Sign in to follow this  
kingofkings

Prof Cabdiweli oo Muqdisho ku qaabilay ergeyga midowga Yurub u qaabilsan Africa

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Alexander Rondes oo ay la socdeen Madaxa EU ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Mudane Hussein Arab Isse, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Ergeyga gaarka ah ugana mahadcelinayey imaatinkiisa Muqdisho kana codsaday in EU ay labo jibaarto dadaalkooda ku aadan sidii Shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa nabad iyo amni waara. Waxey kaloo si gaar ah uga hadleen qorshaha iyo istraatejiyada Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan goobaha iyo gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab si shacabkaas loo gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo gar-gaarka bani’aadanimo, lagalana shaqeeyo sidii shacabkaas ay u sameysan lahaayeen guddiyo amni iyo maamul ay iyagu doorteen.

 

Kulankan waxaa sidoo kale looga hadlay shirka London iyo sidii ay beesha caalamka ay hal meel uga soo wada jeesan lahaayeen xal u helidda arrimaha Soomaaliya, oo kulanka aad looga qiray inay jirto fursad dahabi ah oo Xukuumadda ay ku guuleysatay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo xasilinta waddanka.

 

Ergeygan Gaarka ah ayaa dhowaan Midowga Yurub u magacaabeen inuu wakiil uga noqdo Geeska Afrika oo uu sheegay inuu mudnaanta siinayo Soomaaliya. Waxaa muuqata dadaal weyn oo ay caalamku ugu soo jeesteen arrimaha Soomaaliya ka dib markii Xukuumadda ay guulo waaweyn ka sameeyey dhan walbo sida amniga, dastuurka cusub, dib-u-habeynta baarlamaanka, xiriirka maamulada iyo Dowladda dhexe iyo maamul wanaaga.

 

IMG_0346.jpg

IMG_0352.jpg

IMG_0357.jpg

IMG_0359.jpg

IMG_0361.jpg

IMG_0363.jpg

IMG_0365.jpg

IMG_0393.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this