka ay ka mid Tahay Lasanod inta aan la tagin Shirka Ingiriiska, Si Loo gaadho geedi Socodka nabadda Soomaaliya, loona Soo Celinlahaa Qarankii Soomaaliya. Siddoo Kale, Waxaana Doonayaa in Wax ka Iraadho Hadaladdii Uusan Faroole U meel Dayin ama Uusan Ka fikirin Saamaynta ay ku Yeelan karto Bushadda Walaalaha ah Ee Khatumo State of Somalia iyo Bulshadda Puntland of Somalia. Faroole Ayaa Si Isdaba joog ah U Mucaaraday Maamuladda iyo Hogaankii SSC Ee Doonaayay in Maamulka Soomaaliland ka Saaro Degaanadda SSC. Waxaan doonaynaa in Madaxwayne Faroole Uu dhowro,Darisnimadda,Xiriirka Bulsho Ee labadda Maamul, Waana in uu joojiyaa faragalinta Uu ku Bilaabay Madaxbanaanidda Degaanka iyo Maamulka Khaatumo State of Soomaaliya, Bulsho Wayn Khaatumo Uma baahno Hagardaamo iyo Hadal Aan Waxqabad lahayn Madaxda Maamulka Khaatumo State of Soomaaliya Waxaa ka Go’an Sidda ay U Dhan Yihiin in ay Soo Celiyaan Sharaftii iyo Degaanka ka Maqan, Waxayna Siddoo kale u Istaageen in ay Horumariyaan,Midiyaan,guul deg deg ahna ka gaadhaan Arimaha Degaanadda SSC. Quote Share this post Link to post Share on other sites