Sign in to follow this  
Somalina

Hiiraan: Mark Bowden visits Beledwein

Recommended Posts

Somalina   

Arbaco, Feberaayo 08, 2012 (HOL) − Wafdi ka socda hay’addaha gargaarka islamarkaana uu horakacayay xiriiriyaha arrimaha bani’aadanimada QM Mr Mark Bowdan ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Wafdiga oo markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha loo soo galbiyay guri ama xarun ay magaalada ku leedahay hay’addaha WFP, ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan hay’addaha UNDP, UNHCR, iyo waliba UNICEF, kuwaasoo kala hadllay mas’uuliyiintii ay la kulmeen xaalada gobollka iyo sidii loo bilaabi lahaa howlihii gargaarka.

 

Max’ed Nuur Caga-joof oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka oo ay wafdiga is arkeen ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka wada hadlleen dardargalinta howlaha dhinaca bani’aadanimada, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa sugida amaanka, isaga oo intaa ku darray in dhinacooda ay balan qaadeen in ay kala shaqeynayaan hay’addaha samafalka sidii ay nabad-galyo ugu gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

 

"Ma’aha oo kaliya wax yaabihii aynu ka wada hadalnay arrimaha bani’aadanimada, ee sidoo kale xitaa mas’uuliyiintii ka soctay hay’addaha UNDP waxaa isla soo qaadnay arrimaha la xiriira hormarinta, sida dhimaha ciidamada, iyo sare u qaadita tayada dhinaca aqoonta shaqaallaha maamulka, waana ay soo dhaweeyeen arintaa iyada ah ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Caga-joof warfaafinta u qaabilsan maamulka Dooxada Shabeelle.

 

Wafdiga sidoo kale waxaa ay kulamo la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada, iyaga oo ka dhageystay warbixino kala duwan oo la xiriira xaaladaha dhinaca bani’aadanimada ee ka taagan gobollka Hiiraan.

 

Wafdiga maanta gaaray magaalada Beledweyne oo uu horkacayay Marka Bowdan ayaa noqonaya wafdigii ugu sareeyay ee magaalada booqda tan iyo markii 31-kii bishii December ee ina dhaaftay laga saaray magaalada xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bandow lama qaadaayo inta AS ay guryaha isku qarinaayaan, kii qariya, kii garka xiirta, iyo kii guri u ijaarana qoorta ayaa laga goyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

lol @ 'qoorta ayaa laga goyn'!. Hadhow, markii aad qoor goyska dhameysato, markii hilibkiinna la kala firdhiyo, baroor ha billaawin lee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay'adda CCD oo markii u horeysay Dood cilmiyeed ugu qabatay qeybaha bulshada Magaalada B/weyn

 

Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa markii u horeysay Magaalada B/weyn ugu qabatay qeybaha bulshada dood cilmiyeed ku saabsan Nabada iyo is dhex galka bulshada.

 

Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaasha, waxgaradka, Ugaasyada, Culumaa'udiinka, ganacsato, aqoonyahano, dhalinyaro iyo Ururada haweenka, iyadoo dood cilmiyeedkan lagaga dooday qodobo muhiim ah.

 

Ugu horeyn ayaa waxaa dood cilmiyeedka furay Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage oo ahaa Ugaaska Beesha zzzzz, kana wakiil ahaa Ugaasyada Gobolka Hiiraan, isagoo ka hadlay muhiimada dood cilmiyeedkan ee ku aadan dhinaca nabada iyo sidii Maamul loo dhan yahay looga dhisi lahaa Gobolka Hiiraan.

 

"Bulshada waxaa muhiim u ah nabada, iyo soo celinta dhaqankii Soomaaliyed, waxaana saldhig u noqon kara horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshada, waxaana aas aas u ah Maamul ku dhisan cadaalad iyo sinaan oo la helo"ayuu yiri Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage.

 

Afhayeenka Golaha Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Nabadoon Xuseen Cilmi Dhaqane ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan looga baahan yahay inay isu tanaasulaan, isla markaana ammaanka laga shaqeeyo, si loo helo degenaan iyo nabad ka hana qaada Gobolka Hiiraan.

 

Sidoo kale Culumaa'udiinkii ka qeyb galay dood cilmiyeedkan ayaa soo jeediyay in bulshada Gobolka ay is cafiyaan, isla markaana wax walba Alle looga towbad keeno, waxaana ka qeyb galayaasha ay soo jeediyeen in la helo Maamul ku dhisan shareecada Islaamka, dhaqanka Suuban ee Soomaaliyed, iyadoo aan laga been sheegin Diinta Islaamka, dano gaar ahna looga faa'ideysan.

 

Xaaji Cumar Cabdulle Cismaan ayaa sheegay in mar walba dhaqanku yahay kan ka turjuma horumarka ay bulshada leedahay, isla markaana laga tashado soo celinta nabada Gobolka Hiiraan.

 

Haweenkii ka qeyb galay dood cilmiyeed oo hadalo ka jeediyay ayaa waxaa u hadashay Xaliimo Xaaji Cismaan ayaa xustay baahida loo qabo soo celinta nabad-galyada, dhismaha maamul cadaalad ku saleysan iyo waliba hormarinta adeegyada kala duwan ee bulshada, waxaana ay carabka ku dhuftay in haweenku door wanaagsan ku leeyihiin ka qeyb-qaadashada dib u soo nooleynta nabada.

 

Ka qeyb galayaashii dood cilmiyeedka ayaa isku raacay in sida lagama maarmaanka ah ee nabada loo adkeyn karo tahay isku xirnaanshaha qeybaha bulshada, in la sameeyo deriseyn iyo in xaafadaha magaalada B/weyn laga hirgeliyo Gudiyo ka shaqeeya arrimaha nabadgelyada iyo horumarinta Bulshada.

 

Dood cilmiyeedkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ee Hay'adda CCD ku qabato Magaalada B/weyn ee Gobolka Hiiraan, tan iyo markii 31-kii bishii December sanadkii 2011 laga xoreeyay Magaalada Al-Shabaab, iyadoo uu bilow u yahay is dhex galka bulshada iyo in fursad u noqdo sidii Bulshada reer B/weyn nabad iyo xasilooni ugu soo dabaali lahaayeen, isla markaana suura geliya in la helo maamul ku dhisan Cadaalad, isla xisaabtan kuna shaqeeya habka Dowlad wanaaga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   
CCD_seminaar_Baladweyne_12.JPG

 

 

Would be nice if the two hands shaking were little darker. I can see Al-Shabaabs, or even Maadeey, saying "see, niman cadaan ah baa Soomalida u hishiiyey."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this