Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG defense Minister Hussein Arab iise we will continue to fight insecurity

Recommended Posts

Xuseen Carab Ciise: Waan la dagalamayna ammaan darida

 

Muqdisho :( Sh. M. Network) Xukuumadda KMG ah ayaa sheegtay inay ka hortagayso qaraxyada iyo falalka ammaan dari oo ay Ciidamada Al Shabaab ka wadaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda KMG ah Xuseen Carab Ciise oo Waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda KMG ah ay ka hortagayso qaraxyada iyo weerarada ay Al Shabaab ka wadaan Magaalada Muqdisho. “ Qorshuhu waa sidiisa hore, waan in lala dagaalamo Al Shabaab, ammaanka Magaalada dhexdeedana la sugo, boqolkiiba boqol Alle baa ammaanka suga, Runtii shacabkana aad buu noola shaqeeyay, waana inaan xiriirka aan aad usii kordhino, Hay’adaha ammaanka kaligood shaqada ma qaban karaan” sidaasi waxa yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda KMG ah. Xuseen Carab Ciise waxa uu sidoo kale sheegay in gabo gabo uu ku dhow yahay howlgal gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka wadaan Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya, Kenya iyo kuwa Ethiopia, isagoo sheegay in weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho uu muujinayo culeeska Al Shabaab gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya kasoo wajahay. Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Muqdisho waxa kusoo badanayay weerar ay mararka qaar Ciidamada Al Shabaab ku qaadaan fariiisimaha Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, iyadoo Saraakiisha dowladda ay sheegeen inay wax badan ka qabanayaan arrimahaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this